Hay'adda loo yaqaano "National Civic Forum(NFC)" ayaa dood lagu falanqeynayo DASTUURKA cusub ee Soomaaliya ku qabtay Hotelka Meridian ee magaaladan Nairobi. Doodaas oo ay ka soo qaybgaleen xubno ka tirsan NFC ayaa waxaa si qoto dheer looga hadlay qodob ku jira Dastuurka.
Qodobada Jinsiyadda iyo Madaxtooyada ayaa ahaa labadii qodob ee sida weyn looga dooday. Yusuf Xasan oo ah qoraa Soomaaliyeed qorayna Buugga Cusub ee dhawaan soo bixidoonaa ee "Barashada Dalka iyo Dadka Soomaaliya" ayaa halkaas ka soo jeediyey warbixin la xiriirta Dastuurka Soomaaliyeed isaga oo sheegay in waddan waliba Dastuurkiisa salka ku hayo dhaqan iyo diinta dalkaas. Yusuf Xasan ayaa ku tilmaamay wax la yaab leh sida qaybta Jinsiyadda ee dastuurka Soomaaliya 80% laga soo guuriyey Dastuurka dalka Kenya (Copy and Paste). Cabduqaadir Cusmaan (Suxufi) oo ka mid ahaa dadkii doodaa ka soo qayb galay ayaa