More Articles
Talaado, August 30, 2016 (HOL) โ Waxaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Beledweyne siyaasiga Cali Xaaji Warsame oo wasiirka waxbarashada ka soo noqday dowlad gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Warkii oo dhan
Isniin, August 29, 2016 (HOL) โ Maamul-goboleedka Jubbaland, ayaa maanta sheegay in ay hakiyeen Qoxootigii laga soo celinayay Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee Dalka Kenya. Iyagoo arrintaan u sababeeyay, kaddib markii sida looga baxay ballan-qaadyo horey looga sameeyay oo ahayd in dadka lasoo celinayo la siinayo adeegyada ay u baahan yihiin, marka ay gudaha Soomaaliya soo gaaraan.
Axad, August 28, 2016 (HOL) โ Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, afar kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo is-xigay oo caawa fiidkii ka dhacay gudaha Degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, kuwaasoo aanay jirin cid sheegay masโuuliyadooda.
Sabti, August 27, 2016 (HOL) โ Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay shir-madaxeedka lixaad ee Iskaashiga Afrika iyo Jabbaan ee TICAD - [Tokyo International Cooperation on Africa Development] - oo maanta ka furmay Xarunta dalka Kenya ee Nairobi.
Jimco, August 26, 2016 (HOL) โ Iyadoo aad moodo in uu meesha kasoo baxayo dhankii iyo hidihii ay Soomaalida laheyd, islamarkaana si aan hagaagsaneyn loo isticmaalayo afka Soomaaliga, ayaa markii ugu horeysay magaalada Beledweyne waxaa ka hergaliy dhalinyarro aad u dayar oo iska xil saaray dib u soo nooleynta dhaqankii wanaagsanaa iyo Af Soomaaliga.
Khamiis, August 25, 2016 (HOL) โ Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda Weerar Qarax iyo mid toos ah isugu jiray oo fiidnimadii caawa lagu qaaday Baarka Banadir Beach oo ku yaalla Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.
Khamiis, Augusto, 24, 2016 (HOL) -- Rag bastoolado ku hubeysan ayaa goor dhaw magaalada Beledweyne ku toogtay askari ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.