 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
|
|
Col. Barre Hiiraale iyo Col. Cabdi Cigaal oo si fool ka fool ah ugu wada hadlay magaalada Kismaayo kadib dagaalkii dhexmaray maleeshiyooyinkooda
Khamiis, January 19, 2006(HOL): Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay ilo wareed oo ku sugan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in uu magaaladaas kulan ku dhexmaray Col. Barre Aadan Shire Hiiraale iyo Col. Cabdi Cigaal Jaamac oo dhawaan maleeshiyooyin ka kala amar qaata ay ku dagaalameen gudaha magaalada Kismaayo.
Wararku waxay intaas ku darayan in labada Korneel oo ka wada tirsan Isbaheysiga Dooxada Jubba ay ku kulmeen deegaan ka mid ah Magaalada Kismaayo, halkaasi oo la sheegay in Col. Cabdi Cigaal looga daweynayay dhaawac ka soo gaaray dagaalkii Kismaayo, kaasi oo ah mid aan weyneyn oo dhinaca lugta ka soo gaaray.
Labada Korneel ayaa kulanka ay yeesheen waxay uga wada hadleen waxyaabihii dhexmaray, waxaana lagu soo waramayaa in kulankooda uu ku soo dhamaaday jawi is-afgarad leh, iyadoo la rajeynayo in ay labada Korneel iyagoo wada jira ay la hadlaan saxaafadda, si ay u muujiyaan in ay ka heshiiyeen dagaalkii dhexmaray iyo dhibaatadii kala gaartay.
Col. Cabdi Cigaal Jaamac ayaa muddooyinkan dambe wuxuu ku kacsanaa siyaasadaha Col. Barre Hiiraale, wuxuuna ka hor intii aan weerarka lagu qaadin saxaafadda ka sheegayay hadallo lid ku ah maamulka Isbaheysiga Dooxada Jubba, iyadoo mararka qaarkoodna uu ku dhawaaqayay in uusan aqoonsaneyn wax la yiraahdo Ishabeysiga Dooxada Jubba, iyadoo weliba ay xusid mudan tahay in uu si weyn uga soo horjeeday in magaalada Kismaayo lagu qabto shir lagu heshiisiin lahaa xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed, kaasi oo uu gogoshiisa ballanqaadya in uu dhigayo Guddoomiyaha Isbaheysiga Dooxada Jubba Xildhibaan Barre Aadan Shire (Hiiraale).
Ugu dambeyntiina Sida la wada ogyahay Dagaal kasta oo dhaca waxaa ka dambeeya heshiis, hayeeshee waxaa muuqanaya raadadkii iyo saameyntii uu dagaalka dhaliyay, matalan dagaalkii Kismaayo ka dhacay waxaa ku geeriyooday dad badan oo toban ruux kor u dhaafaya, kuwo kale oo intaas ka badanna waa ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo qaarkood ay ahaayeen dad rayid ah oo ay guryahooda ugu tagtay Rasaas habow ah oo ay isku ridayeen maleeshiyooyinka labada dhinac ee dagaalka iskala soo horjeeday.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia |
|
|
|
|
|
|
|
|
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
|
|
Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo baajiyay dagaal ay mar kale iskala hor imaan lahaayeen dhinacyadii ku dagaalamay Deegaanka Galgalato
Khamiis, January 19, 2006(HOL): Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ah Imaamka Beelaha Hiraab oo muddooyinkan ku sugnaa Deegaanka Caddow Uul oo ku sugan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa magaalada Muqdisho deg deg ku soo gaaray si uu u dhexdhexaadiyo dhinacyadii dhawaan ku dagaalamay deegaanka Galgalato ee duleedka magaalada Muqdisho.
Imaatinka Imaamka ee magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo ay labada dhinac ee dagaalku dhexmaray ay mar kale ku sigteen in ay dagaal iskala horyimaadaan, hayeeshee waxaa ku dhex baxay Imaamka oo ka codsaday in aysan dagaalamin oo wada hadal ku dhameystaan khilaafka u dhaxeeyo.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Imaam Maxamuud uu wada hadallo kadib dhinaca ganacsade Abuukar Cumar Caddaan uu ku qanciyay in aysan wax dagaal ah qaadin, isla markaana ay isaga ku ixtiraamaan in uu dhexdhexaadiyo, dhinaca Bashiir Raage-na waxay wararku sheegayaan in uu Imaamka maanta wada hadallo la leeyahay si uu uga dhaadhiciyo in ay xiisadda qaboojiyaan dhankooda.
Dagaalkii dhexmaray labadaas dhinac Jimcihii dhawaa ayaa wuxu sababay in ay labada dhinac dad badan iska dilaan, gaadiid dagaalna ay kala qabsadaan, taasi oo haddii aan xal loo helin keeni karta in uu dagaalku dib u qarxo, iyadoo weliba ay xusid mudan tahay in odayaal iyo waxgarad arrinta ku baxay loo dhego nuglaan waayay, sidaas darteedna uu Imaam Maxamuud haatan u soo farageliyay.
Dagaalkaas ayaa wuxuu markiisii hore ka bilowday muran dhul ku yaala deegaanka Galgalato, halkaasi oo la sheegayo in ay labada dhinacba u arkayaan in ay tahay meel muhiim u ah marka loo eego in ay fariisin ka dhigtaan.
Labada ganacsade ee maleeshiyooyinkoodu dagaalka dhexmaray ayaa waxay kala maamulaan Dekedaha Dabiiciga ah ee Ceel Macaan, Ceel Cadde iyo Garoonka Diyaaradaha Ceseley, kuwaasi oo ah ilo dhaqaale oo sameysmay kadib markii ay xirmeen Dekeddii iyo Garoonkii diyaaradaha Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
|
|
|
|
|
|
|
|
|
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
|
|
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalalka Khaliijka Carabta oo raadinaya mas'uuliyiin la aamini karo oo ay u dhiibaan gargaar ay u hayaan dadka ku macluulsan gudaha Somaaliya
Khamiis, January 19, 2006(HOL): �Jaalliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka Khaliijka Carabta waxey diyaar u yihiin iney ka qeyb qaataan gurmadka lagu gargaaraya dadka ku macluulaya goobo ay ku dhifatay abaarta oo dalka Somaliya ka mid ah haddii la heli karo mas'uuliyiinta Ururada Samafalka Waddaniga ah ama shakhsiyaad damiir leh oo sahayda gargaarka gaarsiisa iyagoo aan jaho kale u leexin,� ayuu yiri Cabdullahi Raage Xuseen oo ka mid ah mas'uuliyiinta Guddiga Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Khaliijka.
Mr. Raage Wuxuu intaasi ku daray in 15kii sanno ee la soo dhaafay oo ay dalka dawlad la'aanta ka jirtay ay mas'uuliiyiin ka mid ah Jaaliyadaha oo Khaliijka ku sugan ay mar walba oo masiibo iyo macluul ama cunto yari ka dhacdo dalka Soomaaliya isku xilsaari jireen iney la xiriiraan madaxda dawladaha iyo ururada samafalka dalalka Khaliijka oo ay gaarsiiyaan xaaladaha muragada leh si loogu diro gargaarka deg deg ah goobaha ay dhibaatooyinka ka dhaceen.
�Dadka Soomaaliyeed ee Khaliijka ku nool waxey si weyn ugu ooman yihiin iney arkaan dalkooda oo leh dawlad shaqeyneysa nabaddna ah. Sidaa darted, Somalida ku dhaqan gobolkan waxey diyaar u yihiin iney taageeraan walaalahood waqtigan oo xaaladaha adag jiraan siday horeba u taageeri jireen,� ayuu yiri C/laahi Raage.
Isagoo ka hadlayey dagaalada ka jira gobolada qaarkood, wuxuu tilmaamay in ay dagaalladaas yihiin kuwo nasiib darro ah oo wax natiijo ah oo la taaban karo ayan ka soo baxeyn marnaba, wuxuuna sheegay in dagaaladaasi ay ku soo beegmeen waqti ay dalka ka jirto abaar ba'an oo wax ka qabasho u baahan.
