Wararka Maanta(Qeyb Labaad)- Talaado- June 13, 2006










· Midowga Maxkamadaha Islaamka oo beeniyay in ay diideen in Muqdisho lagu daawado Ciyaaraha Adduunka
· Kulan looga hadlayay Ammaanka Gobolka Hiiraan oo lagu soo gebagebeeyay Magaalada Beledweyne
· Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Bay oo xalay la magacaabay












Midowga Maxkamadaha Islaamka oo beeniyay in ay diideen in Muqdisho lagu daawado Ciyaaraha Adduunka

Talaado, June 13, 2006 (HOL): Maalmihii tegay ayaa magaalada Muqdisho waxaa la isla dhexmarayay warar sheegayay in Midowga Maxkamadaha Islaamka ay Xaafadda Suuqa Xoolaha ku soo rogeen xayiraad ah in aan la daawan karin ciyaaraha Adduunka, walow warkaasi uu ahaa mid aan si rasmi ah u soo shaac bixin.

Haddaba Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa beeniyay warkaas oo uu ku tilmaamay mid aan jirin oo looga been abuurtay, wuxuuna caddeeyay in aaney xiligan Midowga Maxkamadaha fursad u heynin xayiraad ay ku soo rogaan daawashada ciyaaraha Adduunka.

Shiikh Shariif waxaa uu intaas ku daray in xiligan ay ku dhex taagan yihiin qadiyado culus oo xasaasi ah, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in wararkaasi ay buun buuniyeen Saxaafadda, gaar ahaan kuwa shisheeyaha.

Midowga Maxkamadaha Islaamka ayaa Soonkii la soo dhaafay waxay magaalada Muqdisho ka sameeyeen howlgallo ay ku xireen shineemooyinka, iyadoo intii ay howlgalkaas wadeena albaabada u laabay Shirkad Filimada Hindiga Af-Soomaali u bedeli jirtay, taasi oo lagu magacaabi jiray Al-Faghi.

Hadalka Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamka Muqdisho waxaa si weyn u soo dhaweeyay dhalinyaro badan oo wel wel ka qabay in laga joojiyo daawashada Ciyaaraha Adduunka oo ah ciyaar ay dadka intiisa badan daawadaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Kulan looga hadlayay Ammaanka Gobolka Hiiraan oo lagu soo gebagebeeyay Magaalada Beledweyne

Talaado, June 13, 2006(HOL): Kulankan oo ay ka soo qeyb-galeen  Qaar ka mid ah mas'uuliyiinta maamulka Gobolka, Aqoonyahanno, Odayaasha dhaqanka Gobolka iyo Ururada Haweenka  ayaa markiiba lagu bilaabay fikrado  ka qeyb galayaashu ay ka dhiibanayeen  qaabka iyo sida ugu haboon ee loo sugi karo ammaanka Gobolka Hiiraan,  iyadoo ka qeybgalayaashiina ay arrintaas ku kala fikir duwanaadeen.

Fikradaha oo dhamaantood ku saleysnaa  in marka hore la helo si loo sugo ammaanka Gobolka maamul Adag oo hanta Bulshada  ayaa  waxaa diirada lagu saaray waxyaabaha hortaagan in maamulka hadda jira uu ku guulysto sugida nabadgalyada oo qaar ka mid ah dhinacyadii kulanka ka hadashay ay ku tilmaameen in uusan ahayn mid  ku taagan tiirar adag, loona baahan yahay in wax badan la turxaan bixiyo.

Dr. Ibraahim Dhaqane Cali oo ah wakiilka Jaamacada Gobolka Hiiraan oo ka mid ahaa aqoonyahanadii ka hadlay kulanka ayaa sheegay in  marka maamul la sameynayo loo baahan yahay in maamulkaasi uu leeyahay sharci haga  si markaas uu u noqdo  mid  hanta dhaamaanba  howlihii loo doortay oo ay ka mid yihiin in uu wax ka qabto arrimaha nabad-galyada,  waxaana uu Dr. Dhaqane soo jeediyay  labo Qodob oo kala ah: in  uu Maamulku Ogolaado dhismaha  Gole iyaga ka sareeya oo u xilsaaran arrimaha nabad-galyada  iyo waliba in maamulku qabsado waqti kooban oo uu wax kaga qabanayo arrimha ammaanka oo haddii uu ku guuldareysto uu xilka iska wareejinayo.

