3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 6 , 2006
Maxkamadaha Islaamka oo maamul u sameeyay Gobolka Jubbada Hoose

Jimco, October 06, 2006(HOL): Maamul ka kooban 18 xub oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha gobolka, Gudoomiyaha Degmada, Waaxyadaha Maareynta Dekedda, Garoonka Diyaaradaha iyo Taliska Booliska gobolka ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Kismaayo kadib markii ay soo xuleen xubnahaasi masuuliyiinta Golaha maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed.

Xilalkii maanta la magaacaabay ayaa kala ahaa

Gudoomiyaha gobolka J/Hoose Axmed Sh Maxamed (Axmed Madoobe )

Guddoomiye ku xigeenka C/fataax Maxamed Cali

Taliyaha booliska C/llaahi Axmed Warsame Ejka

Arrimaha bulshada C/raxmaan Axmed Aadan (C/raxmaan Seero)

Maaliyadda C/llaahi Axmed Cumar

dacwada Iyo warbaahinta Axmed Diiriye

Waxbarashada iyo Tacliinta sare Dr. Yuusuf Maxamed Cilmi

Garsoorka iyo cadaaladda Sh. C/raxmaan Maxamed Firin

Xubnaha loo magacaabay Degmada Kismaayo

Duqa magaalada Inj. bashiir Axmed C/llaahi Jarto

Ku xigeenkiisa Bashiir Aadan Xasan

Arrimaha Caafimaadka Maxamed Dhaqane

Mareeyaha Dekedda Ciise Qaasim

Howlgalinta Dekedda Cali Maxamed

Howlgalinta Maraakiiba Cismaan Maxamed Dheer

Xisaabiyaha Dekedda Cabdi Xasan

Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Axmed Gaarane Yarow

Ku xigeenkiisa C/nuur Jimcaale Qeyre.

Dhamaan xubnahaasi ayaa maanta loo magacaabay maamulka gobolka Midowga ayaa waxaa uu ka gedisan yahay maamulkii horay uga jiray magaalada Kismaayo, kaasi oo ka koobnaa 21 xubnood oo lagu soo xulay qaab qeybsiga 4.5.

 Magaalada Kismaayo ayaa dhawaan waxaa gacan ku heynteeda la wareegay maxkamadaha Islaamka oo haatan inta  badan ka taliya gobollo dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana magaalada Kismaayo Maxkamadaha ka hor soo maray labo maamul oo ay kala hoggaaminayeen Jen. Maxamed Siciid Xirsi Moorgan iyo Col. Barre Aadan Shire Hiiraale.

Sahra Cabdi Axmed, Hiiraan Online
[email protected]
Kismayo, Somalia













Click here