�Jaalliyadaha Soomaaliyeed ee Khaliijka waxey ugu baaqayaan odayaasha iyo waxgaradka qeybaha ku dagaalamaya Muqdishu, Kismaayo, Gobolada Dhexe iyo Bakool in ay u howlgalaan joojinta colaadaha, khilaafaadkana lagu dhammeeyo wada hadal. �15 sanno kadib waa nasiib darro iney dhacaan dagaaladaasi oo wax natiijo ah soo hoyneynin, waana in aan lagu daalin shacabka dagaalada noocaas ah. Colaadaha waxey abuuraan xaaluf, nabaadguur, abaaro, burbur iyo xasilooni darro sii socota,� ayuu yiri C/laahi
Mar wax laga weydiiyey dadaallada dib la isugu heshiisiinayo mas'uuliyiinta dawladda Soomaaliya oo ka soo bilawday magaalada Cadan ee dalka Yemen, wuxuu ku jawaabay, �Ma xuma in la soo afjaro khilaafka ka dhex jira madaxda dawladda, haseyeeshee waa in lala yimaado xisaabtan dhab ah lana qirtaa qaladkii la sameeyey. Si khilaaf dambe uusan u iman isla markaasina heshiiska la gaaro uusan laab la kac u noqonin waa in dib loo eegaa wixii dhaliyey is faham waaga. Waa in si waadax ah loo caddeeyo keenista ciidamada safka hore. Madaxwynuhu waa inuu u dhexeeyo Golayaasha Sharci-dejinta, Xukuumadda iyo Garsoorka, waana inuusan marnaba la safan koox ama shakhsi mar kasta oo arrin lagu murmo, lahaadana siyaasad ka madax bannaan quwado shisheeye. Guddoomiyaha Baarlamaanka waa inuu ka soo baxaa xilkiisa ah af-hayeennimada Golaha Baarlamaanka. Waxaa xaqiiqo ah in laga badbaadayo khilaaf dambe, taasoo keeneysa in Soomaaliya ay dib ugu dhex muuqato beesha caalamiga ah iyo gobolka Geeska Afrika.
�Waxey ila tahey in la qanciyo mar'uuliyiinta diidan Dhismaha Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir si ayan mar kale wax u xumaanin Muqdishuna u noqoto caasimadda ay xasilooni iyo maamul ka jiraan. Heshiiska ay dhawaan gaareen Guddoomiyeyaasha gobolada Sh/dhexe iyo Sh/hoose ayaa isna noqon kara tallaabo wax weyn ka tari karta nabadeynta Gobolka Banaadir oo soohdin la leh labada gobolka,� ayuu yiri C/laahi Raage Xuseen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
|
|
|
|
|
|
|
|
|
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
|
|
Dugsiga Indhoolayaasha Al-nuur oo Abaalmarinno guddoonsiiyay Arday Dugsigaas wax ka barata oo Imtixaankii Mid-term-kakaalimo fiican ka galay
Khamiis, January 19, 2006(HOL): Xaflad si heer sar ah loo soo agaasimay oo abaalmarino lagu guddoonsiinayay Arday wax ka barata Dusgiga Indhoolayaasha Al-Nuur ayaa saakay lagu qabtay xarunta Dugsigaas oo ku taala agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho.
Xafladdaas oo ay ka wada qeybgaleen Macalimiinta iyo Ardayda Dugsigaas oo ay wehliyaan Waalidiintii Ardaydaas dhalay iyo marti sharaf kale ayaa waxaa lagu soo bandhigay aqoontii u korortay Ardaydaas oo ah kuwo indho la'. Ardaydaas waxaa wejiyadooda laga dareemayay saakay farxad marka wax laga weydiiyo sida ay haatan niyaddooda tahay iyo sidii ay ahayd sanad ka hor markii ay guryahooda iska joogeen.
Maxamed Axmed Maxamuud oo ka mid ah Macalimiinta Dugsigaas ayaa sheegay in sababta Waalidiinta iyo marti sharafta kale loo wacay ay tahay in ay kula farxaan waalidiinta Ubadkooda heerka ay waxbarashooda mareyso, wuxuuna caddeeyay in aysan jirin arday dhacday, balse sida uu yiri wey kala sareeyaan Ardayda buundo ahaan sida iska caadada ah.
Macalinku wuxuu intaas ku daray in ay sidoo kale xafladda ugu talagaleen in ay abaal marino ku bixiyaan, kuwaasi oo la siinayo afar arday oo kaalimo fiican ka galay Imtixaankii mid-term-ka, kuwaasi oo weliba dhamaantood gabdho noqday, waxayna kala yihiin: Sowdo Shiikh Cali, Ifraax Maxamed Aadan, Ifraax Axmed Maxamuud iyo Shukri Axmed Maxamuud.
