Buug cusub oo la magac baxay "ISDHIIB"
 

Qoraa Saida Sheikh Ahmed (VIP) oo soo badnhigaty buugeedi ugu horeeyey ee la magac baxay ISDHIIB

Saida Sheikh Ahmed (VIP) ayaa maanta si rasmi ah usoo bandhigtay buugeedii ugu horeeyey oo ay qortay buugaan oo la magac baxay ISDHIIB
buugaan ISDHIIB ayaa isagu noqday buugii ugu horeeyey ee ka hadla arimaha socdaalka Soomaalida iyo marxaladaha uu qofka soo kala maro markuu dalkiisa kasoo tagaayo,
1-sababta ku kalifta inuu dalkiisa ka tago qofka ,
2-wadada ay soo marayaan socotadu( tahriibeyaasha) iyo dhibaatada ay kala kulmaan
3-iyo waliba markii ay Galbeedka soo gaaraan nolosha taal ee dhabta.

Buugaan ISDHIIB ayaa ah kii ugu horeeyey ee ka hadla marxaldahaan kala duwan ee quseeya arimaha tahriibka, socdaalka, dhoofka iyo ISDHIIBKABA
Qoraa Saida VIP oo la hadashay saxaafada ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay soo bandhiga buugaan oo ay ku sheegaty buug xanbaarsan macluumaad ahna documentry laga kaydiyay dadkii Soomaaliyeed ee kusoo baaba,ay badaha iyo saxaraha waxayna sheegtay qoraaga in buugaagti kale dhan ay u bateen siyaasada Soomaliya oo la iloobay qaybo badan oo bulshada u baahnayd si loogu kaydiyo taariikhda oo uu jiilba jiil u aqristo si aysan mar kale usoo noqon una dhicin, balse ayay tiri hadii aan la kaydin waxaa dhacaysa in la iska iloobo.
”Buugaan ISDHIIB waa buug aan ugu talo galay inaan ku sharxo qofka dalkiisa kasoo carara oo uu ku dhaco Buufiska rafaadka uu imaatinka Galbeedka usoo maro iyo waxa kasoo horeeya oo xaqiiq ah si uu qofka hadii uu u bareeraayo xataa uu ugu yaraan halka uu u soo socdo iyo wadada hortaal uu fikrad uga haysto” ayay tiri Qoraa Saida VIP iyadoo hadalka si wadatana waxay tiri waxaa la i waydiiyay su’aalo badan oo ahaa ma wuxuu buugaaga oranayaa yaysan dadka Soomaaliyeed kasoo tagin dalkooda kaasoo ah midka ay dagaaladu la saaxiibka noqdeen ? laakiin aniga ujeedadayda maaha taas oo aniga ma oran karo taas laakiin macnaha buugaygaan ISDHIIB waa inuu noqdo mid qofka ogaysiiya xaqiiqda socdaalka, tahriibka iyo dhabta taala Europe qofkii markaa uu aqristo isagoo wax fikrad ah ka haysta markaa ha gaaro go’aankiisa oo yaysan ugu soo sirmin sidii dad badan ku dhacday ayay tiri VIP oo maanta bandhiga buuga kula hadlaysay dadyoow faro badan oo ku sugnaa xarunta Coordination et Initiatives pour et avec les Réfugiés et Étrangers (CIRE) Brussels
ugu danbayntii Saida VIP ayaa u mahadcelisay dhamaaan intii ku dhiiri galisay qorista buugan waxayna si gaar ah u xustay


Mahadcelin

mahad Ilaahay baa leh marka ugu horeeysa marka xiga waxaan u mahadcelinayaa

Hooyadeey Xaajiiyo Xersiyo Afrax Weheliye,

walaalahay ilmo Sheekh Axmed Xaaji dhamaantood sidoo kale

Hibo Yaasin Jirde,

Maryan Yaasiin Jirde,

Ayaan M. M. Neero

Sarah L. De Jong

Yaasiin Maaxi ,

Xusseen Calasoow

Cabdi Fitaax Buuxe

Amin amir Arts

Cabdul (Same)

Cabdi Casiis Cali Ibraahin (Xildhibaan)

Maxamed Barre Fiyoore

 “ waxaan jeclahay inaan fursadaan ugu mahadceliyo dhamaan intii raad ku leh noloshayda oo mar walba hiil iyo hoo ila garab taagnaan jirey, xataa hadii ay qaarkood buugaan ka qayb qaadan waxaa ay isoo gaarsiiyeen heerkaan aan maanta buug ku qoro iyo inaan sameeyo xirfad, waxaana u hayaa abaal wayn oo ma guuraan ah

waxaana ka mid ah dadkaas

Madaxa MIC COM
Daa'uud Maxamed Maxamuud (Shuute)

Fanaanad
Shukri Muuse Weheliye (Deggan)

Suxufi/qoraa
Saciid Bakar Muqtar

Tifatiraha Ayaamaha Daily
Cabdulaahi maxamed xassan (black)

Gudoomiyaha IIDA Muqdisho
Xaawo Maaxi

X. Guud ee Somali Youth Association in Belgium
Xussseen Maxamed Aadan Cabdoow

Cabdulaahi Abkoow

Qeybshe

Cawil Xaashi Colaad

Xuurshe

Jaylaani Cusmaan

Savina Zakoula

Cleir Stassart

Foos Cali Xaashi


Hibayn iyo Xus

Buugaan ISDHIIB waxaan u hibaysay

Allaha u naxariistee aabaaheey Sheekh Axmed Xaaji oo ahaa halyay diinta Islaamka u istaagay kana mid ah mashaaiqda (Culumaa’udiinka) diinta Islaamka ah aad uga dhex muuqan jirey
iyo Halgamaa Istarliin Cabdi Caruush oo ahayd Halyeeyad nafteeda u hurtay badbaadinta Soomaliya iyo umada Soomaaliyeed waxana buugaan Xus iyo xusuus uga dhigtay Allaha u naxariistee dadkii ku geeriyooday badaha iyo saxaraha

Hadaba ha moogaan buugaan cusub ee ISDHIIB wixii fahfaahin dheeri ah kala soo xariir
Somali Youth Association in Belgium (SYAB)
Blvd. Midi 106 Brussels 1000 Belgium
www.suxufi.com
Tell 0032 495754797

ama qoraaga Saida Sheikh Ahmed (VIP
email [email protected]

ama kala xiriir

Somali Weyn Information Center
http://www.somaliweyn.org/
http://www.somaliweyn.com/
email: [email protected]

Amin Amir Arts
http://www.aminarts.com/

ama BANDAR DHAQAN
Boken beställs fran:
[email protected]
Tel: (0046) 150-54254, (0)70-2907652
Katrineholm, Swedan





 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2005 Hiiraan Online