Axad, Sunday, October 15, 2006(HOL): Danjire Bethiel A. Kiplagat oo ah ergayga Urur goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in xaaladda ka soo cusboonaatay Dalka Soomaaliya ay tahay mid cabsi leh , isla markaana aan la saadaalin karin saameynta ay ku yeelan karto dalalka deriska la ah.
Danjire Kiplagat oo Sabtidii ka hadlayay magaalada Addis Ababa ayaa sidoo kale sheegay in kala qeybsanaanta Beesha Caalamka ee qorshihii ay soo jeediyeen dalalka IGAD ay tahay mid aan loo baahneyn, isagoo xusay in ay lagama maarmaan tahay in la qaado xayiraadda hubka ee saarneyd Soomaaliya.
Ergayga IGAD ee Arrimaha Soomaaliya waxaa kale oo uu sheegay in ka sokow taageerada ay IGAD siisay dadaalka dib u heshiisiineed ee ay waddo Jaamacadda Carabta ay misana qasab tahay in la adeeco go’aannadii ka soo baxay IGAD iyo Midowga Afrika ee ku saabsanaa sidii loo badbaadin lahaa Dowladda Federaalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia