Hiiraan online - News and information about Somalia
`
HyperLink HyperLink HyperLink








 

 

Mucjisadi kubada Miiska oo sanadkiisii labaad ku guulaystay INTERNATIONAL MASTER ITALIAN OPEN

Magan Daahir Yusuf, oo loo yaqaano "Mucjisada Kubadda Miiska" ayaa  ku guuleystay tartan kubadda Miiska (2006) oo lagu qabtay waddanka Talyaaniga

 

Sida caadada u ah cayaaraha kubada miiska , waxaa sanad walba lagu qabtaa wadamada dunida wadan ka mid ah 12kii ciyaartooy ee ugu wanaagsanaa cayaaraha kubada Miiska.Waxaa sanadkan nasiib u yeeshay in lagu qabto cayaarahaas kubada Miiska wadanka Talyaniga magaaladiisa Vinedcia.

 

Wadamada  ka soo qayb galay ayaa ka kala socday - ITALIA, MEXICO, NEDETHERLAND , NORWEY, BELGIUM, HUNGARAY, GERMANY, CHINA, SPAIN, FRANC, SWEDEN, IYO RUSSIA.

 

Waxa uu hadaba Mr Magan oo ka socday dalka Nederland , noo sheegay in ay cayaarahani ahaayeen tii ugu adkeeyd ee soo mara intii uu ciyaarayay cayaaraha kubada Miiska.

 

Cayaartiisii ugu horaysay oo lagu furay laacib ka soo jeeda wadanka Norway oo magaciisa la yiraa Paulsen , waxay isla gaareen 3-2 oo uu badiyay Mr Paulsen (Norway). Isaga oo markaas isticmaalaya khibrada uu cayaaraha u leeyahay , lana soo tashaday tababarihiisa gaarka ah MR GIRARD ayuu nasiib wanaag Mr Magan Waa Mucjisadii kubada Miiska uu wada badiyay cayaarihiisii, sidaana uu ku soo gudbay Semifilekii isaga iyo cayaartooygii ka socday wadanka Norway.

 

Waxaa iyana dhanka kale ka soo baxay cayaartooygii ka socday wadanka Talyaniga  waa Mr CACI SALVATORE  iyo cayaartooy ka socday wadanka Germaney -Mr SHEMSHU.

 

Cayaarahan oo aad u sii xiisa batay markii la soo gaaray Semifinlekii, ayaad moodaysay in garoonka lasoo buux dhaafiyay , maadaamaa ay cayaarta isugu soo hareen cayaartooydii la sadaalinaayay in ay hantiyaan cayaar wanaaga sanadka 2006

Mr Magan oo aad moodo in uu ku faanayo Somalinimadiisa iyo waliba waddanka uu u ciyaarayo ee Holland , ayuu waxa uu garoonka  dhexdiisa ku xirnaa funaanad ay ku sawirantahay Shabakadda Somaliyeed ee Hiiran.com.

 

Mucjisadii kubada miiska Mr Magan waxay markiiba fooda isdareen Cayaartooygii ka socday  wadanka Talyaniga  Mr CACI SALVADORI.  Cayaartaas oo runtii dadwaynihii daawanayay ay ilaa iyo maalmihii ugu danbeeyay laga sheekeeynayay sida quruxda badanyd ee ay isku weerarayeen iyo waliba difaaca adag ee uu Mr Magan la soo baxay cayaartaas , isaga oo sida lagu yaqaano ay cayaartiisu u badan tahay weerar. Cayaartiina waxay ku dhamaatay 4-1 oo ay Mucjisadii kubada miisku ay halkaas guushii ku raacday , sidaana uu ugu soo gudbay cayaarta kama dambeysta ah ee "Final"ka. 

 

Mr Magan oon marnaba is dhigan wehliyaana macalinkiisa Girard iyo fisiotarabistadeyda INGRID HEGGE  oo ku faraxsanaa heerka ay kaga jiraaan tartanka.

 

Cayaartii kama dambeysta ahayd ayaa waxaa isku soo baxay Magan iyo Mr. SHEMSHU oo ka socday waddanka Germany oo isaguna ka soo guuleystay ciyaartooygii ka socday waddanka Norway. Cayaartan oo iyana sidii tii hore oo kale u xiisa badan, ayaad moodaysay in ay dadwaynuhu si gooni ah u taageerayeen Mr. Magan. Mr GIRARD oo ah tababaraha Mr Magan ayaa waxa uu ku waaninanyay in uu weerar adag qaado  si uu cayaarta uu isagu u xukumo , taana way u suurto gashay Mr Magan oo waxaadba moodaysay in uu cayaarta guud ahaanba uu iska maamulanayay. inkasta oo uu   Mr SHEMSHU ay runtii cayaartiisu aad u wanaagsanayd Cayaartiina waxay ku dhamaatay  3-2 oo ay guushu ku raacday Mr Magan Mucjisadii kubada miiska. Waxaa Mr MAGAN halkaas lagu gudoon siiyay bilad iyo shahaada sharaf iyo waliba cayaarwanaaga sanadka 2006.Waxaa isla habeenkii ay safaarada Holland u qabatay MR MAGAN xaflad casho sharaf ah oo ay dhamaan macalimiintii iyo laacibiintii kale ee taageeraysabay ay ka soo qayb galeen. Xaflada dhexdeedii ayaa Mr Magan looga akhriyay jaraaiidada ka soo baxa dalka Holand waxa ay ka qoreen.

 

 

Waxaa isna halkaa ka hadlay Mr Magan  oo hanbalyo uga soo jeediyay dhamaan umada somaliyeed meelwalba oo ay ku nooshahay iyo waliba Hiiraan Online oo uu intii ciyaarahaasi socdeen uu ku ciyaarayay magacooda, isaga oo marlabaad ugu mahad celiyay sida  sharafta leh ee ay mar walba u soo tabiyaan meel walba oo uu ku ciyaarayo.

Guushaan uu soo hooyay Mr. Magan ayaa waxay sharaf weyn u tahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bahweynta jecel Isboortiga. Magan ayaa waxaa uu booqasho ku tagidoona magaalooyin waaweyn ee Europe oo ay ugu soo horeyso magaalada London (15 Sept 2006).

 

Inta uu joogo magaalada London, waxaa halkaas uu ka dhigidoonaa Film Decomentary ah uu soo diyaariyey Mahad Turbashaash (Producer). Dhammaan dhaqaalaha laga aruuriyo Filmkaan ayaa waxaa Magan ku deeqi doono dhamaan curyaamada Somaliyeed ee ku curyaamay dagaaladii sokeeye.

 

Waxaa warbixintaan noo soo diray Mahad Turbashaash E-mail:  [email protected] 

Magan waxaad kala xiriiri kartaan E-mailka ah: [email protected]     

 


Add Comment-- View Comment 
2 comment(s) with
0 replies.



   

   

Hiiraan Online 

Contact:[email protected]
Copyright © 1999-2006 Hiiraan Online