More Articles
Khamiis, Maarso 03, 2016 (HOL) โ Waxaa Fiidnimadii Caawa lasoo Gaba-gabeeyay Shir albaabadu u xirnaayeen oo xildhibaannada Baarlamaanka FS ay suโaalo ku saabsan amniga dalka ku weydiinayeen RW Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumaddda Somalia iyo Taliyeyaasha Ciidamada Somalia qaarkood.
Warkii oo dhan
Arbaco, Maarso 02, 2016 (HOL) โ Ugu yaraan 15-qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen kaddib dagaal culus oo magaalada Dhuusa-mareeb ku dhaxmaray Xoogagga Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna iyo Malleeshiyaad daacad u ahaa Sarkaal kasoo goostay Dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne.
Talaado, Maarso 01, 2016 (HOL) โ Kulan aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirrada Somalia uga socday Muqdisho saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay uuna Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud, isla markaana loogu kuur-galayay Xaaladda Ammaan ee dalku ku sugan yahay ayaa maanta laga soo saaray goโaanno dhawr ah.
Muqdisho (AFP) - Ugu yaraan 30 qof ayaa lagu dilay labo bambaano waxaana sheegtay Alshabaab gaar ahaan hoteel aad u mashquul badan oo laga cunteeyo magaalada Baydhabo, sida uu wakaalada wararka ee AFP u sheegay barasaabka gobolka Baay maanta.
Axad, Feberaayo 28, 2016 (HOL) โ Ugu yaraan 19-ruux ayaa ku dhintay in ka badan 45-kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo uu midkood ismiidaamin ahaa oo gellinkii dambe ee maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.
Sabti, Feberaayo 27, 2016 (HOL) โ Waxaa sare u kacay Khasaaraha Weerarkii isugu jiray Qaraxyada iyo Iska-horimaadka ahaa ee Xalay lagu qaaday Hotel SYL oo ku dhow xarunta Madaxtooyada Somalia ee Muqdisho, iyadoo khasaaraha Dadka ku dhintay ay marayso 30-qof, dhaawucuna uu ku dhow yahay 60-qof.