Wararka Maanta - Isniin - Jan. 02, 2006










· Nin Soomaaliyeed oo lagu dilay xaley Dalka Koonfur Afrika
·












Nin Soomaaliyeed oo lagu dilay xaley Dalka Koonfur Afrika

Isniin, Jan. 2006 (HOL) - Muwaadin soomaaliyeed ayaa xaley dil toogasha ah lagu diley magaalo lagu magacaabo Verendburg oo laba boqol 200 ?oo kiiloo mitir dhinac galbeed ka xigta magaalada Cape Town ee gobolka Westren Cape ee wadankaasi South Africa, kadib markii nin South African ah xabad ku dhuftey.

Waxaa xaley habeenimadii saacadu markey aheyd 11:00pm habeenimo ee saacada South Africa si gardara ah dil toogasha ah lagu diley muwaadin soomaaliyeed, kadib markii nin la sheegay in uu ka mid ahaa dadka deegaanka uu xabad ku dhuftey halkaasoo markii danbe uu u dhintey dhaawicii ka soo gaarey xabadii lagu dhuftey.

Wararka laga heleyo xigtadii marxuumkaasi la diley ayaa sheegay in ninka dilka geystey ee South
Africa-nka ah in uu yimid dukaan ay marxuumkaasi iyo dhalinyaro kale ee soomaaliyeed ay shirku ku ahaayeen xili danbe oo xaley isagoo markaasi doonayey in uu wax ka iibsado albaabkii ayuu ku soo gaarcey isagoo markaasi u sheegay in uu doonayo in uu wax ka iibsado
dukaanka.

Dhalinyaradii soomaaliyeed ayaa ka diidey in ay ka furaan dukaan ninkaasi una sheegeen in ay xili danbe tahay dhowr daqiiqadood kadib ayuu mar kale ku soo laabtey ka dibna uu halkaasi ku toogtey mid ka mid ahaa dhalinyaradii soomaliyeed ee dukaankaasi joogtey.

Dhimashada marxuumkaasi xaley lagu diley magaalada Verendburg oo ka tirsan gobolka Western Cape, ayaa waxaa Hiiraan Online u xaqiijiyey Axmed C/raxmaan macalin Abuukar {Axmed Annas} oo ka mid ah xigtadii marxuumkaasi la diley, mar uu saakey iigu warameyey xafiiska Hiiraan Online ee dalka South Africa.

Marxuumkaasi ayaa lagu magacaabi jirey Axmed Saalax Cabdi Waraaq, oo ay da'duusu aheyd 24 sanno jir, waxa uu dalka south Africa soo galey sanadkii 2003-dii, marxuumkaasi ayaa meydiikiisa wax uu wali yaalaa isbitaal ku yaala magaalada uu shilkaasi ka dhacay walina lama duugin.

Dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee ku nool wadanka koonfur Africa waxey tacsi tiiraanyo iyo muro leh u dirayaan ehladii,asxaabtii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey marxuumkaasi Alle uu samir iyo iimaan ka siiyo marxuumkaasi ka geeriyoodey, waxeyna Alle uga baryaayaan in uu janadii fardowso uu ka waraabiyo Aamiin Yaa Rabi.

Cabdinasir Maxamed Cabdi (Soomane), Hiiraan Online
Johannesburg, South Africa.
E-mail:[email protected]






 




SHIRKADA JUBBA AIRWAYS OO MARKII UGU HOREYSAY XUJEY KA QAADAY GAROONKA DIYAARADA EE MAGAALADA B/WEYN

Isniin, Jan. 02, 2006 (HOL) - Garoonka diyaaradaha ee magalada B/weyn oo ay soo cago dhigtaan diyaaradaha Qaadka iyo kuwa hay'adaha samafalka ayaa markii ugu horeysay waxaa ka soo degtay diyaarad laga lahaa dalka Ruushka una kireysneyd shirka jubba Airways

Diyaarada oo siday Xujey soomaali kana soo duushay Garoonka No.50 ee magalada muqdsho ayaa waxaa horey ugu sii Raacay Garoonka diyaaradaha ee magaalada B/weyn Xujey  gaaraysay Ilaa 30 xujaay oo maalmahanba ku  sugnaa Gobalka Hiiraan,

Sida uu sheegay madaxa Xafiiska shirkada Jubba Airwaysa ee Goblka hiiraan C/laahi Cilmi Hure arinta ayaa ka dibesay dadaal ay sameeyeen howl wadeenada shirk Jubba Airwaysa ee Gobalka hiiraan, isagoo intaa ku daray in marka ay soo dhameystaan waajibaadka xajka ay dib diyaaradu ugu soo celin doonto Gobalk.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta Maamulka Gobalka oo tagay Garoonka ka hor inta aysan soo caga dhin diyaarada ayaa mahad balaaran u soo jeediyay shaqaalaha xafiiska Gobalka ee shirkada oo ay ku amaaneyn howshada baaxada leh oo ay qabteen iyagoo ubalqaaday in ay wax kala qaban doonaan arimaha nabad galyada,

Ugaas C/ramaan Ugaas Khaliif oo ka mid ahaa xujeydii ka anba baxday garoonka ayaa ka hor inta uusan dhoofin sheegay in talaabadani tahay waa cusub uu u baryay shacabka reer hiiraan isagoo ku booriyay dhinacyada bulshada iyo maamulka intaba in laga wadda qeyb qaado sugida amaanka si loo sii hormariyo ku dhiirashada howlo  ka badan tan hadda ay ku talaabsadeed mas'uuliyiinta shirkada Jubba Airways,

Yusuf Axmed Xalane oo ah madax nabad galyada garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in aysan jirin cabsi dhinaca nabad galyada ah islmarkaana ay soo dhaweynayaan cid kasta oo dano shaqo ka leh garoonka

Aamaanka ayaa aad loo adkeeyay intii ay diyaaradu ku sugneyd gudaha garoonka iyadoo ay ka qeyb qaaree ciidamada Nabad galyada

Sanadka bilowga ah ayaa la oran karaa waa sanad hormar iyo waa cusb uu u baryay bulshada Gobalka hiiraan oo ku guuleystay Taariikhda inta la xasuusan yahay in ay ka soo dajiyaan  mid ka mid ah garoomada  gobalada dhaxe diyaarad laga leeyay Qaarada Yurub una Kireysan Shirkad soomaaliyeed.

Cabdullahi Diini, Hiiraan Online
Beled Weyne,
E-mail: [email protected]






 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright � 2005 Hiiraan Online