WAR-MURTIYEED - Shirkii Kowaad ee lagu aasaasay urur loogu magc-daray - Midowga Koonfurta Soomaaliyeed

W A R – M U R T I Y E E D
ka soo baxay Shirka koowaad ee lagu aasaasay urur loogu magac-daray
“MIDOWGA KOONFURTA SOOMAALIYA”
“SOUTHERN SOMALI UNION (SSU)”

Shirweyne labo maalmood socday laguna qabtay magaalada Columbus, Gobolka Ohio ee carriga Mareykanka, ayaa waxaa looga dooday dhibaatoyinka haysta dadweynaha u dhashay koonfurta Soomaaliya, isla markaasna waxaa lagu soo bandhigay istratejiyad looga hortegi karo xannuunka iyo walbahaarka ku habsaday bulsooyinka aan hubeysnayn ee ku nool Banaadir, Shabeellada Hoose, Jubbooyinka iyo Gedo.

Shirweynaha waxaa ka soo qaybgalay ergooyin ka kala yimid Mareykanka iyo Kanada oo tiradoodu gaarayso 200-250 xubnood, waxaana telefoon kala socday qaar kaloo badan oo ku nool dibeddaha. Shirweynahan waxaa lagu aasaasay urur la magac baxay MIDOWGA KOONFUURTA SOOMAALIYA ama loo yaqaan “SOUTHERN SOMALI UNION (SSU)”.

Ururkan wuxuu mideynayaa isla markaasna abaabulaya dadweynaha u dhashay gobollada koonfureed ee Soomaaliya oo dhulkoodii ay xoog ku qabsadeen kooxo hubeysan oo ka yimid gobollo kale. Ururkan waxaa ka mid noqon kara qof kasta oo u dhashay koonfurta Soomaaliya iyo qof kasta oo soomaali ah (cid kasta ha u dhashee) oo si xoog leh uga soo horjeeda addoonsiga iyo in qolo ay qabsato qolo kale.

Ka qaybgalayaasha waxay ku faraxsan yihiin in shirweynahan koowaad ee MIDOWGA KOONFURTA SOOMAALIYA ee waqooyiga Ameerika ku dhammaado si guul leh, waxayna si dhab ah u rajeynayaan in go’annada ka soo baxay ay xal waara u noqdaan dhibaatooyinka dalkeenna hooyo guud ahaan, gaar ahaanna koonfurta Soomaaliya.

Mar murtiyeedkan, annagoo ah ururka SSU waxaan si cad ugu muujineynaa mowqifkeenna ku aaddan xaaladda dhabta ah ee manta ku sugan tahay koonfurta Soomaaliya iyo arrimo kale oo dhowaanahan lagu soo bandhigay wararka (news), kuwaasoo aan garowsannahay in lagu bah dilaayo dadweynaha u dhashay koonfurta Soomaaliya.

Waxaan si cad u diidannahay kuraasta yar ee laga siiyey bushada banaadiriga maamulka cusub ee Muqdisho, waxaana si cad u cambaareynayna siyaasiyiinta iyo qabqablayaasha dagaal ee isu bahaystay curyaaminta iyo ku xadgudubka xaquuqda dadkeenna.

Waxaan u aqoonsannahay maamulka sharci darrada ah ee Gobolka Shabeellada Hoose ee uu abuuray Cabdilqaasim haddana uu hoggaamiyo Yuusuf Indhacadde iyo Isbahaysiga Dooxada Jubba ee ay hoggamiyaan Barre Hiiraale iyo Yuusuf Seeraar inay yihiin gumeysi cusub oo adeegsanayo, cabburin iyo wuxuushnimo lagu hantiyo gobolladaas. Maamuladaas waxay adeegsanayaan addoonsi siyaasadeed iyo mid dhaqaale, waxayna bah-dil ballaaran ku hayaan shacbiga Banaadir, Shabeellada Hoose, Jubbooyinka iyo Gedo.

  • Waxaan ka codsanaynaa dawladaha, ururrada caalamiga ah iyo shaqsiyaadka maalgeliya ururrada “NGO”yada ee hadda ka hawlgala gobollada la haysto iney degdeg u joojiyaan kaalmada dhaqaale iyo taagerada ay siiyaan “NGO”yadaas.

