Wararka Maanta - Isniin - Mar 13, 2006










· Mas'uuliyiinta Maamulka Heer Gobol iyo Degmo ee Gobalka Hiiraan oo sheegay in ay ku fashilmeen howlihii ay Bulshada u hayeen
· Isbaheysiga la dagaalanka Argagixisada oo sheegay in banaanbaxyada lagu qabanayo Muqdisho ee dhanka ah ay abuuri karaan isku dhacyo hor leh
· Wasiiro uu ka mid yahay Cusmaan Caato oo Garowe kulan kula yeeshay Madaxweynaha Maamulka Puntland
  Maxamed Dheere oo sheegay in Deegaanada uu maamulkiisa ka taliyo aan laga taageeri doonin Dowladda Federaalka Soomaaliyeed












Mas'uuliyiinta Maamulka Heer Gobol iyo Degmo ee Gobalka Hiiraan oo sheegay in ay ku fashilmeen howlihii ay Bulshada u hayeen

Isniin, March, 13,2006 (HOL): Kulan ay ku yeesheen Xarunta Maamulka Gobalka hiiraan, Qaar ka mid ah mas'uuliyiinta Heer Gobal iyo degmo ee Gobalka hiiraan ayaa waxaa ay kaga hadleen sida ay u arkaan Dagaalkii dhawaan ku dhaxmaray degmada Buula-Burte ciidamo ka amar qaata Yuusuf Axmed Hagar, iyo Cabdi Iidow Sabriye oo mar ahaa gudoomiyaha Degamada Buula-Burte, Mas'uuliyiinta kulanka yeelatay oo ay ka mid ahayeen Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobalka ee dhinaca Nabad galyada Xuseen Cumar Xasan "Gacamey" iyo waliba Gudoomiyaha degmada Aadan Cabdi Ciise " Aadan Garaaso" ayaa lagu sheegay in Maamulka uu hogaamiyo Yuusuf Dabageed uu ku fashilmay Arimaha siyaasada iyo nabad galyada Gobalka, iyagoo intaa ku daray in Dagaalkii ka dhacay degmada Buula Burte uu ahaa mid isaga u Gaar ah.

Xuseen Cumar Xasan "Gacamey" ayaa dhinaciisa sheegay in hadii ay arimuhu sidan ku sii socdaan ay suurta gal tahay in uu iska wareejiyo xilka uu hayo, madaama ayuu yiri wixii hadda ka danbeeya aysan jirin bulshadu aysan qaadan karin sida uu hadalka u dhigay "Been loo sheego" dhanka kale Aadan Cabdi Ciise Gudoomiyaha degmada oo ku dheeraaday xaalada Gobalka ayaa sheegay in ay jiraan balamo badan oo ay isku ogayeen isga iyo gudoomiyaha Gobalka hase ahatee looga waxaana uu intaa raaciyay in xiligan aysan jirin cid xoog lagu maquunin karo, mar uu ka hadlayay wax la gudboon mar hadii ay arimuhu sidaa yihiin waxaa uu yiri "" hadii xaalku sidaan sii ahaado waxaa ka fiirsanayaa xilka aan Bulshada u hayo.

Edeymaha iyo waliba is qab-qabsiga ka dhashay iska hor imaadkii ka dhacay degmada buula Burte ayaa ka dhigaya Maamulka Gobalka mid la kulma caqabo ka badan tan ka taagan degmada Buula Burte, waxaana muuqata hadda in xitaa mas'uuliyiinta kuwada jirta maamulka ay isku si u arkin sida howlaha loo wajahayo.

Dhanka kale wararkii ugu danbeeyay ee demada Buula Burte ayaa sheegaya in uu jiro Qorshe Abaabul Dagaal ah oo ay wadaan maleeshiyada u daacada ah C/iidow sabriye, walow warar kalna ay sheegayaan in uu jiro isku day ay wadaan odayaasha dhaqanka dagmada si xaalka loo qaboojiyo.

C/raxmaan diinim, Hiiraan online
E-mail: [email protected]
Beledweyn, Somalia






 




Isbaheysiga la dagaalanka Argagixisada oo sheegay in banaanbaxyada lagu qabanayo Muqdisho ee dhanka ah ay abuuri karaan isku dhacyo hor leh

Isniin, March, 13,2006 (HOL): Isbaheysiga la dagaalanka Argagixisada iyo soo celinta nabadda ayaa maanta shaaca ka qaaday in banaanbaxyada laga wado magaalada Muqdisho ee ka dhanka ah Isbaheysigooda ay keeni karaan isku dhacyo cusub oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

Cabdi Nuurre Siyaad oo ka mid ah mas’uuliyiinta ku bahoobay Isbaheysigaas oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasiirka Amniga Qaranka ee deegaanka Dayniile ayaa sheegay in banaanbaxyada ay abaabulayaan Maxkamadaha Islaamka ee ka dhanka ah Isbaheysiga la dagaalanka argagixisada ay keeni karaan isku dhacyo cusub oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

Cabdi Nuurre wuxuu sheegay in uusan ogeyn heshiis laga gaaray dagaalladii ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan midkii ka dhacay Dayniile iyo agagaarka Kuliyaddii Jaalle Siyaad, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay dhinacooda dagaalka iyagoo u turayay shacabka Soomaaliyeed.