Sidoo kale Yuusuf X. Cilmi  oo  ka mid ahaan aqoonyahanadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in  marka hore loo baahan yahay in la ogaado in marna aan amaanka waxba laga qaban karin hadii uusan maamul jirin,  isagoo soo jeediyay in  sida kaliya ee amaanka wax looga qaban karo ay la tahay in la helo  xarumihii  ammaanka sida Maxkamado iyo qeybihii ciidamada oo dib loo soo nooleeyo, si markaas dadku u helo damaanadqaad buuxa, hadii aan la helina waxaa uu sheegay in waxa la raaadinayo ay tahay ( Cirbad Ceel ku dhaday)

Dooda oo aheyn mid aad u kulul ayaa lagu soo ban dhigay in maamulka hadda jira uusan wali soo hordhigin bulshada qorshe cad, si markaas wax badan looga badalo sida hadda amaanku yahay, iyadoo sidoo kalena  la  soo ban dhigay in bulshada laftirkeeda aysan maamulka hor dhigin qorshaha waxqabad ee la doonayo in lagu dhaqaaqo taasoo keentay in arrimuhu noqdaan kuwo isku dhax yaacsan.

Madaxa  xarunta Cilmi Baarista iyo wadatashiga CRD xafiiskeeda Gobolka Hiiraan  Ing. Maxamed  Xasan Kulmiye oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in la qaban doono kulamo intaan ka sii ballaaran oo lagu lafa gurayo qodobkan la xiriira ammaanka oo ah mid xiligan xasaasi ah, waxaana uu sheegay in ujeedada kulanka loo qabtay ay tahay  in si wada jir ah bulshadu uga wadda hadasho hadba xaaladaha taagan si loo helo fikrad mideysan oo aakhirkii laga dhaxlo in hal meel laga duulo.

Ugu dambeyntii waxaa kulanka abaal marino lagu gudoonsiiyo  saddex dhanlinyaro ah oo intii uu kulanku socday soo jeediyay Gabayo si weyn u soo jiitay dareenka ka qeyb galayaasha,  waxaana kaalinta koowaad ku guuleystay  Sahal Xasan jimcaale  oo ah waiil 18 sano jir ah oo halkaas ka soo jeediyay Gabay ka hadlaya qiimaha nabadgalyadu leedahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia





 




Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Bay oo xalay la magacaabay

Talaado, June 13, 2006(HOL): Guddoomiyayaasha Degmooyin ka tirsan gobolka Bay ayaa xalay lagu dhawaaqay kadib wada tashiyo muddo dheer ay lahaayeen Waxgaradka iyo Nabaddoonada Beelaha Degmooyinka Gobolka, waxaana xalay ku dhawaaqista Guddoomiyayaashaas Xaflad loogu qabtay Xarunta Baarlamaanka KMG ah ee Magaalada Baydhabo.

Degmooyinka Berdaale, Qansaxdheere iyo Baydhabo ayaa xalay loo sameeyay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeeno, waxaana Degmada Bardaale Guddoomiye looga dhigay Yoonis Shiikh Maxamed, halka ku xigeenkiisana uu noqday Cabdi Yuusuf Aadan, Sidoo kale Degmada Qansaxdheere ayaa Guddoomiye looga dhigay Isaaq Aadan Amiin, halka ku xigeenkiisana uu noqday Maxamed Cali Buulle. Degmada Baydhabo ayaa iyadana Guddoomiye looga dhigay Axmed Maadeey Isaaq, halka ku xigeenkiisana uu noqday Dr. C/qaadir Shiikh Cali (Baraako).

Degmada Buurhakaba oo gobolka Bay ka tirsan ayaa iyadu noqotay degmadii ugu horeysay ee ku guuleysatay in ay maamulkeeda soo dhisato, halka Degmada Diinsoorna ay Odayaashii iyo Waxgaradkii deegaankaas ay weli ku heshiin la' yihiin in ay soo dhistaan maamulkooda.

Galabta ayaa lagu wadaa in xaflad lagu dooranayo Guddoomiyaha Gobolka Bay iyo ku xigeenadiisa lagu qabto Magaalada Baydhabo, iyadoo ay xilkaas isku soo sharaxeen rag dhowr ah oo qaarkood ay ka yimaadeen dalka dibaddiisa.

Gobolka Bay ayaa noqonaya Gobolkii ugu horeeyay oo ay dadkiisa soo dhistaan Maamulkooda, iyadoo arrintaasna ay qeyb ka tahay qorshaha maamul u sameynta Gobollada dalka oo ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo haatan fariisin KMG ah ka dhigatay Magaalada Baydhabo oo 250km u jirta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ugu dambeyntiina, Wasiirka Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha Shiikh Aadan Mader oo xafladdii Guddoomiyayaashaas lagu dooranayay ka hadlay ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Bay dhismihiisa uu soo dhamaanayo, isla markaana ay Beelaha ku wada dhaqan si cadaalad ah wax u qeybsadeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 



Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2006 Hiiraan Online