More Articles
Jimco, July 11, 2014 (HOL) โ Dowladda Somalia ayaa Raโiisul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaโarke u magacowday inuu noqdo danjiraha Somalia ee dalka Mareykanka, iyadoo Mareykanku uu soo dhaweeyay magacaabiddiisa.
Warkii oo dhan
Khamiis, July 10, 2014 (HOL) โ Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay maanta ruux looga shakisan yahay inuu maleegay weerarkii lagu qaaday xarunta madaxtooyada Somalia habeennimadii Talaadada ee aynu soo dhaafnay.
Arbaco, July 09, 2014 (HOL) โ Danjirihii Soomaaliya ee Britain, C/llaahi Maxamed Cali (San-bololshe) ayaa loo magacaabay taliyaha guud ee haโyadda nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed, kaddib markii saakay xilkaas laga qaaday agaasimiihii hore, Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe).
Talaado, July 08, 2014 (HOL) โ Xulka dalka Jarmalka ayaa kaga adkaaday xulka Brazil 7-1, iyadoo tani ay noqonyso guul-darradii ay xulka Brazil la kulmaan muddo 39-sano ku dhow markaasoo loogana badiyay gurigooda, iyadoo xulka Jarmalka ay ceeb weyn dusha u saareen dalka Koobka Adduunka ee sannadkan marti-gelinaya.
Isniin, July 07, 2014 (HOL) โ Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud ayaa sheegay in sugidda amniga magaalada Muqdisho ay ka maqan tahay kaalintii shacabka Soomaaliyeed ay ku lahaayeen, isagoo xusay in haddii aysan shacabku ka qayb-qaadan sidii loo sugi lahaa ammaanka Muqdisho aysan AMISOM waxba ka qaban karin.