Hiiraan Online
        <ttl>5</ttl>
Hiiraan Online
test                                                                                                                                                                                                    
            <description>test</description>
Maxkamadaha Islaamka oo joojiyay Masaafadii Dhalinyarada u aadi jireen Daafeed                                                                                                                          
            <description>Arbaco, November 01, 2006(HOL): Maxkamadda Islaamka Wanla weyn oo hoos tagta Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed ayaa mamnuucday masaafadii ay dhalinyarada is-meher xadeysa u aadi jireen Deegaanka Daafeed ee Gobolka Shabeelaha Hoose.</description>
Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan Gobollada Jubbooyinka oo ka hadlay dilkii maxaabiis dhaawac ah loogu geystay Degmada Bu’aale                                                              
            <description>Arbaco, November 01, 2006(HOL): Guddoomiyaha Maxakamdaha Islaamka u qaabilsan Gobollada Jubbooyinka Axmed Shiikh Maxamed Islaan ayaa ka hadlay falkii dilka ahaa ee Isbitaal ku yaala Degmada Bu’aale loogu geystay seddex nin oo dhaawac ahaan loogu soo qabtay dagaalkii Deegaanka Dujuuma ku dhexmaray Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwa Col. Barre Hiiraale, wuxuuna sheegay Guddoomiyuhu in ay falkaas aad uga xumaadeen.</description>
Maamul goboleedka Puntland oo sheegay in uu tallaabo ka qaadayo Maxkamad Islaami ah oo looga dhawaaqay Magaalada Gaalkacyo                                                                              
            <description>Arbaco, November 01, 2006(HOL): Maamul goboleedka Puntland ayaa ku goodiyay in uu tallaabo ka qaadi doono dadkii ka dambeeyay abaabulka Maxkamadaha Islaami ah oo shalay looga dhawaaqay Magaalada Gaalkacyo, taasi oo ay sameysteen Beel ka mid ah Beelihii wax ka dhistay Maamul-goboleedka Puntland.</description>
Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay Muqdisho ku laabanayaan haddii la qaadan waayo shuruudaha ay furitaanka shirka ku xireen                                                                          
            <description>Arbaco, November 01, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Khartoum ee dalka Suudaan ayaa sheegaya in uusan rajo wanaagsaneyn shirkii ay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka u tageen dalka Suudaan, waxaana taasi ugu wacan iyadoo ay labada dhinac isku xirayaan shuruudo ad-adag oo uusan shirka ku furmi kairn.</description>
Kooxda Xaawo Taako oo ku guuleysatayTartanka Kubadda Cagta Ramadaanka ee Gobolka Hiiraan                                                                                                                
            <description>Talaado, October 31, 2006(HOL):  Gudoomiyaha Guddiga Olombikada Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Deeqow (Baadiyow) ayaa ku soo Gebagabeeyay  Garoonka Kubada Cagta Lama-Galaay Koobkii Ramadaanka oo ay ku Tartamayeen  12 kooxood oo ah heerka Koowaad ah.</description>
Dowladda Mareykanka oo ka digtay in dalka Soomaaliya uu noqdo goob ay ku dagaalamaan Dalal cadaawad isu qaba                                                                                            
            <description>Talaado, October 31, 2006(HOL):  Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay in dalka Soomaaliya uu noqdo goob ay ku dagaalamaan wadamada la deriska ah ee Itoobiya iyo Eretereya, wuxuuna afhayeen u hadlay uu ugu baaqay Maxkamadaha Islaamka in ay wada hadallo la galaan Dowladda tababarta daran ee Soomaaliyeed, waa sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Sean McCormack oo dowladaha Itoobiya iyo Eretereya uga digay in aysan cadaawadda u dhaxeysa u safrinin dalka Soomaaliya.</description>
Shirka Khartoum oo qarka u saaran in uu u burburo Dowladaha Kenya iyo Itoobiya dartood                                                                                                                  
            <description>Talaado, October 31, 2006(HOL):  Wejiga seddexaad ee wada hadallada u dhaxeeya Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka ayaa lagu waday in ay shalay ka furmaan magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, hayeeshee taasi ma aysan dhicin waxaana furitaanka shirka hareeyay shuruudo ay labada dhinac ku xirayaan in ay wada fariistaan.</description>
Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee Jubbooyinka oo Isbitaal ku dhex dilay Maxaabiis ay dhaawac ahaan uga qabsadeen Col. Barre Hiiraale                                                                    
            <description>Talaado, October 31, 2006(HOL): Sida ay ku soo warameyso Wariyaheena Magaalada Kismaayo Sahra Cabdi Axmed waxaa ka dhacay Isbitaalka Degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe fal naxdin leh oo ahaa in ay ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee gobollada Jubbooyinka ay dileen rag iyaga oo dhaawac ah maxaabiis loogu soo qabtay dagaalkii Dujuuma ku dhexmaray ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwo ka amar qaadanayay Col. Barre Hiiraale.</description>
Maxaa ka jira in Ciidamadii Itoobiyaanka ee ku sugnaa xadka uu Gobolka Hiiraan la wadaago Itoobiya ay dib ugu laabteen                                                                                  
            <description>Isniin, October 30, 2006(HOL): Inkastoo wali uu jiro dhaq-dhaqaaqii ciidan ee ka taaganaa qeybo ka mid ah Xadka Gobalku la wadaago Dowlada Itoobiya ayaa haddana warar hoose oo soo baxaya waxaa ay sheegayaan in ay dib uga leebteen Ciidamada Itoobiya Deegaanadii markii hore ay soo buuxiyeen.</description>
Roobab ka da’ay gobollada Banaadir iyo Shabeelooyinka oo khasaare geystay                                                                                                                               
            <description>Isniin, October 30, 2006(HOL): Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay roobab maalmihii tegay ka da’ayay gobollada Banaadir iyo Shabeelooyinka, haba ugu sii darnaadaanee Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir.</description>
Maxkamadaha Islaamka oo ugu baaqay Ururrada Bulshada Rayidka in ay is-diiwaangeliyaan                                                                                                                   
            <description>Isniin, October 30, 2006(HOL): Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed ee xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho ayaa waxay ugu baaqeen ururrada Bulshada Rayidka in ay is-diiwaangeliyaan, si loola socdo howlaha ay qabanayaan.</description>
Wariyayaal maalintii 7aad Baydhabo ugu xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya                                                                                                                             
            <description>Isniin, October 30, 2006(HOL): Wariye Mukhtaar Maxamed Catoosh iyo Maxamed Caddaawe Aadan oo u kala shaqeynayay Idaacadaha Horn Afrik iyo Shabeelle oo Muqdisho ku yaala ayaa waxay maalintii 7aad u xiran yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo ku heysa xabsi  Baydhabo ku yaala, kaasi oo aan lahayn xaqa ay Maxaabiista u leeyihiin in ay helaan.</description>
Shirka Khartoum oo furmaya iyadoo dhinacyada ka qeybgalaya ay shuruudo isku xirayaan                                                                                                                    
            <description>Isniin, October 30, 2006(HOL): Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 30-ka Oktoobar 2006 waxaa magaalada Khartoum ee dalka Suudaan ku ballansan wufuud ka kala socota maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo isla magaaladan ku yeeshay wada hadallo aan la fulin qodobadii ka soo baxay.</description>
Ganacsatada Muqdisho oo kulamo ka leh sidii ay hubkooda ugu wareejin lahaayeen Maxkamadaha Islaamka                                                                                                     
            <description>Axad, October 29, 2006(HOL): Mas’uuliyiinta Golaha maxkamadaha Islaamiga ayaa doonaya in ay soo wareejiyaan hubka ay gacanta ku hayaan ganacsatada kala duwan ee magaalada Muqdisho, taasoo qeyb ka ah barnaamij ay Maxkamaduhu ku xareynayaan dhamaan hubka yaala deegaanada ay ka taliyaan.</description>
Ciidamo ka tirsanaa Isbaheysigii Dooxada Jubba oo Maxkamadaha Islaamka isu dhiibay                                                                                                                      
            <description>Axad, October 29, 2006(HOL): Cabaas Ibraahim Gurey Taliyihii hore Ammaanka ee maamulkii Dooxada Jubba iyo Ciidamdiisii Beerxaani oo muddo ku sugnaa deegaanka galbeedka magaalada Kismaayo  ayaa iskood isugu dhiibay Ciidamada Midowga Maxkamadaha ee gobolda Jubbooyinka.</description>
