Faah faahin ku saabsan Dagaalka Muqdisho ku dhexmaraya Isbaheysiga la dagaalanka Argagixisada iyo Midowga Maxkamadaha Islaamka

By: Salaad Iidow Xasan (Xiis)
Hiiraan Online, Mogadishu
[email protected]

Dagaalkii oo saakay mar kale dib u qarxay!!

Talaado, February 21, 2006(HOL): Waxaan wali la hubin Xaalada Qasaaraha uu geystay Dagaal Saakay dib uga bilowday deegaanadii ay isku horfadhiyeen maleeyshiyooyinka Maxkamadaha Islaamiga ah iyo kuwa Isbaheysiga la magacbaxay Isbaheysiga Soo celinta Nabadda iyo La dagaalanka Argagixisada.

Dagaalkii shalay oo ka xoog badnaa kii Sabtidii dhacay ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay Xaafado kale oo ku yaala magaalada Muqdisho sida Suuqa weyn ee Bakaaraha oo dhawr madfac lagu soo riday, halkaasoo ay ku geeriyoodeen dad ka badan shan qof, sidoo kalena waxaa ay rasaas habow ah ku dhaceysay xaafadaha ay dadku ku badan yihiin sida Black Sea, Baar Ubax, Xamar Jadiid, Taleex ,KPP iyo kuwo kale.

Dad soo barakacay oo uu dagaalka saameeyayWaxaa jira guulo ay kala sheeganayaan labada dhinac, inkastoo aan leysku haleyn karin sheegashooyinkooda hadana dad goobjoogayaal ah oo labada dhinac ka madax banaan ayaa waxay sheegeen in dagaalkii shalay lagu kala qabsaday gawaarida dagaalka iyo dhul ku yaala goobihii lagu diriray.

Dhaqaatiirta Caafimaadka ee Isbitaalka Madiina ayaa iyaguna waxay sheegeen inuu Isbitaalku buuxsamay oo dadka qaar dhulka la jiifiyey, waxaa kaloo gabaabsi ah dawooyinkii dadka dhaawaca ah lagu daweynayay.

Sidoo kale Isbitaallada kale sida Xayaat, Keysaney iyo kuwo kale ayaa la geeyey dad ku soo dhaawacmay dagaalka, kuwaasoo u badan dad rayid ah oo aan dagaalka ku jirin, kuwaasoo ay rasaasta ugu tagtay guryahooda.

Ma dhab baa in Isbaheysiga la xoog roonaaday?

Ninkii uu ka bilowday dagaalkii Sabtidii iyo shalay ka dhacayay magaalada Muqdisho Cabdi Nuurre Siyaad (Cabdi Waal) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in looga awood roonaaday dagaalkii shalay, wuxuuna caddeeyay in ay iska difaaceen maleeshiyooyinka Maxkamadaha.

“Wararkaasi waxba kama jiraan, waxaana buun buuninaya kooxo u adeegaya Ajaaniib Argagixiso ah”ayuuna yiri Cabdi Waal.

Dhanka kalena, Xuseen Guutaale Raage oo ah Maareeyaha Garoonka Dayniile ayaa isaguna beeniyay in ay shalay gacanta ku dhigeen garoonkaas Maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna caddeeyay in wararkaasi ay ahaayeen kuwo Suuqa la soo geliyay oo been abuur ah. “annaga ayaa joogna garoonka wax dhibaato ahna kama jiraan, weliba maanta (shalay) waxaa ka soo degay labo diyaaradood oo rakaab ah”ayuu yiri Maareeyaha Garoonka Dayniile Xuseen Guutaale.

Diyaarado Helocopters ah oo lagu arkay Ceel Macaan

Wararka naga soo gaaraya Dekedda Dabiiciga ah ee Ceel Macaan ayaa sheegaya in shalay xeebta Dekeddaas lagu arkay diyaarado Helocopters ah oo joog hoose ku duulayay, kuwaasi oo aan la ogeyn ujeedadii ay u socdeen.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in diyaaradahaas ay ka muuqdeen Askar labisan dharka ciidamada. Lama oga ilaa iyo haatan ujeedada ay lahaayeen diyaaradahaas oo loo maleynayo in ay ka soo kaceen Maraakiib taala Badweynta Soomaaliya.

