Ku soo dhowaada sannad-dugsiyeedka cusub ee 2005-2006.

Waxaannu filaynaa in qof waliba soo nastay labadii bilood ee fasaxa ahaa, haatanna u diyaar yahay inuu sannadka cusub ku bilaabo xowli, hawl qabad, iyo karti dheeraad ah.

Waxaannu dhammaan ardayda iyo waalidiinta Soomaaliyeed la socodsiineynaa in diiwaangalintii kooraskii Af-Soomaligu ka bilaabmayso:

Xaggee: Dugsiga Sare ee Glebe Collegiate
Goorma: Bishan Sibtambar 10da, 2005
Saacadda: 9:00 Subaxnimo - 12:30 galabnimo.

Sannadkii hore arday badan oo dib uga dhacday diiwaangalintii waxa ka buuxsamay fasalladii, fursaddaasina way dhaaftay.

Arday badan ayaa laga celiyey albaabka dugsiga.

Haddaba, ardayda koorsada qaadanaysa waxaannu ku dhiirigalineynaa inay si degdeg ah isu diiwaangaliyaan.

Yaan lagaa buuxin fasalka oo yaanay ku dhaafin fursaddaadu.

Waad mahadsantihiin.

Macallimiinta Afka Soomaaliga

Wixii faahfaahin ah fadlan nagal soo xiriira Telefoon ka ah:
(613) 582-5790

 

 

 






 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2004 Hiiraan Online