Beelaha Xawaadle iyo Murusade oo ka heshiiyay Colaad dhexmartay kadib muddo 66 sano oo ay nabad ku wada noolaayeen (Warqadihii heshiiska oo saxiixyo wata)

Arbaco, August 09, 2006(HOL): Shir dib u heshiisiin ah oo ay labada beelood uga wada hadlayeen colaad dhawaan dhexmartay ayaa waxaa lagu soo gebagebeeyay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, iyadoo qaban qaabada Shirkaasina ay lahayd Hay'adda Cilmi Baarista iyo Wada-tashiga CRD.

Qabashada shirka ayaa dhowr jeer waxaa ku yimid dib u dhac sababo jiray aawgood, wuxuuna dib u dhacaasi keenay in ay dhacaan shaqaaqooyin ka dhacay Deegaano ka tirsan Degmooyinka Maxaas iyo Ceel Buur, iyadoo ay xusid mudan tahay in labada beelood colaad dhexmartay ay ugu dambeysay muddo laga joogo 66 sano, xiligaasoo colaaddii jirtay ay xaliyeen Ugaas Fara-cadde Ugaas Muumin iyo Ugaas Muumin Ugaas Warfaa oo labada beelood Duubab u ahaa.

66-kaas sano kadib colaadda mar kale dhexmartay labada beelood waxaa u istaagay in ay xaliyaan Ugaas C/qaadir Ugaas Xaashi Ugaas Fara-Cadde iyo Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo haatan Beelaha Murusade iyo Xawaadle Duubab la ixtiraamo u ah, iyadoo Ugaasyadu ay guuleysteen in ay buuxiyaan kaalintii nabaddoonimo ee ay Awoowayaashood iyo Aabayaashood ka geeriyoodeen.

Furitaanka shirkii lagu xalilayay mushkiladda dhexmartay labada beelood waxay labada beeloodba ku soo bandhigeen qoraallo ay ku muujinayeen waxa ay kala tabanayeen, wuxuuna kadib shir guddoonka ku wargeliyay ergooyinka ajendayaasha laga hadlayay oo ahaa Eed, Dhiig, Hanti iyo Dhaqan.

Is-qabqabsi iyo wax isku riixis badan kadib waxaa uu shir guddoonkii shirka codsaday in guddi xaliya loo saaro waxyaabaha la isku mari waayo, kaasi oo xubnahiisu ay ka kooban yihiin 28 ruux oo labada beelood ka soo jeeda, kuwaasi oo ay wehliyaan labada shir guddoon oo ahaa Guddoomiyayaasha Degmooyinka Maxaas iyo Ceel Buur.

Shirka Dib u heshiisiinta oo ay labada beeloodba u arkayaan in uu muhiim u yahay ayaa markii si laab furnaan ah loo wada hadlay waxaa ka soo baxay qodobo ay ka mid ahaayeen:

•  in dhamaan wixii la isku heystay, isla markaana ka horeeyay heshiiskii Wabxo ee dhacay 13-kii Maarso 2006 god la shubo, isla markaana la iska iloobo.

•  In isu dheeli-tirka Dhiigga labada beelood shirkii Wabxo kadib ay Beesha Murusade dheeri u yeelatay lix ruux oo laga dilay, kuwaasi oo ay Beesha Xawaadle ka bixineyso Duug iyo Karfan dhan 60,000,000 Sh. So (Lixdan Milyan Sh. So).

•  In Beesha Xawaadle bixiso furkii oo ahaa shan qori oo Nooca AK47 ah iyo hal Kaarabiin, kuwaasi oo lagu qiimeeyay 21,000,000 Sh. So (Kow labaatan Milyan Shilin Soomaali ah).

•  In Dhaqanka labada Beelood uu noqdo ku dhaqanka Shareecada Islaamka laga soo bilaabo 9-ka Luulyo 2006.

•  In Dadka labada beelood ku wada noolaadaan nabad, wadaagaana daaqa iyo biyaha.

•  In Odayaasha iyo Waxgaradka labada degmo ee Maxaas iyo Ceel Buur ay u xil saaran yihiin hirgelinta heshiiska iyo furitaanka wadada u dhaxeysa Buulo Burte iyo Ceel Buur.

Heshiiska ay wada gaareen labadan beelood oo ay qabsoomidiisa kaalin mug leh ka qaadatay Hay'adda CRD ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay waxgaradka, siyaasiyiinta, culumaa'udiinka, dhalinyarada iyo haweenka labada dhinac, kuwaasi oo dhibsaday in ay ku soo laabatay colaad ay mar hore ka heshiiyeen.



 

Back to Hiiraan Online

Contact:[email protected]
Copyright © 2006 Hiiraan Online