Duulimaadka ay sameeyeen Diyaaradahan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo shalay magaalada Muqdisho uu dagaal xooggan ku dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Hoggaamiye kooxeedyo Sabtidii Muqdisho kaga dhawaaqay in ay la dagaalamayaan Argagixisada iyo kuwo u daacad ah Maxkamadaha Islaamka Muqdisho.

Badda Soomaaliya ayaa la sheegaa in ay fadhiyaan ciidamo iyo Maraakiib waa weyn oo ay leeyihiin dowladaha Reer Galbeedka, gaar ahaan kuwa ugu awoodda roon, iyadoo ujeedada ay u joogaana lagu sheegay la dagaalanka argagixisada Geeska Afrika.

Hoggaamiye kooxeedyadu maxay ka yiraahdeen Dagaalkan?

Cusmaan CaatoTan iyo markii lagu dhawaaqay Isbaheysiga soo celinta Nabadda iyo La dagaalanka Argagixisada waxaa soo baxayay hadallo ay saxaafadda ka jeedinayeen qaar ka mid ah Hoggaamiyayaasha Muqdisho ee aan iyagu ku jirin Isbaheysigaas, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Cusmaan Xasan Cali Caato, Maxamed Jaamac Furux iyo Yuusuf Mire Seeraar.

Seddexdan siyaasi oo ku kala sugan Magaalooyinka Kismaayo iyo Gaalkacyo waxay si isku mid ah u dhaliileen ku dhawaaqista Isbaheysiga la dagaalanka Argagixisada, wuxuuna Yuusuf Mire Seeraar uu sheegay in Isbaheysigaas uu yahay mid la doonayo in dadka lagu boobo, isla markaana lagu fashiliyo shirka la doonayo in uu Baarlamaanka Soomaaliyeed ku yeesho magaalada Baydhabo.

Maxamed Jaamac FuruxMaxamed Jaamac Furux oo howlo nabadeed u jooga magaalada Gaalkacyo wuxuu isna sheegay in ay si weyn uga soo horjeedo Isbaheysiga ay ku dhawaaqeen qaar ka mid ah Hoggaamiyayaasha Muqdisho, wuxuuna caddeystay in uu dagaal la geli doono wax uu ugu yeeray Isbaheyisga xaaraanta ah, “faraha ayaa na cun-cunaya ee Culumaa'udiinku hana sii gaarsiiyeen tan iyo inta aan uga imaaneyno ee aan dagaalka uga soo biireyno”ayuu yiri Furux oo Wasiiru Dowlaha Dekedaha ka ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Cusmaan Xasan Caato isna wuxuu sheegay in ay wax laga yaaq-yaaqsoodo yihiin waxa ay sameeyeen Hoggaamiyayaasha ku bahoobay Isbaheysiga La dagaalkanka Argagixisada iyo soo celinta Nabadda, hayeeshee Cusmaan Caato wuxuu raacsaday hadalkiisa baaq nabadeed oo uu u diray dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho oo uu ka codsaday in ay dadka rayidka ah ka joojiyaan dagaalka ay ku hayaan iyo madaafiicda ay la dhacayaan.

Maxamed Dheere Mowqifkee ka taagan yahay Dagaalka Muqdisho?

Maxamed DheereGuddoomiyaha Guddiga Siyaasadda Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar (Maxamed Dheere) oo shir jaraa'id ka qabtay dagaalka ka socda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulkiisa markii uu qiimeeyay dagaallada socda iyo waxa ay salka ku hayaan ay u soo baxday in ay dagaallada qeyb ka wadaan kooxo sida uu yiri Soomaaliya u soo safriyay dambilayaal ajnabi ah, wuxuuna si cad u taageeray Isbaheysiga ay ku dhawaaqeen hoggaamiyayaasha Muqdisho, “Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe markii uu qiimeeyay dagaallada ka socda xamar waxaa u caddaaatay in ay ku lug leeyihiin dad ajnabi ah oo xag jir ah, hadaba maamulka Shabeelaha Dhexe wuxuu go'aansaday in uu ka hortago kooxahaas, isla markaana uu gacan siiyo Isbaheysiga la dagaalanka argagixisada si looga saaro kuwa u soo safriyay dhibaatada dalka Soomaaliya, loona soo celiyo Ammaanka Qaranka iyo xasiloonida dalka, waxaana ka codsaneynaa Umadda Soomaaliyeed in aysan difaacin kuwa dembiilayaasha ah”ayuu yiri Maxamed Dheere oo shirkiisa jaraa'id aan wax su'aalo ah lagu weydiinin.

