5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 1 , 2006
Maamul goboleedka Puntland oo sheegay in uu tallaabo ka qaadayo Maxkamad Islaami ah oo looga dhawaaqay Magaalada Gaalkacyo

Arbaco, November 01, 2006(HOL): Maamul goboleedka Puntland ayaa ku goodiyay in uu tallaabo ka qaadi doono dadkii ka dambeeyay abaabulka Maxkamadaha Islaami ah oo shalay looga dhawaaqay Magaalada Gaalkacyo, taasi oo ay sameysteen Beel ka mid ah Beelihii wax ka dhistay Maamul-goboleedka Puntland.

 

Maxkamad Islaami ah oo loogu magac daray Badbaado ayaa shalay looga dhawaaqay Magaalada Gaalkacyo, taasi oo ay sameysteen Jufada Maxamed Cumar ee Beesha Cumar Maxamuud, sida uu saxaafadda u sheegay Nadiir Qorane Maxamed oo ka mid ah dadkii isku howlay dhismaha Maxkamaddaas.

 

Nadiir waxaa uu sheegay in shirar u socday in muddo ah ay ka dhalatay in ay Maxkamad Islaami ah sameystaan, isla markaana ay shareecada Islaamka isku xukumaan, isagoo caddeeyay in ay jiraan beelo kale oo iyana doonayana in ay Maxkamado Islaami ah furtaan, wuxuuna caddeeyay in aysan wax cabsi ah ka qabin dhibaato uga timaada dhinaca Maamulka Puntlnad bacdamaa sida uu yiri ay maamulka Puntland wada dhisteen beelo go’aansaday in ay danahooda ku gaaraan maamulkaas.

 

Nadiir waxaa uu sheegay in maamulka Puntland uu ku dhaqmo Dastuurkii 60-kii oo ah mid sida uu yiri ay gaalo dejiyeen oo aan shareecada Islaamka waafaqsaneyn, sidaas darteedna ay iyaguna beel ahaan doonayaan in ay Shareecada Islaamka dastuur ahaan ku dhaqmaan, wuxuuna maamulka Puntland ku eedeeyay in uu cadaadis, caburin iyo gaalo u duleyn ku hayo dadka reer Puntland, wuxuuna madaxda maamulka ku tilmaamay kuwo aan wax badan ka duwaneyn hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho laga ceyriyay.

 

Dhanka kalena Wasiirka Maaliyadda Maamul Goboleedka Puntland Maxamed Yuusuf Gaagaab oo xalay soo gaaray Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in maamulkiisa uu tallaabo ka qaadi doono dadkii ka dambeeyay dhismaha Maxkamadda Islaamiga ah ee shalay lagu dhawaaqay, wuxuuna sheegay in ku dhawaaqista Maxkamaddaas ay qalqal gelineyso dadka reer Puntland.

 

Dhawaan ayay Wadaado ka soo jeeda deegaanada Puntland oo Muqdisho soo gaaray waxay kulamo la qaateen mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka, iyagoo sheegay in ujeedka ay Muqdisho u yimaadeen uu ahaa in ay soo eegaan is-bedelka ka dhacay magaalada Muqdisho, sidoo kalena ay ka shaqeeyaan sidii Maxkamadaha Islaamka loo gaarsiin lahaa Deegaanada Puntland.

 

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi oo ka hadlay dhaqdhaqaaqyada Maxkamadaha Islaamka oo mar gaaray deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa sheegay in ay difaac ka gelayaan Maxkamadaha Islaamka oo uu ku tilmaamay inay u soo gashadeen shaar qabiil, inkastoo uu Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Jen. Cadde u jawaabayay uu sheegay in aaney maxkamadaha Islaamka Puntlnad weerar ku ahayn, balse ay daba taagan yihiin rag ka tirsanaa Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada ee ay Muqdisho ka ceyriyeen oo uu ka tilmaamay Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo xiligaas ku sugnaa deegaano ka tirsan Puntland.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia