More Articles
Isniin, November 05, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay inay sii wadayso wadahadal u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo rajo wanaagsan ka muujisay inay kasoo bixi karto howsha loo dhiibay.
Warkii oo dhan
Axad, November 05, 2012(HOL): Ra’iisal Wasaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa maanta soo magacaabay Xubno wasiirro ah oo ka mid ah noqon doona Xukuumaddiisa.
Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen raggii sameeyay ismiidaaminta ayaa ku dhintay qaraxyo ismiidaamin ah oo goor-dhaweyd ka dhacay afaafka hore baar lagu magacabo The Village oo ku yaal inta u dhexeysa isgoyska Zope iyo isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 10-qof oo qaar ka mid ah uu firirku ugu tagay gudaha baarka.
Jimco, November 2, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada booliiska gobolka banaadir, Col. Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay u suuro-gashay inay gacanta ku dhigaan xalay koox qorsheynayay inay weeraraan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Khamiis, November 01, 2012(HOL): War aynu ka helnay ilo diblumaasiyadeed oo aad loogu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu muddada u kordhinayo ciidammada nabad-ilaalinta ah ee Midowga Africa ka jooga Soomaaliya.