Fardowso Cabdi Ciise oo ka mid ah Ardayda Iskuulkaas ayaa ka hadashay farqiga u dhaxeeyo markii ay gurigeeda joogtay iyo haatan oo ay wax baratay, wax aqriso, waxna qorto, waxayna intaas ku sii dartay in ay hadda leedahay niyad wanaagsan, iyadoo hoosta ka xariiqday in ay ku hamineyso in ay sii barato min Type, Computer ilaa Heer Jaamacadeed.
Cusmaan Cilmi C/raxmaan oo ka mid ah waalidiintii xafladda lagu casuumay ayaa isaguna hadal kooban jeediyay, wuxuuna ugu horeyn mahadcelin u jeediyay maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga Alnuur, kuwaasi oo isku dayay in ay wax baraan caruurtooda indhaha la', �aniga maanta lixdeyda lixaad ayaan qabaa, weliba wax baan soo bartay, mana awoodo in aan dad ilmihiis wax baro, marka maanta haddii idinkoo lixdiina lixaad aan qabin aad isku taxalujiseen in aad wax bartaan Caruurteena waxaan leenahay waxaad leedihiin iimaan, iftiinkii indhaha ee la idinka qaadayna wuxuu idinka galay qalbiga�ayuuna yiri Cusmaan Cilmi C/raxmaan oo magaca waalidiinta ku hadlayay.
�Warsame Indhoole ayaa hadda ka hor wuxuu yiri waxaa daran in aad ku indho beesho wadan indho la' balse marka aad ku indho beesho wadan indho qaba dhibaato ma qabtid�ayuu yiri Cusmaan Cilmi oo hadalkaasi u soo daliishaday sida uu yiri in wadanka Soomaaliya aan maanta laga tixgelin dadka indhaha la', uuna la mid yahay wadan aan indho lahayn, balse ay haatan Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga Al-nuur ay isku taxalujiyeen in ay wax baraan Ubadka soo koraya ee Indhaha la'
Cusmaan Cilmi C/raxmaan wuxuu tilmaamay in ilmo kale oo uu dhalay oo indho qaba ay lacag ku dhigtaan Iskuullo kale oo ay dhisteen dad ganacsato ah, taasi bedelkeedna wuxuu ku amaanay maamulka Dugsiga Al-nuur oo u suurtageliyay in ay lacag la'aan wax ku baraan, isla markaana ay guryahooda gaari uga soo qaadaan Caruurtooda aan Indhaha wax ka arki karin. Sidaas darteed wuxuu ugu baaqay Ganacsatada iyo Hoggaamiyayaasha hubeysan ee lacagaha badan geliya hubka dadka dhameeyo iyo cid kasta oo kaalmo u geysan kara Dugsiga Al-Nuur in ay ku kaalmeyso wixii ay awooddo oo ajir iyo xasanaad ay ka heleyso.
Maamulaha Dugsiga Al-Nuur C/raxmaan Maxamed Faarax Luunge oo munaasabaddaas ka hadlay ayaa ku dhiirigeliyay Ardayda Dugsiga in ay dadaaalkooda sii laba laabaan, isagoo sidoo kalena ugu baaqay waalidiinta in ay ilmahooda ka warqabaan oo ay la socdaan duruustooda, si ay u hagaagsanaato waxbarashada ubadkooda.
C/raxmaan Luunge wuxuu mahadcelin u jeediyay dhamaan intii ka qeybqaadatay hirgelinta Dugsigan oo uu ka xusay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada Brimingham iyo sidoo kale Bulshada ku dhaqan gudaha dalka sida Shirkadaha Jubba Airways iyo Telecom Somalia, �ilaa hadda dugsiga ma helin kaalmo ay siiyeen dad ajnabi ah wuxuuna ku socdaa kaalmo ay bixiyeen dad Soomaali ah, sidaas darteed waxaan ka codsanayaa dadka Soomaaliyeed ee wax heysta in ay iyaguna intii karaankooda ah ay ka qeybqaataan kaalmada loo fidinayo Dugsiga Al-nuur ee ay wax ku bartaan dadka Indhaha la'.
Dadka aan Indhaha wax ka arki karin xaq sow uma lahan in ay Waxbartaan?
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
|
|
|
|
|
|
|
|
|
 |
 |