Khartoum ma Jihaad-joojin ayaa loo tegayaa mise in jagooyin Siyaasadeed lagu soo qeybsado?                                                                                                              
            <description>Axad, October 29, 2006(HOL): Labada dhinac ee ay beesha Caalamku ka dhex baadi-goobayaan xalka arrimaha Soomaaliya ayaa berito u ballansan wada hadallo u socday wareegoodii seddexaad, iyadoo ay wax badan iska bedeleen sida ay xaaladdu ahayd marka la bar-bar dhigo labadii kulan ee ka horeysay ee Khartoum I iyo Khartoum II.</description>
Madax Afrikaan ah oo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geedi ka codsaday in ay isaga baxaan Magaalada Baydhabo                                                                            
            <description>Axad, October 29, 2006(HOL): Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madax Afrikaan ah oo uu ku jiro Madaxweynaha Dalka Kenya Mr. Mwai Kibak ay dhawaantan la soo xiriiray Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, iyagoo la la sheegay in ay ka codsadeen in ay isaga baxaan magaalada Baydhabo sababo dhinaca amniga ah.</description>
PROF. IBRAAHIM XASAN: “Dowlad ay Itoobiya si macmal ah nafta ugu celineyso ayaa jirta ee ma jirto Dowlad Federaal ah iyo deegaan ay ka taliso toona”                                                    
            <description>Axad, October 29, 2006(HOL): Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maxkamadaha Islaamka Prof. Ibraahim Xasan Caddow, ahna madaxa ergada Maxkamadaha Islaamiga ee shirka Khartoum ayaa si cad u sheegay in aaney jirin wax la yiraahdo Dowlad Federaal ah iyo meel ay ka taliso toona.</description>
RA’IISAL WASAARE GEEDI: “Ma jirto cid ay weerari karaan, afka ayayna ku dagaalamaan, hayeeshee haddii ay nabad doonayaan waxaan leenahay ha tageen shirka Khartoum”                                     
            <description>Sabti, October 28, 2006(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa ku eedeeyay Maxkamadaha Islaamiga in ay wadaan wax uu ugu yeeray is-ballaarin iyo caburin, isagoo ugu baaqay in haddii ay yihiin kuwo nabad doonaya ay tagaan Shirka Khartoum.</description>
Roobab khasaaro geystay oo ka da’ay Tuulooyin ka tirsan Shabeelaha Hoose                                                                                                                                
            <description>Sabti, October 28, 2006(HOL): Dhowaan roobabkii ka da'ay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ayaa khasaaro u geeystay dalaggii beeraha, iyadoo sidoo kale roobabkaasi ay dad guryahooda uga qaxeen.</description>
Maxkamadaha Islaamka dagaal kula jira raashinka aan tayadiisa wanaagsaneyn ee dalka la soo geliyo                                                                                                       
            <description>Sabti, October 28, 2006(HOL): Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa waxay dagaal kula jiraan raashinka aan tayadiisa wanaagsaneyn ee ay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed badeeco ahaanta u keenaan.</description>
Ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo baaris ku haya dadkii ka dambeeyay haweeney xalay Kismaayo lagu dilay                                                                                                 
            <description>Sabti, October 28, 2006(HOL):  Sida ay ku soo warameyso wariyaheena magaalada Kismaayo Sahra Cabdi Axmed waxaa xalay lagu dilay Xaafadda Calanleey ee magaaladaas haweeney lagu magacaabi jiray Xaawo Muuse Ammaan,taasi oo ay dileen afar maleeshiyo ah oo wejiga soo qarsaday.</description>
Shiikh Shariif oo Maamullada Puntland iyo Somaliland ugu baaqay in ay ka qeybqaataan Jihaadka lala gelayo Ciidamada Itoobiya                                                                            
            <description>Sabti, October 28, 2006(HOL): Guddoomiyaha Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shalay Fagaaraha Tareebuunka kula hadlayay dadweyne isugu soo baxay oo isu diiwaangelinayay Jihaad ay la galaan Ciidamada Itoobiya ayaa ugu baaqay Maamullada Puntland iyo Somaliland in ay Jihaadka dhinacooda ka galaan.</description>
Banaanbax Jihaad-doon ah oo Maanta Muqdisho ka dhacay                                                                                                                                                   
