Hiiraan online - News and information about Somalia
 HyperLink HyperLink  HyperLink     

 

 

Banaanbixii ugu ballaarnaa oo looga soo horjeeday Dowladda Mareykanka oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho (Warbixin iyo Sawirro)


Jimco, June 02, 2006(HOL): Banaanbax aad u ballaaran oo ay ku dhawaaqday Dalladda Culumada Soomaaliyeed, isla markaana uu soo qaban qaabiyay Golaha Kacdoonka Shacabka ee Difaaca Diinta iyo Dalka ayaa maanta lagu qabtay Fagaaraha Tareebuunka ee Magaalada Muqdisho.

Banaanbaxaasi oo ahaa kii ugu ballaarnaa oo ay dad isugu soo baxaan ayaa waxaa looga horjeeday Dowladda Mareykanka iyo xulufadiisa, iyadoo dhinaca kalena lagu taageerayay Ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo dhaqdhaqaaqyada ay wadaan Midowga Maxkamadaha Islaamka.

Isu soo baxaasi waxaa ka qeybgalay dadweyne aad ugu jidbeysan Midowga Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo wejiyadooda laga dheehan karay sida ay ugu faraxsan yihiin dhaqdhaqaaqyada ay Muqdisho ka wadaan Midowga Maxkamadaha Islaamka ee ay kala soo horjeeda Hoggaamiyayaasha ku bahoobay Isbaheysiga La dagaalanka Argagixisada.

Shiikh Maxamuud Abuu Sheyba ayaa ka hadlay halkaasi wuxuuna sheegay in dadku ay yihiin muslim iyo gaalo sidaasi darteedna dadka Soomaaliyeed laga doonayo in ay kala raacaan, wuxuuna intaas ku sii daray in umaddii Soomaaliyeed oo 16 sano is-leyneysay uu haatan Mareykanka u soo adeegsaday kuwo iyagii ka tirsan.

Abuu Sheyba wuxuu kaloo intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed laga rabo in ay dhintaan iyagoo diintooda iyo sharafkooda difaacanaya, wuxuuna caddeeyay in haddii aaney dadku dhimasho ogolaanin in aysan ciil iyo dhibaato ka bixi doonin.


Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle oo maanta markii ugu horeysay fagaaraha Tareebuunka iska soo xaadiriyay isagoo ku jeeni-qaaran qori AK47 ah ayaa dadkii isugu soo baxay bannaanbaxa waxaa uu u jeediyay hadallo guubaabo oo uu mar ku jeedinayay shirib marna uu si hadal ah u dhahayay.

Abshir Bacadle waxaa uu sheegay in Muqdisho beryahaan laga waayay dilalkii loo geysan jiray, aqoonyahanka, “miyaad aragteen aqoonyahanno la dilay, guryo jaran-jaro la isu saartay, mobile-lo dad lagu dilay, waxaas oo dhan waxaa ka dambeeyay oo hadda guryahoodii la soo dhaafi la' hoggaamiye kooxeedyadii marka shacabka Soomaaliyeed sidaas ha ogaadeen”ayuu yiri Abshir Bacadle oo markii uu hadlayay si weyn u qiireysnaa.

INTEY KA TOWBAD KEENAYAAN XERO TARAARKU WAA TAXNAAN,AMEERIKAAN U AAR GUDAA AMUUR CAJIIB LAHAY AHAYD, NIMAN IJAARTAY AF MUGII AMUUR CAJIIB LAHAY AHAYD, AMMAAN AMEERIKAAN SUGAA AMUUR CAJIIB LAHAY AHAYD iyo tix kale oo shirib ah ayuu Abwaanka maanta ka sheegay fagaaraha Tareebuunka.


Xuseen Siyaad Qoorgaab oo ku hadlay Magaca Golaha Midnimada iyo Badbaadada Umadda Soomaaliyeed ayaa isaguna qudbeeyay, wuxuuna sheegay in ay Muqdisho ku dagaalamayaan Koox shisheeye u adeegeysa iyo kacdoonka shacabka sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna shacabka uga digay in ay yiraahdaan waxaa dagaalamaya Isbaheysiga la dagaalanka Argagixisada iyo Midowga Maxkamadaha Islaamka.

