Xaflad si wanaagsan loo soo abaabulay loogana soo qeyb galay ayaa tariikhdu markey aheyd Dec 06 2004 ka dhacday 200 West Block, Parliament Hill Otawa Ontario . Xafladdan waxaa soo qaban qaabiyey urur dhawaan la sameeyey laguna magacaabo “Canadian Friends of Somalia” oo uu hoggaamiyo Faarax Aw Cusmaan. Waxa xafladda lagu casuumay mudaneyaal ka tirsan golaha shacabka ee Canada oo ka kala socday axsaabta kala duwan ee dalkani leeyahay, waxa iyaguna ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan safaaradaha ay ku leeyihiin wadamo dunida ka tirsan dalkan Canada sida : Sweden, Ethiopia, Italy, iyo China. Waxa iyana goobjoog ahaa jaliyadda somaaliyeed ee degan magaalooyinka Ottawa, iyo Toronto Ontario.
Haddaba iyada oo aan qoraal lagu soo koobi Karin gebi ahaan waxii halkaa laga yiri ayaan ka soo qaadaneynaa qaybo ka mid ah waxyaabihii ay mudaneyaashii iyo marwooyinkii halkaa ka hadlay ay yiraahdeen.
Daadihinta Shirka
Waxaa si habsami ku dheehan tahay barnaamijka u daadihinayay haweenay magaceeda la yiraa Shoon Omar, oo ugu horeyntii codbahiyaha ku soo dhaweysay gabar aad u da’yareed oo layiraahdo Safia Hashi oo halkaa ka tirisay gabay af ingriisi ahaa oo ay aad ula dhaceen dadkii halkaa isugu yimi, gabaygaa oo nuxurkiisu ahaa jahawareer ay dhallaanku la jahawareersan yihiin waxa dalkoodii hooyo qabsaday iyo sida ay ugu rajo weyn tahay mustaqbalka ummadda soomaliyeed haddey noqoto dalkii hooyo iyo Canadaba.
Qudbadihii la jeediyey
Intaa kadib waxa halkaa isna halkaa hadal ka jeediyay Adem Esse, oo ah madaxa uruka islaamka, ahna madaxa ururka gargarka Somaliyeed, oo isna dulmaray marxaladda guud ee ay Somalidu maanta ku jirto.
Waxa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay safiirka talyaaniga oo talo kooban ka jeediyay halkaa, ugana hambalyeeyay Somaalidii halkaa isugu timid dawladda iminka lagu dhisay Nairobi Kenya. Sheegayna in dawladdiisu ay taageero la garab taagan tahay ummadda Somaliyeed. Waxa isna sidaa hadal kooban halkaa ka jeediyay hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee NDP mudane Jack Layton oo ku guubaabiyay in safia Hashi ay maalin uun ka mid noqondoonto golaha shacabka ee Canada, intaa ka dib waxa uu dadkii halkaa isugu yimidku boorriyay in ay ka shaqeeyaan sidii ay Canada u caawin laheyd Somalia.
 |
 |
Waxa hadalkii la wareegay safiirka dalka Sweden Lennart Alvin, oo ka hadlay doorkii uu dalkiisu ka ciyaaray malgelinta iyo taageeradii ay ka geeysteen shirka dib u heshiisiinta Soomalida ee ka socday Kenya muddada labada sano kor u dhaaftay, ugu bishaareeyayna Soomalidii halkaa joogtay in ay rajo iminka u dhalatay, ay tahayna in lala garab galo. Waxa iyana halkaa safiirka dabadii hadal ka jeedisay Fowsiya Abdikariin oo iyadu ka socotey ururka xuququl insaanka ee Ogaden, oo halkaa si wanaagsan u sharaxdey halka sartu ka quruntay oo ay tiri dhibaatada ku habsatey qaarada Africa guud ahaan waxa ay salka ku heysaa minguurintii la min guuriyay hab dowladeedkii gumeysteyaasha, kuna lartey in habqeybsigii ey Soomalidu qaadatey shirka Kenya uu ku saleysnaa qabiil, balse ay habonaan laheyd in lab iyo dheddigba loo wada shaqeeyo.
 |
 |
Dr Mohamed Kassim oo bare ka ah Kuliyada Seneca ayaa eedeeyay siyaasada ah SUG OO BAL EEG oo ay dowladaha reer galbeedku ka qaateen dawladda iminka dhalatay, taasoo uu sheegay in dawladaha Mareykanka iyo Canada aanay sugin inta ay dawladihii yuruub iska xoreynayeen dawladdii Jarmalka dagaalkii labaad ee dunida , balse ay la barbar istaageen tageero hiil iyo hooba wadamadii reer yurub, taasoo uu sheegay in taa mid la mid ah ay maanta Soomaliya u baahantahay.
