Xubnaha Beelaha Hawiye ugu jira Dowladda Federaalka oo shir xasaasi ah ka yeeshay Mooshin ay koox ka tirsan Baarlamaanka ku doonayaan in lagu rido Prof. Geedi iyo Xukuumaddiisa
Sabti, April 22, 2006(HOL): Xubnaha Beelaha Hawiye ugu jira Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa shir ay maanta ku yeesheen guriga uu magaalada Baydhabo ka degan yahay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Maxamuud Salaad Nuur ayay wararku sheegayaan in ay si weyn uga doodeen mooshin ay koox ka tirsan Baarlamaanka ku doonayaan in lagu rido Prof. Geedi iyo Xukuumaddiisa.
Wararku waxay sheegayaan in kulankaasi oo uu goob joog ka ahaa Ra'iisal Wasaare Geedi qudhiisa aaney ka soo xaadirin ilaa 10 Xildhibaan oo ka tirsan beelaha Hawiye, kuwaasoo laga xusay in ay ka mid yihiin Cumar Xaashi Aadan, Hilowle Iimaan, C/llaahi Axmed Afrax, Axmed Diiriye Maxamed, Muuse Cali Cumar, Muuse Nuur Amiin iyo kuwo kale.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in xubnahaas ay isku af-garteen labo qodob oo kala ah in ay ogol yihiin in lala xisaabtamo Xukuumadda Soomaaliya balse aaney ogolaan doonin ula jeedo kasta ee lagu doonayo in kursiga looga qaado Ra'iisal Wasaare Geedi oo ay xuseen in uu ku fadhiyo kursigii Hawiye sida ay HOL u sheegeen xubno ka qeybgalay kulankaas, sidoo kalena, waxay shirkoodaas isku af-garteen in la qabto kulan kale, isla markaana la doono xubnaha kale ee aan ka soo xaadirin kulankii maanta.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in kulanka xiga la qorsheeyay in isla maantaba lagu qabto guriga Ra'iisal Wasaare Geedi, halkaasi oo la sheegay in ay ku wada hadli doonaan isaga iyo xubnaha Dowladda ugu jira Beelaha Hawiye, walow aan la ogeyn waxa uu kula dardaarmi doono, waxaana haatan magaalada Baydhabo ka jira xiisad ka taagan mooshin ay isku qoreen ilaa 22 Xildhibaan oo lagula xisaabtamayo Xukuumadda Prof. Geedi, isla markaana loo gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan.
Wararku waxay sheegayaan in Shariif Xasan uu xubnaha wada mooshinkaas ka codsaday in dib loo dhigo ilaa ay Baarlamaanku go'aan ka gaarayaan labo arrimood oo tan ugu horeyso tahay in ay isku raacaan halka ay dowladdu ku sii shaqeyneyso, taasoo isla maanta si deg deg ah loo horgeeyay Baarlamaanka, iyagoo cod buuxa isku raacay in Baydhabo noqoto goobta lagu sii shaqeynayo, walow uu Xildhibaan Mowliid Macaani sheegay in mooshinkaas uu ahaa mid la isku xaday oo aan sida sharciga ah loo soo gudbin.
Sidoo kalena, waxaa uu Shariifku xubnaha wada mooshinka ka dhanka ah Xukuumadda Prof. Geedi ka codsaday in arrintaas dib loogu dhigo ilaa laga dhameystirayo maamul u sameynta Gobollada Bay iyo Bakool, iyadoo ay wararka qaarkood sheegayaan in uu Guddoomiyuhu u baqay in mooshinkaas uu noqdo mid qalalaase keeni kara, iyadoo aaney wax maamul ah lahayn magaalada Baydhabo oo ay xiligan dowladdu ku sii shaqeyneyso,
Waxaana isla maanta xarunta ADC-da kulan gaar ah ku yeeshay Xildhibaanada Digil iyo Mirifle, kuwaasi oo ka wada hadlay sidii loo de-dejin lahaa maamul u sameynta gobollada Bay iyo Bakool, walow aan la ogeyn in ay arrimahaasi la xiriiraan sidii wadada loogu xaari lahaa in Prof. Geedi iyo Xukuumaddiisa dhaqsi loogu horkeeni lahaa golaha Baarlamaanka, si ay ula galaan xisaabtan aan la ogeyn natiijada ka soo bixi doonta, walow ay muuqato in xubnaha Dowladda Federaalka ay qaladaad badan kala galeen intii ay ku kala sugnaayeen Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, wuxuuna Xildhibaan ka mid ah kuwa saxiixay mooshinkan uu sheegay in la xisaabtanka Cali Maxamed Geedi laga soo bilaabi doono intii aan laga soo guurin magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, waxaana sidoo kale aan la ogeyn natiijada maanta ka soo if-bixi doonta kulanka ay wada yeelanayaan Ra'iisal Wasaare Geedi iyo xubnaha dowladda ugu jira Beelaha Hawiye.
Xubno ka qeybgalay kulankii maanta ka dhacay guriga Wasiirka Macdanta iyo Biyaha ayaa ku andacooday in ay arkayaan in kuwa mooshinka la daba jooga Ra'iisal Wasaare Geedi ay yihiin kuwo aan ku abtirsan beesha Hawiye, walow laga yaabo in ay mooshinkaass si weyn u taageersan yihiin Xildhibaanada Hawiye ee maanta ka maqnaa shirkaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia