
Monday September 10, 2018\
\

my photo
niin, September, 10, 2018 (HOL)- Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in amniga magaalada Muqdisho faraha ka baxay.
Waare oo si ka duwan sidii hore weerar culus ku qaaday dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in wixii ka soo hara waddada Wadnaha aysan maamulin dowladda Soomaaliya, isaga oo digniin u diray xildhibaannada baarlamaanka federaalka.
‘’Amniga magaalada Muqdisho faraha ayuu ka baxay dowladu haddii ay ogtahay waa mas’uuliyad darro, haddii aysan ogeyn-na waa mas’uuliyad darro ka sii culus, xildhibaannada waxaa leeyahay is ilaaliya xaaladu caadi ma’aha, waa hadal nin oday ah oo weyn’’ ayuu yiri madaxweyne Waare oo ay hereerihiisa fadhiyeen madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale dowladda federaalka ayuu ku eedeeyay in burburin iyo dhibaato ku heyso sida uu hadalka u dhigay labada maamul ee Hirshabeelle iyo Galmudug, isaga is weydiiyay su’aal aheyd wax kaliya labadaas maamul loo bartilmaameedsanayo.
‘’Galmudug iyo Hirshabeelle waxaa ay ka mid yihiin shanta maamul gobolleed ee dalka ka jira, waxaa moodaa in dowladdu si g