Intaa kadib waxa billowday in ay iyaguna halkaa hadalo kookooban ka jeediyaan mudaneyaal ka socday golaha shacabka Canada Sida Marlene Catterall, Roy Cullen, Alan Tonks, oo dhamaan hadalldooda ku soo koobay in ay tahay in Soomalida la caawiyo. Balse waxa arrinta meesha la isgu yimi ee aheyd doorka Canada ka ciyaari karto cawinaad ay u fidiso Soomalida, amaba aqoon dheeraad ah oo ay Soomalida u leeyihiin mujiyay saddexda xildhibaan ee la kala yiraa Rahim Jaffer oo sheegay in uu walidkii ka yimaadeen Uganda, fahmi karana marxaladda Soomalidu ku sugan tahay, xusayna in maanta ay tahay maalin dadka Soomaliyeed la caawiyo, mar uu ka hadlayay shirka Soamalida uga socdey Nairobi iyo natiijooyinkii ka soo baxay waxa uu xusay in maaddaama ayan Somaliland shirka ka qeyb gelin ay tahay in aan lagu ciqaabin mowqifkeeda.
 |
 |
Intaa ka dib waxa hadalkii la wareegay xildhibaan Borys Wrezesnewskyj oo isagu ah nin dhalashadiisu tahay dalkaasi Ukraine, ahaana mudanaha keliya ee carrabka ku dhuftay magacyada hogaamiyeyaasha lagu doortay dalkaasi Kenya, oo ugu horeynba u hambalyeeyay mudane C/lahi Yusuf Ahmed doorashadii loo daortay m/weynaha DFK ee Soomaliya, iyo u magacaabiddii uu u magacaabay Prof Ali Mohamed Gedi jagada raisul wasaraha kana Hadley sida ay muwaadiniinta ka soo jeeda waddankaasi ugu mashquulsan yihiin xalinta qalalaasaha ka aloosmay doroshoyinkii dalkaas dhawaan ka qabsoomay, sheegayna in Soomalidu tahay qooxootiga u badan ee African ah ee Canada ku nool ay waajibna tahay in dadka halkaa isugu yimidiyo dowladda Canada ay wax la qabtaan Soomaliya.
 |
 |
Xildhibaan Wajid Khan oo isagu u danbeeyay xildhibaannadii halkaa ka hadlay ayaa isagu u muujiyay ka soo qeybgaleyaasha xafladda dareen isugu jira walaaltinnimo iyo muslinnimo, isagoo halkaa ka sheegay in raisul wasaaraha Canada Mr Paul Martin uu ku cadaadin doono in uu taageero dowladda iminka la dhisay. Waxa kale oo uu halkaa ka caddeeyay in ay tahay in labada gole shacab ee Canada iyo Soomaliya la mataaneeyo,
Prof. Mohamoud Togane oo isagu ku caan baxay ku talax tegidda sifeynta qabaa’ilka Soomaaliyeed ayaa waxa uu iisna halkaa ka jeediyay hadal hadaladii looga bartay aad uga duwan, Togane ayaa hadalkiisu u badnaa qoraallo iyo gabayo af ingriisi ah iyo xigasho uu soo xiganayay indheergarad kala duwan oo marka laga reebo mudane Aaadan C/dulle Osman ahaa ajaanibi. Togane ayaa mowjadda codkiisu ay golaha buuxisay, balse dadkii dhageysanayay oo u badnaa Soomaali ayaa aad ugu riyaaqay wax yaalihii uu halkaa ku soo bandhigay.
Halkaan ka wada dhageyso khudbaddii Prof. Togane
Prof. Togane ayaa sidoo kale ka hadlay Canada in ay tahay hoygii hoy laaweyaasha. Waxa uu ka soo qeyb galeyaasha xusuusiyay in ruuxa qoxootiga maanta Canada ku ihi in uu beri noqon karo m/weynaha waddanka uu ka soo jeedo, isaga oo taa tusaale uga dhigay in m/weyneyaasha dalalka Greece iyo Latvia ay mar qaxooti halkan ku ahaayeen. Una saadaaliyay Dr. Kassim in uu noqon doono m/weynaha Soomaliya mar uun.