Beesha Caalamka ayuu Xuseen Siyaad ka codsaday in ay fasir ka bixiyaan erayga argagixiso ee maanta Soomaaliya laga baadi goobayo, isagoo dhinaca kalena Shacabka Mareykanka ugu baaqay in ay kala doortaan in ay nabadgelyo ku noolaadaan iyo in ay argagax iyo colaad ku baaqi ahaadaan.

Intaas kadib waxaa cod baahiyihii lagu wareejiyay Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo dadkii banaanbaxa ka soo qeybgalay ay si aad ah u daneynayeen in ay wejigiisa arkaan, sida ii muuqatay waayo dadkii ayaa mar kaliya u soo hinqaday dhinicii cod baahiyaha oo looga sheegay Shiikh Shariif.

Shiikh Shariif mahadcelin uu u jeediyay dadkii banaanbaxa isugu yimid kadib wuxuu ka hadlay waxqabadkii Midowga Maxkamadaha Islaamka, isagoo hoosta ka xariiqay in tan iyo markii ay howlgallada bilaabeen Magaalada Muqdisho laga dareemay ammaan la isku haleyn karo, wuxuuna si kulul u weeraray hoggaamiyayaasha ay isku hayaan gacan ku heynta Muqdisho ee Isbaheysiga La dagaalanka ku jira, wuxuuna sheegay in xabaddii ay dadka ku ridayeen ay ugu dareen in ay Isbitaalladii ka xirtaan oo ay dhufeysyo ka dhigtaan, taasi oo uu ku tilmaamay mid aad looga xumaado.

Shiikh Shariif waxaa uu hadalkiisa ku sii daray in saakay subaxdii ay Isbaheysiga La dagaalanka Argagixisada xubno ka mid ah ay xasuuq u geysteen ciidamo horay gacan saar ugala dhaxeeyay, wuxuuna kadib shaaca ka qaaday hadal ay ku baraarugeen dadkii banaanbaxa isugu yimid ee ahaa in xubno ka mid ah Isbaheysiga la dagaalanaka Argagixisada ay maanta deegaanka Hiilweyne oo Balcad u dhow ay kulan kula yeesheen seddex Sarkaal oo Itoobiyaan-Tigree ah iyo mid ka soo jeeda Dalka Uganda oo CIAda u shaqeeya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in saraakiishaas la siinayo warbixin ku saabsan dhibaatada ay shacabka u geysteen wax uu ugu yeeray Isbaheysiga Sharta iyo Sheydaanka.

Halkan ka daawo Sawirro kale
oo banaanbaxa ku saabsan

Ugu dambeyntiina Banaanbaxaasi oo si nabadgelyo ah ku soo gebageboobay ayaa waxaa lagu qeybiyay Warsaxaafadeed uu soo saaray Golaha Kacdoonka Shacabka, kaasi oo ka koobnaa 8 qodob oo aaan ka xusi karno in Midnimada Umadda Soomaaliyeed ay muqadas tahay dal ahaan, diin ahaan iyo dad ahaanba, iyadoo sidoo kalena lagu caddeeyay bayaanka in ciidamo shisheeye aysan soo kac dhigi karin, beesha caalamkana ay ogaado in ay Soomaaliya ku filan tahay sugitaanka ammaankeeda iyadoo adeegsaneysa ciidamo isugu jira Mileteri, Boolis, kuwo Maxkamadeed iyo Maleeshiyaad aan kharash badan ku bixi doonin, iyadoo ugu dambeyntiina shacabka Soomaaliyeed loogu baaqay in ay ka hortagaan shirqoollada loo maleegayo ee ka dhanka ah diintooda iyo dalkooda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia


Hiiraan Online: The Most Trusted Website

   

Hiiraan Online 

Contact:[email protected]
Copyright © 1999-2006 Hiiraan Online