Ibrahim Hassan Gagale
Friday, January 29, 2021

Haddii Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Puntland ay samaysteen maqaamyada maamul-goboladooda isla markaana doortaan wakiiladooda oo aanay faragelin dawladda iyo baarlamaanka fadaraalka Somalia, maxaa dadka Gobolka Baaadir loogu faragelinayaa inay samaystaan maqaamka gobolkooda soona doortaan wakiiladooda matalaya? Madaxweyne Farmaajo marnaba xaq uma laha inuu soo magacaabo ama saxeexo wakiilada Gobolka Banaadir u matalaya labada aqal ee fadaraalka balse waxaa arrintaas xaq u leh dadka Muqdisho oo qudha kuwaas oo ah: Hawiye iyo Hawiye-daye (Hawiye-daye waa reer Banaadiriga, Yamaniyiinta iwm).
Wakiilada ah 13ka oo la siinayo Gobolka Banaadir ma waafaqsana sharciga fadaraalka Somalia waayo waxaa ka horraysa in dadka Muqdisho dhistaan maqaamka Maamul-goboleedka Banaadir sida gobollada kale ee dalka dabadeedna ay doortaan tirada wakiilada ay uga baahanyihiin labada aqal ee fadaraalka isla markaana samaystaan maamulka gaarka u ah Gobolka Banaadir iyo dawladda hoose ee maamusha magaalada Muqdisho sida magaalo madaxyada gobolada kale ee Somalia.
Farmaajo oo sheeganaya madaxweyne Fadaraal xaq uma laha inuu faraha la galo doorasho gobol ama degmo. Lama joogo samankii kelitalisnimadii Siyaad Barre ee uu gobollo iyo degmooyin u magacaabijiray dad aan u dhalan si loogu naas-nuujiyo, arrintaas oo ku tumatay nidaamkii dawladnimada isla markaana horseeday burburka Somalia kadib markii beelo Somaliyeed laga xoogay dhulkoodii iyo maamulkoodiba. Waxaa la joogaa qarnigii 21 aad, cidkastana xaqeeda way ilaashanaysaa, degaan iyo maamulba,dibna loo xoogimaayo loona khiyaamaynmaayo.
Muqdisho iyo Gobolka Banaadir waa kala duwanyihiin. Marka la leeyahay Muqdisho waa caasimada dalka waa run laakiin waa arrin maamul qaran ee maaha arrin degaan, doorasho iyo cashuur uruurin. Dawladda fadaraalku waa xafiisyo iyo maamul heer qaran ah, waxa la wada leeyahayna waa taas oo qudha oo madaxweynuhu maamulo. Madaxweynuhu shuqul kuma laha, sharcina uma laha hawlaha doorashada ee degmooyinka iyo gobolada dalka waayo isagu waa heer fadaraal oo qudha. Haddii madaxweyne Farmajo oo waqtigiisu dhammaaday uu farageliyo maqaamka iyo doorashada maamul-goboleedka Banaadir kuna saleeyo 4.5, waa hubaal inay noqonayso waxaan sii jiridoonin, dadka Muqdisho degaan ahaan u lehna ay soo dhisandoonaan maqaamka uu xaq u leeyahay Gobolka Banaadir.
Maxaa keenay in Gobolka Banaadir oo ay leeyihiin dad gaar ah maqaamkiisa loogu salaynayaa 4.5. Figradaasu wax la aqbalikaro maaha. Maamulka fadaraalka ah ee qaranka ayaa ku dhisan 4.5. Ma jiro maamul gobol oo ku dhisan 4.5. Sida aan qof #Hawiye ah looga soo doorankarin maamul goboleedka Puntland, qof #Daarood ahna lagama soo doorankaro maamul goboleedka Banaadir. Sidaas oo kale qof #Isaaq ah ama #Digil iyo Midhif ah lagama soo doorankaro maamul goboleedka Banaadir.
Sida gobolada kale ee dalka Somalia, waxaa maqaamka Gobolka Banaadir ka koobanyahay maamul goboleed leh madaxweyne iyo maamulka dawladda hoose oo ay hoos timaado dhammaan magaalada Muqdisho oo ka mas’uul ah horumarinteeda iyo cashuur uruurinta. Cashuurta dalku waxay ka kooban tahay laba qaybood: Cashuur fadaraal oo laga qaado dhammaan maamul-goboleedyada dalka taas oo lagu shubo khasnadda dhexe ee dawladda fadaraalka oo lagu fuliyo hawlaha qaranka ee heer fadaraal sida wasaaradaha, ciidamada heer fadaraal, safaaradaha, mashaariicda heer fadaraal iwm, iyo cashuurta dawladda hoose ee lagu horumariyo magaalooyinka iyo degaanada hoos yimaada maamul-goboleedyada. Labada cashuuroodba waxaa gobolkasta uruursha dawladaha hoose iyaga oo cashuurta fadaraalka ku shubaya khasnadda dhexe ee dawladda fadaraalka ah halka cashuurta degaanka lagu shubo khasnadda dawladda gobolka. Dawladda fadaraalku ma maamusho dowladda gobolka, dawladahooda hoose mana qaado cashuur.
Madaxweyne Farmaajo waxaa uu isku dirayaa qabaa’ilka Somaliyeed waxaanu dirayaa farriin ah: Hawiye malaha Gobolka Banaadir ee waxaa leh Somali oo dhan, ujeedada uu ka leeyahay waxaa weeye inuu qabiilkiisa iyo qabiilo kale ku jujuubo maamul aanay xaq u lahayn oo aanay sii joogikarayn. Ayax teg eelna reeb ee yaan lagu khatalmin beenta Farmaajo oo waqtigiisii dhammaaday, welina u hanqaltaagaya inuu urursado cid ku soo doorata been aan marnaba la aqbalayn.
Ibrahim Hassan Gagale
Email: [email protected]