            <description>Jimco, October 27, 2006(HOL): Banaanbaxan oo uu soo qaban qaabiyay Golaha Maxkamadaha Islaamka, isla markaana ka dhacay fagaaraha Tareebuunka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay dadweyne aad u faro badan oo isugu jiray Rag iyo Dumar dhalinyaro u badan, kuwaasi oo maalmihii tegayay loo sheegayay in ay Jimcaha (Maanta) tareebuunka isugu yimaadaan.</description>
Maxaa ka jira in ay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka af-duubteen Xildhibaano u socday magaalada Baydhabo?                                                                                                 
            <description>Khamiis, October 26, 2006(HOL): Warkan ku saabsan in la af-duubtay Xildhibaan Maxamed Xasan Fiqi, Shiikh Jaamac Xaaji Xuseen iyo Macallin Jiis waxaa sii daayay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle oo sheegay in ay Maxkamadaha Islaamka af-duubteen Xildhibaano u socday Magaalada Baydhabo.</description>
Qoysas ku guryo beelay Roob saacado ka da’ayay magaalada Kismaayo                                                                                                                                       
            <description>Khamiis, October 26, 2006(HOL): Ku dhawaad tobaneeyo qoys oo degenaa guryo gaboobay oo ku yaala xaafadda Calanlay ee magaalada Kismaayo ayaa ku hanti beelay daadad ku soo rogmaday muddo saacado ah oo uu roob ku da’ayay.</description>
Kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya oo muddo 4 bilood ah lagu kordhiyay                                                                                                                                  
            <description>Khamiis, October 26, 2006(HOL): Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa maanta ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay muddo toban Maalmood ah ku gaaraan Magaalada Baydhabo, iyadoo qoraal uu soo saarayna lagu xusay in la kordhiyay Kalfadhigii Baarlamaanka.</description>
Ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo la wareegay gacan ku heynta Degmada Saakow                                                                                                                            
            <description>Khamiis, October 26, 2006(HOL): Ciidamada Maxakamadaha Islaamka ee fadhigoodu yahay Magaalada Kismaayo ayaa si nabadgelyo ah ula wareegay Degmada Saakow ee Gobolka Jubada Dhexe, halkaasi oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo ka amar qaata Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliyed Col. Barre Aadan Shire Hiiraale.</description>
SHIIKH FAARAX MACALLIN : “Gawaarida Dagaalka ee soo gaaraya magaalada Beledweyn waxaa ay qeyb ka yihiin arrimhii aynu ku soo ballanay mas'uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka”                              
            <description>Khamiis, October 26, 2006(HOL): Maalmihii aynu soo dhaafay oo idil waxaa dadka ku dhaqan Gudaha gobalka Hiiraan siweyn uga fajiciyay Gawaari kuwa dagaalka ah iyo ciidamo aad u hubeysan oo si aan kala go' lahayn u soo gaarayay gudaha magaalada B/weyn, iyagoo ka imaanaya magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, iyo waliba Magaalada Ceel-Buur ee Gobalka Gal-gaduud.</description>
Midowga Afrika oo sheegay in ay diyaar u yihiin Ciidamadii ay u diri lahaayeen Soomaaliya                                                                                                               
            <description>Arbaco, October 25, 2006(HOL): Golaha Ammanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ciidamadii nabad ilaalinta ahaa ee loo diri lahaa dalka Soomaaliya, inkastoo la ogyahay in uu Midowga Afrika dhaqaale u la’ yahay ciidamo nabad ilaalin ah oo uu u diray Gobolka Darfur ee Dalka Soomaaliya.</description>
Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo seddex wariye ku xirtay Magaalada Baydhabo                                                                                                                          
            <description>Arbaco, October 25, 2006(HOL): Wariyayaashan oo lagu kala magacaabo Mukhtaar Maxamed Catoosh, Maxamed Caddaawe iyo Fahad Maxamed Abuukar, isla markaana u shaqeynayay Idaacadaha Horn Afrik, Shabeelle iyo Warsan ayaa waxaa xabsiga u taxaabay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna haatan ku xiran yihiin xabsiga magaalada Baydhabo.</description>
SHIIKH XASAN DAAHIR AWEYS: “Dowladda Federaalka haddii ay tahay mid Soomaaliyeed Muqdisho ka timaado, haddiise ay tahay mid Itoobiyaan ah ha tagto Itoobiya”                                            