Cabdi Nuurre waxaa kale oo uu sheegay in Isbaheysigooda uusan ku xirneyn ururro iyo dalal shisheeye, wuxuuna, caddeeyay in ay ku xiran yihiin dadka Soomaaliyeed, intooda fahmeysa dhibaatada dalka Soomaaliya ka jirta, gaar ahaan dembilayaal lagu hayo gudaha Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia 





 




Wasiiro uu ka mid yahay Cusmaan Caato oo Garowe kulan kula yeeshay Madaxweynaha Maamulka Puntland

Isniin, March, 13,2006 (HOL): Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Cusmaan Xasan Cali Caato iyo Mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay Wasiiru Dowladaha Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Maxamed Jaamac Furux ayaa lagu soo waramayaa in ay gaareen Magaalada Garowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland.

Wafdigan ayaa waxay kulamo la yeesheen Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Jen. Cadde Muuse), iyagoo isla qaadaa-dhigay hannaanka nabad loogu soo dabaali karo gobollada Mudug iyo Galgaduud oo ay ku dagaalameen laba beelood oo wada dega gobolladaas.

Masuuliyiintan ayaa ka wada hadlay halka ay marayaan dadaallada nabadeed ee lagu dhex dhexaadinayo beelahaas oo indhawaalaba dhex dhexaadintooda ay ku howlanaayeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo ay horkacayeen Caato iyo Furux.

Wafdigan ayaa waxa ay ka dhaadhicinayeen maamulka Puntland in ay kaalin muuqato ka ciyaaraan soo afjarida colaadda daba-dheeraatay ee u dhaxeysa beelaha wada dega gobollada Mudug iyo Galgaduud iyo waliba maamulkaas in uu ka saacido dhinaca dhaqaalaha waan waanta ay wadaan waxgaradka labada beelood.

Masuuliyiintan ayaa lagu soo waramayaa in ay sidoo kale ka wada hadleen mideynta gobolka Mudug iyo waliba isku dhafidda maliishiyooyinka labada dhinac ee ku kula dhaqan Koonfurta iyo Waqooyiga Mudug, taasoo uu horay uga shanqariyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf xili uu ka hadlayay banaanbax lagu qabtay Koofurta magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Cadde Muuse Xirsi ayaa soo dhaweeyay dadaallada ay wadaan masuuliyiinta dowladda fedaraalka KMG ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa beelaha is-dilay ka soo jeeda, wuxuuna u ballan qaaday in maamulkiisa uu la barbar taagan yahay taageero hiil iyo hooba leh.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, socdaalka ay ku tageen Cusmaan Caato iyo Furux ayaa ah kii ugu horreeyay oo ay ku tagaan magaalada Garoowe tan iyo markii lagaga dhawaaqay gobollada waqooyi bari maamul goboleedka Puntland sanadii 1998kii.

Sidoo kalena waa markii ugu horeysya ee wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Cismaan Xasan Cali Caato iyo Wasiiru Dowlaha Dekedaha Maxamed Jaamac Furux ay kulamo kula qaataan magaalada Garowe mas'uuliyiinta maamulka Puntland tan iyo markii maamulkaaslagu dhawaaqay.


Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia 





 




Maxamed Dheere oo sheegay in Deegaanada uu maamulkiisa ka taliyo aan laga taageeri doonin Dowladda Federaalka Soomaaliyeed

Isniin, March, 13,2006 (HOL): Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jowhar ayaa shaaca ka qaaday in gobolka Shabelaha Dhexe aan hadda wixii ka dambeeya laga aqoonsan doonin dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in mar dambe aan deegaanada uu ka taliyo laga soo dhaweyn doonin dowladda Federaalka Soomaaliyeed, "Annagu reer Jowhar haddii aan nahay waan soo dhaweynay, iyadoo dalka intiisa kale laga diiday, si wanaagsaneyn ayayna mas’uuliyiintii Dowladda noogu abaal gudeen, waxayna naga tageen iyagoo aan xitaa na macsalaameynin"ayuu yiri Maxamed Dheere oo carabka ku dhuftay in madaxweyne C/llaahi Yuusuf uusan u aqoonsaneyn madaxweyne Soomaaliyeed balse uu u arkayo Oday Daarood oo aan dhaqan wanaagsaneyn.

Halkaan ka wada dhageyso wareysiga uu Radio Shabeelle la yeelatay Maxamed Dheere - (17 :03 )

"Waxaa la ii sheegay saacad ka hor in dadkii ku haray madaxtooyadii uu deganaa C/llaahi Yuusuf ee halkan ku tiilay (Jowhar) ay ka tageen iyadoo ay albaabadiisa furan yihiin, furayaashii gurigaasna waxay isaga tuureen Gurigii Ra’iisal Wasaaraha deganaa"ayuu mar kale yiri Maxamed Dheere oo dhanka kalena difaacay Isbaheysiga la dagaalanka Argagixisada ee Dayniile looga dhawaaqay, wuxuuna caddeeyay in ay howsha la dagaalanka argagixisada ay tahay waajib saaran, bacdamaa dalka aysan ka jirin dowlad awood leh oo howshaas qabata.

Dhanka kalena Ciidamadii ku xareysnaa Xerada Congo ee duleedka magaalada Jowhar ayaa qeybtii ugu dambeysay oo ka soo jeeda deegaanada Puntland waxay maanta u amba baxeen deegaano ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool, iyadoo maleeshiyooyinkaas oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalkana ay gebi ahaanba saadkoodii ka qaateen xeradaas oo in muddo ah ay ku xareysnaayeen.


Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia 





 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright � 2006 Hiiraan Online