Dagaalku ma sii soconayaa?

Shiikh Xasan Daahir AweysShiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Culumaa'udiinka sida weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya, isla markaana kaalin muhiim ah ku leh Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho ayaa mar uu shalay ka soo laabtay Dalka Sacuudiga oo uu ku soo gutay Waajibaadkii Xajka waxaa uu sheegay in ay dagaalka sii wadayaan tan iyo inta ay meel ka saarayaan Hoggaamiyayaasha dhistay Isbaheysiga Argagixiso la dirirka amaba sida uu yiri ay ka towbad keenayaan.

Shiikh Xasan Daahir waxaa uu sheegay in aysan qalad u arkin beelaha ay ka soo jeedaan Hoggaamiyayaashaas, wuxuuna beelaha ay ka soo jeedaan qudhooda ka codsaday in ay ka dhaadhiciyaan in ay ka laabtaan wixii ay ku dhawaaqeen, isla markaana ay raaligelin ka bixiyaan hadalladii ay jeediyeen.

Shiikh Shariif Shiikh AxmedSidoo kale waxaa isna xaqiijiyay in uu dagaalka sii soconayo Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in ay dagaalka sii wadayaan tan iyo inta ay adkaanayaan Hoggaamiyayaasha Isbaheysiga sameystay oo uu ku eedeeyay in waxa ay u dagaalamayaan ay yihiin diin la dirir iyo sida uu yiri in ay dadka Muslimiinta ah ka iibsadaan cadawga Islaamka.

Dhibaatada ay dagaalka ku qabaan dadka rayidka ah

Tan iyo markii uu dagaalka bilowday waxaa weli guryahoodii ka dibanaya qoysas fara badan oo qaarkood ay suurtagal tahay in ay isaga hoos noolaayeen hooska guryahooda bacdamaa aysan heli karin nolol maalmeed toos ah, marka taasi laga soo tagana wuxuu dagaalkani saameyn xooggan ku yeeshay dadkii aan iyagu ka qixin guryahooda, kuwaasi oo qaracanka iyo wadno kur-kurka ay qabaan ay u sii dheer tahay in ay mararka qaarkood soo gaaraan dhimasho iyo dhaawac.

Isbitaallada Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isbitaalka Madiina ayaa waxaa si weyn u buu xdhaafiyay dad ku soo dhaawacmay dagaalka, kuwaasi oo weliba ka batay sariiraha Isbitaalka yaala waa sida uu xaqiijiyay Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Shiikh-Doon Salaad Cilmi. Khasaaraha soo gaaraya dadka rayidka ah ee ka dhashay dagaalkan wuu sii kordhayaa, waxaana saakay madfac laga ganay meesha dagaalka uu ka socdo oo ah agagaarka Kuliyaddii Jaalle Siyaad uu ku habsaday guri ku yaala xaafadda Geed Jaceyl ee Degmada Wardhiigleey, waxaana halkaasi ku dhintay 3 ruux, 2 kalena waa ku dhaawacmeen.

Baaq dagaal joojin ah

Shariif Xasan Shiikh AadanGuddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed, Shariif Xasan Shiikh Aadan oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho in ay dagaalka joojiyaan, isla markaana waxyaabaha u dhaxeeya ay ka wada hadlaan, “aniga waxaa wel wel igu haya dagaalka ka socda Muqdisho oo ay dad badan ku dhimanayaan, kuna dhaawacmaan, sidaas darteed waxaan ka codsanayaa Wagaradka iyo Nabaddoonada labada dhinac in ay dagaalka joojiyaan waayo dagaal wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay in uusan wax weyn u arkeynin wax lagu dhawaaqay balse waxa uu aadka u jir diidayo ay tahay in micno darro lagu laayo dad masaakiin ah oo horay u qabay abaaro iyo dhibaatooyin kale.

Back to Hiiraan Online

Contact:[email protected]
Copyright © 2006 Hiiraan Online