  • Waxaan rumeysannahay in “NGO”yadaas ay si toos ah iyo si aan toos ahaynba u fidiyaan dhaqaale iyo taageero kale oo sii adkeeya haysasha iyo adoonsiga lagu hayo dadweynaha u dhashay koonfurta Soomaaliya.

  • Waxaan ka codsanaynaa Jimciyadda Qaruumaha ka dhexeysa iyo Ururrada Caalamiga ee Xuquuqda Aadamiga iney baaraan dhammaan noocyada kala duwan ee cabburinta iyo ku xadgudubka xuquuqda aadamiga ee ka socda koonfurta Soomaliya.

  • Waxaan ugu yeereyna Dawladda Federaalka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya iney joojiyaan nooc kasta ee xiriirrada iyo gorgortanka ay la leeyihiin dagaal-oogayaasha maamula dhulalka la haysto.

  • Waxaan rumeysannahay in xiriirradaas aysan wax faa’ido ah u lahayn Dibuheshiisiinta Soomaaliyeed, balse ay la mid tahay aqoonsi lagu xalaaleynayo haysashada dhulalkaas.

  • Waxaan ku tirtirsiinaynaa Ururrada Caalamiga ee Ilaaliya Dabeecadda inay soo dhexgalaan isla markaasna gacan nagu siiyaan sidiii loo joojin lahaa baabi’inta dabeecadda iyadoo kala sooc la’aan loo jaro geedaha dhuxusha laga shito iyo dareen la’aanta dalalka Bariga Dhexe oo dhuxusha looga dhoofiyo Soomaaliya.

Waxaan kaloo cambaareynayna haraaga sunta ee lagu shubo dhulalka xeebaha ee Soomaliya.

  • Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed ee nabadda jecel inay ku soo biiraan halgankeenna nabadeed si loo xoreeyo dadweynaha koonfurta Soomaaliya iyo iney nagu kaalmeeyaan hirgelinta nabadda iyo dimoqraadiyadda ee Dalkeenna Hooyo.

  • Waxaan caddeynaynaa inaan ka soo horjeedno isla markaasna si adag u cambaareynaynaa wada-hadallada iyo heshiisyada shirqoolka ah ee dhexmaray Maxamad Dheere iyo Yuusuf Indhacadde, kuwaasoo maamula gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose.

  • Waxaan rumeysannahay wada-hadallada iyo heshiisyada ka dambeeyey ee dhexmaray labadaas dagaal-ooge iney yihiin shirqool iyo dibindaabyo loo maleegayo dadweynaha u dhashay koonfurta Soomaaliya.

  • Waxaan si xoog leh u cambaareynaynaa tallaaboyinka wuxuushnimo ee lagula kacay dadweynaha gobolka Gedo, gaar ahaan burburintii dhowaan loo geystay degmada Ceel-Waaq iyo barakicintii dadweynaha deegaanka, tallaabooyinkaasoo Isbahaysiga Dooxada Jubba horseedka ka ahaa.

  • Waxaan ka soo horjeedna qaabka laysu raaciyey gobollada Dalka, si laysugu duwo baahida guud ee dibudhiska Dalka “Joint Needs Assessment (JNA)”. 

  • Waxaan rumeysannahay haddii ay hirgasho qaabka loo naqshadeeyey “JNA”da inay tahay wadiiqo kale ee la doonayo in loo adeegsado kaalmada caalamiga ah in kooxo ay awood ku haystaan dhulal iyo dadyow kale.

  • Waxaan ugu yeereynaa Jamciyadda Qaruumaha ka Dhexeysa iyo Bankiga Adduunka iney si degdeg ah u hakiyaan dhaqangelinta mashruuca “JNA”da ilaa looga yeelayo muuqaal cad oo loo wada dhan yahay, hase yeeshee ujeeddooyinkiisa guud loo daayo sida ay hadda yihiin.

  • Waxaan ugu dambeystii ugu yeereynaa dadweynaha koonfurta Soomaaliya iyo guud ahaan dadwenaha Soomaaliyeed ee nabadda jecel inay ku soo biiraan Ururka SSU isla markaasna si wadajir ah u qaadaan olole ballaaran oo looga soo horjeedo haysashada iyo addoonsiga koonfurta Soomaaliya.

Wa-Billahi-Towfiiq
Xoghayaha Guud ee Ururka SSU
Abdulkadir Khalif
E-mail: [email protected]






 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright � 2005 Hiiraan Online