
Marxuum Xassan Sh. Ibraahim (Xaseey)

Waxaa bishan January 18, 2014 ku geeriyooday Magaalada Alexandaria ee gobolka Virginia (USA) Allaha u naxariista Marxuum Hassan SH. Ibrahim ( Hasseey )
Marxuum Hasseey wuxuu ahaa shaqsi taariikh dheer ku leh Dalka iyo dadka Soomaaliya.
Taariikh nololeedkii Hassey, Hassey wuxuu ku dhashay magaalada Beydhabo sanadkii 04/04/1943. Wuxuu waxbarashadiisii hoore ilaa iyo midi dugsigiisii sare ku soo qaata magaalada Baydhabo. Wuxuu Kadib deeq waxbarasho ka helay dalka Talyaaniga magaalada Padova, isgoo ku taqsusay garyaqaannimada (law) uu ku soo qalin jebiyay kana mid noqday Ardayda ugu aqoon fiicneyd ee kaga qalin jibisay Jaamacadii uu wax ku baranayay ee uu ka gaaray heerkii ugu sareysay ee ahayd PHD.
Wuxuu Soomaaliya ku soo laabtay sannadkii 1967, wuxuun shaqooyin kala duwana ka qabtay dalkiisii Hooyo. Wuxuu Gudoomiye ka noqday Jaamacadii umada Soomaaliyeed qeybteedii sharciga.
Wuxuu qareen u ahaa Dowladii Somaliya 1973 ilaa ay ka dhacday isla markaana wuxuu qareen u ahaa dhowr shirkadoon oo Somalia joogay sida Shell oil com, Conoca oil com, shirkadihii Talyaaniga ee dhismaha iyo wadooyinka ka waday Somalia , wuxu kaloo garyaqaan u ahaa safaaradihii, Mareykanka, Talyaaniga, Jarmalka iyo hayada ay ka mid ahayd FAO iyo kuwa kaloo badan.
Allah u naxariistee Marxuumka wuxuu qoray Buug ku qoran afka Talyaaniga kana hadlaayo sharciyada Soomaaliya looguna magac daray ( Il Codige Pennale Dela Somalia ) oo aad manta ka heli kartaan Library of Congress.
Wuxuu si gaar ah u lahaa ganacsiyo waaweeyn iyo warshado, oo ay ka mid ahaayeen warshada Coka kola, warshada Omada, warshada Hargaha iyo Warshada Kabaha. Sidoo kale wuxuu lahaa company soo dejinta iyo dhoofinta oo dhowr qeyb isugu jirtay.
Mudo ka dib waxaa loo doortay madaxweynihii ugu horeeyay ee maamul gobaleedakii Bay.
Wuxuu ka mid ahaa xildhibaanadii Soomaalia iyo dadkii sida daacadnimada leh ugu sheqeeynayay dib u heshiisiintii Somalia waqti badana geliyay. Allaha u naxariistee wuxuu Marxuumka Ifka ugu tagay Xaas iyo sided Caruur ah (6 raga iyo 2 gabdhood).
Haduu rabi raali ka noqdo waxaa lagu aasi doonaa Magaaladii uu ku dhashay ee Baydhabo (Somalia).
Wixii faahfaahin ah kala soo xiriir wiilkiisa Mahamed Manwel (703) 969-0396
Halkaan ku dhaaf Tacsidaada