UN Report

2007 DV
   
Duqa Magaalada Minneapolis R.T. Raybak oo Markale La Doortay
   


November 9, 2005

Duqa la doortay ee magaalada Minneapolis
                     Mudane R. T. Raybak

Minneapolis , MN (HOL). Duqa magaalada ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minneapolis , Mudane R. T. Raybak, ayaa si weyn ugu guulaystay doorashadii Talaadadii ka dhacday magaalada. Loollanka waxaa kula jiray Mudane Peter McLaughlin oo ka tirsan Golaha Sare ee deegaanka Hennepin.

Doorashadan oo kamid ahayd tartamo dhowr ah oo aad natiijadooda looga dhur sugayey Mareykanka oo dhan ayaa ku dhamaatay 62% oo u codeeyey Md. Raybak.

Isagoo jamaahiirtii u codaysay kula hadlaya goob uu ku dabaal dagayey ayuu Mr. Raybak yiri “Waad mahadsan tihiin dhamaantiin”. Mar qura ayaa sawaxan iyo qaylo dhaan is qabsatay. “Sida aad jagadan muhiim-ka ah iigu aaminteen ayaan idinkugu adeegi doonaa” ayuuna raaciyey, isagoo waliba isku soo dul tuuray taageerayaashiisa oo gacmahoodu ku sii xambaaray.

Taageerayaashiisa farxaddu ka muuqatay waxaa kamid ahaa Soomaali fara badan oo isugu soo xoomay goobta dabaal degga. Mararka qaarkood, doorashooyinka dowlad Goboleedyada waxaa dhici karta in dhowr cod ay farqiga oo dhan sameeyaan. Sidaas darteed ayay labadan musharrax xoogga u saarayeen codka sii xoogaysanaya ee Soomaalida Minn eapolis. Toddobaadkii hore ayuu Mr. Raybak hiillo ka helay ur urka Ganacsatada Soomaaliyeed ee America oo saldhigiisu Minn eapolis yahay, ayna soo hoos galaan ganacsato fara badan oo cudud dhaqaale ku leh Minneapolis.

Ninka doorashada loogu itaal sheegtay, Mudane McLaughlin ayaa Isniintii booqasho aakhiru-saaca ah ku tagay Masjidka Imaamu Shaafici ee Minneapolis oo ku yaalla xaafadda Cedar ee Soomaalidu ku badan tahay. Booqashadan oo uu mudanuhu kula kulmay Imaamka Masjidka, ahna Sheekha sida weyn looga qaddariyo Minn eapolis , Sheikh Cabdiraxman Sheikh Cumar ayaa lagu fasiray taageero doon-kii ugu dambeeyey. Maalinimadii Ciidda ayuu dhankiisa, Mr. Raybak isaga gooshay dhowr goobood oo ay Soomaalidu ku salaadaysay, isagoo taageero-doon ah.

Soomaalida u codaysay Md.Raybak ayaa ku doortay “Sida uu Soomaalida isu garab taagay markii ay u baahnaayeen” sidaas waxaa yiri Cabdiraxman Kahin, milkiilaha Eagle Media oo kamid ahaa xubnihii Soomaalida ee ololaha Raybak horkacayey “Iyo waliba sida uu had iyo goor horumarka ganacsatada Soomaaliyeed ugu heellan yahay” ayuu raaciyey. Agaasimaha Ururka Ganacsatada Somaliyed ee America , Mudane C/qadir (Dalmar) iyo ganacsato kale oo fara badan ayaa kamid ahaa dadkii goobtaas ka muuqday.

Dhanka Dowladda Hoose (City Council), Elizabeth Glidden iyo Ralph Remington oo labaduba taageero ka helay ururka Ganacsatada ayaa markii ugu horeysay galaya Dowladda Hoose, halka Dean Zimmerman oo isna ay taageereen ururku 46 cod loogu awood sheegtay kursiga xaafadda Lixaad ee Minneapolis.

Taageerada ay Soomaalida u codaysay Raybak u fidiyeen ayaa u badan gallad ay uga hayaan markii uu diiday in ciidamada booliiska Minneapolis ay dadka soo gallootiga ah, oo Somali u badan, ay su'aalaan sharciga dagganaanshohooda, September 11 kadib. Iyo markii uu is garab taagay mashruuc lagu ballaarinayo suuqa ugu weyn ee Soomaalida Minneapolis ee Karamel.

Dhanka kale, magaalada caasimadda u ah gobolkan Minnesota ee Saint Paul oo ay iyana ku loollamayeen duqa imminka jagada haya, Mudane Randy Kelley iyo Chris Coleman oo hore Dowladda Hoose uga shaqayn jiray ayeey guushii oo waliba baaxad leh raacday Mudane Coleman oo helay 69% codadkii la dhiibtay. Labadan nin oo sidoo kale xisbiga Dimoqraadiga kuwada ab-tirsada ayaa jabka foosha xun ee Mudane Kelley ku habsaday loo aanaynayaa taageero uu u fidiyey Madaxweyne Bush November-tii hore, markii doorashada madaxtinimada Mareykanku socotay. Mudane Kelley ayaa waagaas si lama filaan ah ugu gacan sayray John Kerry oo xisbigiisa u sharraxnaa. Ciil iyo niyad jab ay u qabaan awgiis ayeey ku dhawaad 40% dadka Saint Paul ku dhabar jabiyeen Mr. Kelley.

Sheegid waxaa mudan in Magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo St.Paul-ba ay xuddun u yihiin xisbiga Dimoqraadiga ah, ciddii isku taagtana ay aalaa-ba ka shallayso.

C/raxman Ceynte
Hiiraan Online
Minneapolis , MN
[email protected]

 






 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2004 Hiiraan Online