Gebo Gebo
Gebagebadii shirka ayaa waxa isna halkaa hadalo dhiiri gelin ah ka jeediyay mid ka mid ah aasaasayaashii ururkii dhalinyarada Soomaliyeed ee loo yiqiin SYL mudane Dahir Osman Dhagaweyne. Mudane Dahir ayaa aad ugu cel celiyay in ay munaasab tahay in la qaato miitaalkii SYL oo laga waan toobo qabyaaldda waa haddii la doonayo buu yiri in dib loo soo celiya qarannimadii iyo sharaftii, mudane Dhagaweyne ayaa mar uu ka hadlayay gulihii ay soo hoyeen dhalinyaradii u dirireysay gobannimada ayaa uu xusay in ay ugu weyneyd tirtirkii qabyaaldda, kuna boorriyay dadkii xafladda ka soo qeybgalay in ay ka feejignaadaan ku shaqeynta qabyaalaadda. Mudane Dahir Dhagaweyne ayaa hadalkiisii ku soo gebagebeeyay heestii “SOMALIYEEY TOO SOO, TOO SOO ISKU TIIRSADA EE, HADBA KIINA TAAG DARANEE TAAGEERA WELIGIINEE.”
Faallo
Waxaa xusid mudan in xildhibaannada golaha barlamaanka Canada ee xafladdan ka soo qeyb galay ey aad u gaabneyd muddadii ay xafladda ku sugnaayeen, tasoo keentay in xildhabaannadu aanay is wada dhageysan oo anay fursadna u helin in ay dhageystaan qudbooyinkii muhiimka ahaa ay halkaa ka soo jeediyeen ka soo qeybgalayaashii xafladda.
Waxaa iyana xusid mudan in xafladdan qaban qaabinteedu ay khilaaf Soomaalida Ottawa dhexdeeda ah abuurtey. Waxaa bishii November bartamaheeda isugu yeeray Soomaalida Ottawa urur kale oo loo yaqaan CanSom (Canadian Somali Partnership). Kulankaas waxaa ka soo qaybgaley waxgarad badan oo magaalada deggen waxaana lagu ballamay in si wadajir ah loo abaabulo xafaladdan kor ku xusan. Markii sidaas lagu kala tagey ayaa maalmo ka dib, urur cusub oo la magac baxay "Canadian Friends of Somaalia" isku soo koobey qaban qaabadii xafladda. Taas oo ka careysiisey qaybo ka mid ah dadkii isu soo diyaarinayey in ay howsha qaybtooda ka qaataan. Ugu danbeyntii waxay arrintan keentey in xafladdu ku koobnaato Soomaalida taageerta ururka Canadian Friends of Somalia.
Haddaba isku soo wada duuboo xafladdan sida wanaagsan loo soo abaabulay ayaanay ka soo bixin wax natiijo ah oo ku wajahan tageerada dowladda cusub ee Soomaliya. Ma jirin afhayeen dowladda Canada ka socda oo si cad u sheegey in dowladda Canada taagersantahay dowladda cusub ee Soomaaliya iyo in kale. Waxaaba yaab ahayd Rahim Jaffar oo ka socdey xisbiga "Conservative"ka ee mucaaradka ah in uu afka ku dhuftey SoomaaliLand oo uu sheegey in aysan ka qaybgalin shirka sidaas darteedna aanan lagu ciqaabin mowqifkooda. Taas oo u muuqatey in Jaffar iyo xisbigiisu u dhaga nugul yihiin gooni isu taagga Somaliland. Haddaba iyadoo ay jiraan hay’ado kale oo Soomaliyeed oo ku howlan wada shaqeyn dhexmarta Soomaliya iyo Canada sida hay’ada CanSom( Canadian Somali Partnership) ayaa xafladdani gogol xaar u tahay dadaalka loogu jiro isu soo dhaweeynta dawladda cusub ee ka dhalatay Soomaliya iyo dowladda Canada.
Guubaabo
Dadweynaha Somaliyeed ee ku nool Canada waxaa waajib ku ah in ay culeys ku saaraan dawladda Canada sidii ay ugu fidin lahaayeen kaalmo dhaqaale iyo mid diblumaasiyadeed dowladda federalka ee Soomaliya. Si ay taas u suurtagashana waa in ay marka hore iyaga dhexdooda muwaafaqo yeeshaan oo ay iska dhaafaan is garab yaaca iyo isu quuriwaaga diloodey dadnimadooda muddada haatan ka badan 15-ka sano. Waa in ay iska ilaaliyaan wax alle iyo wixii dadka kala dilaya oo ay ku dadaalaan wixii isku soo dumaya.
Waxaa warbixintaan isku dabariday Abdulkadir Guled oo ah wariyaha Hiiraan Online uga soo warma magaalada Ottawa. Waxaan mahad gaari u soo jeedineynaa Filmqaade Caydruss Uurdoox (Urdoh Video Production) oo sawirada xafladda ugu deeqay Hiiraan Online.
Wixii fikrad ah waxaad ku soo hagaajin kartaa E-mailka: [email protected]


|