More Articles
Talaado, December, 05, 2017 (HOL) โ Dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa maanta kala saxiixday heshiis taariikhi ah waxaana goob-joog ka ahaa munaasabada heshiiskan lagu saxiixay Raโiisal wasaare Xassan Cali Kheyre, Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xassan iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
Warkii oo dhan
Isniin, December, 04, 2017 (HOL) โ Sawirro lagu baahiyay Baraha Bulshada ayaa lagu arkayaa meydka qof u eg madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax oo dhaawacyo halis ah ka gaareen madaxa sare oo ay sidaa qaar ka mid ah maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen.
Axad, December, 03, 2017 (HOL) -Munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ee Naafadada Aduunka 03d December ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho iyadoo ay ka soo qeybgaleen Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira xildhibaanno iyo Wasiiro, Culumaโudiin iyo qaar ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba, .
Sabti, December, 02, 2017 (HOL) โ Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan waxaa lagu qabtay munaasabad xil wareejin ah oo ay ka qeybgalleen masโuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.
Jimco, December, 01, 2017 (HOL) -Iyadoo waayadii ugu danbeeyay ay soo baxayeen warar aan wanaagsaneyn oo la xiriira dadka ka soo jeeda Qaarada Africa ee marinka ka dhigta dalka Liibiya si ay ugu sii gudbaan dalalka Yurub, ayeey dowladda Soomaaliya war deg deg ah ka soo saartay dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalkaasi Liibiya.
Khamiis, November, 30, 2017 (HOL) -Kooxo hubaysan oo u dhashay Koonfur Afrika ayaa xalay maqribkii labo wiil oo Somali ah ku dilay goob ganacsi oo ku taala magaalada Johansberg ee dalkaasi , xili ay qorshaynayeen in ay boobaan goobtooda ganacsi.