INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN
Marxuum Warsame Cabdullahi Cali (Warsame Indhool)

Taariikh noloeedkii Marxuum Warsame Cabdullahi Cali, JD (WARSAME INDHOOL

Allah u naxariiste waxaa dalka Masar ku geeriyoodey bishii Janaayo 15-keedii sanadkan 2021, mudane Warsame Cabdullahi Cali oo ahaa halyey karaamo badan ku lahaa bulshada soomaliyeed.

Wuxuu ku dhashay magaalada Xuddur ee gobolka Bakool taariikhdu markay ahayd 26 Maajo sanadkii 1944. Wuxuu dugsiga hoose iyo midkii dhexeba ku soo dhigtey magalada Muqdisho, Scuola degli Orfani. Sanadku markuu ahaa 1958 ayuu indho beeley sababo caafimaad awgood.

Sanadkii 1961 ayuu wuxuu ku guuleystay deeq waxbarasho halkaas oo uu ugu kicitamey dalka Talyaniga. Dugsiga sare wuxuu ka bilabey Liceo Scientifico Galvani ee ku yaal magaalada Bologna asagoo ku wanagsana luqadaha giriiga iyo laatiinka, kuwaas oo markii danbe u fududeyay inuu ku biiro Jaamacadda Bologna ee ku taal dalka Talyaniga.

Mudane Warsame wuxuu kale oo uu wax ku bartay Istituto Cavazza Per i Ciechi oo ah machadka ugu taariikhda weyn ee ay wax ka bartaan dadka aragga la’ ee dalka Talyaaniga. Jaamacadda wuxuu ku biiray kulliyadda sharciyada wuxuuna ku taqasusey Diritto del Lavoro oo ah shuruucda shaqaalaha.

Buugiisi jaamacadeed wuxuu ka qoray xuquuqda dadka curyaanka ah ay ku leeyihiin shaqo helidda iyo insaanimada loo baahan yahay in laga dhaqan geliyo goobaha iyo rugaha shaqaaleed ee dowladda.

Dalkiisa wuxuu ku soo laabtey dhamaadkii 1970 wuxuuna shaqo ka bilaabey Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Diinta wuxuuna aad ula shaqeyey hawl wadeenadii ku mashquulsanaa sharci dejinta iyo abaabulka sharci hindiseedyada ku qotoma xuquuqda iyo daryeelka dadka aragga la’, iyo dhamaan dadka u baahan gargaarka dhinaca shaqada.

Sanadku markuu ahaa 1973 wuxuu noqday agaasimaha guud ee Waaxda Sharci Dejinta iyo Heshiisyada ee wasaaradda halkaasoo uu ka shaqaynayey illaa iyo sanadkii 1977.

Wuxuu ka mid noqday Golaha Dhexe ee XHKS sanadkii 1977 halkaas oo uu ka bilaabey abaabulka iyo asaaska Ururka Dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka Soomaliyeed, UDHIS. 1978 wuxuu noqday Guddomiyihii ururka UDHIS. Wuxuu kale oo ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka laga bilaabo sanadka 1980.

Allah u naxariistee marxuumka wuxuu ahaa qof aad u jecel gargaarka iyo caawinaadda dadka saboolka ah dhinac walba, wuxuu kale oo kaalin balaaran uga soo qaatey dariiqooyinka diiniga ah, qaasatan Qaadiriyada. Wuxuu ka tegey 33 qofood oo ah wuxuu dhalay iyo waxay sii dhaaleen. Waxaan Ilaahey subxanahu watacaala uga baryaynaa inuu jannadii ka waraabiyo.

Halkaan ku dhaaf Tacsidaada