            <description>Arbaco, October 25, 2006(HOL): Guddoomiyaha Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay Ciidamo Itoobiyaan ah u soo hoggaamiso Dalka Soomaaliya, iyadoo ay Maxkamadaha Islaamka wax badan ka qabteen amni xumadii jirtay.</description>
Maamul cusub oo loo sameeyay Gobolka Shabeelaha Dhexe kadib markii uu is-khilaafay maamulkii hore                                                                                                       
            <description>Talaado, October 24, 2006(HOL): Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ah Gobolkii labaad oo ay gacanta ku dhigeen Maxkmadaha Islaamka markii ay Muqdisho la wareegeen ayaa waxaa loo sameeyay maamul cusub kadib markii ay is-khilaafeen xubnaha maamulkii hore.</description>
Hay'ada Gargaarka Afrika oo lacago Zakaatul Fitri ah u qeybisay boqolaal qoys oo ku nool Muqdisho                                                                                                       
            <description>Talaado, October 24, 2006(HOL): Boqolaal Qoys ayaa Salaadda Ciida ka hor Muqdisho loo qeybiyey lacago loogu talo galay Zakaatul fitriga oo ay ku deeqday Hay'adda Gargaarka Afrika, si ay ugu ciidaan Qoysaska ku dhibaateysan Xeryaha dadka soo barakacay ee Muqdisho.</description>
Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo booqday Degmada Buur-Hakaba                                                                                                                              
            <description>Talaado, October 24, 2006(HOL): Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka ayaa shalay gelinkii dambe waxay booqasho ku tageen degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay, halkaasi oo ay ku sugan yihiin maleeshiyooyin deegaanka ah oo gacan saar la leh Maxkamadaha Islaamka.</description>
Sidee looga ciiday Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraaan?                                                                                                                                            
            <description>Isniin, October 23, 2006(HOL): Gobalka Hiiraan oo inta badan la arki jiray marka la gaaro bilaha ciida in laysku khilaafo, ayaa sanadkan waxaad mooddaa in uu ka duwan yahay sanadihii hore kadib markii uu gobalku ka hana qaaday Maamul Islaami ah.</description>
Maxkamadaha Islaamka oo si rasmi ah xariga uga jaray Radiyo Muqdisho oo lagu wareejiyay                                                                                                                 
            <description>Isniin, October 23, 2006(HOL): Waxaa maanta lagu qabtay Xaruntii Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliyeed Xaflad lagu furayay Radio Mogadishu oo tan iyo wixii ka dambeeyay dowladdii hore gacanta maamullo kala duwan oo uu ugu dambeeyay midkii SNA ee uu hoggaaminayay marxuum Jen. Caydiid.</description>
Muqdisho oo maanta si aan khilaaf lahayn looga ciiday                                                                                                                                                   
            <description>Isniin, October 23, 2006(HOL): Waxaa maanta markii ugu horeysay si khilaaf la’aan ah looga ciiday Magaalada Muqdisho oo xiliyadii hore ay dhici jirtay in ay dadku labo maalmood kala ciidaan, waxayba taasi ku suurtagashay iyadoo dadku ay heleen cid ay wax ka maqlaan oo nidaamisa.</description>
Shiikh Shariif oo Jowhar u jooga xalinta khilaaf soo kala dhexgalay Maamul halkaas ka jira                                                                                                              
            <description>Axad, October 22, 2006(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa wuxuu maanta halkaas kulan kula yeeshay mas'uuliyiin ka tirsan maamul ay maxkamadaha Islaamka halkaas ka dhiseen, kaasi oo la sheegay in ay mas'uuliyiintiisa is-khilaafeen.</description>
Xaaladda Degmada Buur-Hakaba oo degan kadib dagaalkii shalay                                                                                                                                            
            <description>Axad, October 22, 2006(HOL):  Xaaladda Magaalada Buur-Hakaba ee gobolka Bay ayaa degan kadib markii uu halkaas shalay dagaal ku dhexmaray Ciidamo ka amar qaata dowladda Federaalka iyo Maleeshiyooyin deegaanka ah oo gacan ka helayay Maxkamadaha Islaamka.</description>
Ciidamo u kala daacad ah Barre Hiiraale iyo kuwa Maxkamadaha Islaamka oo Bu'aale ku dagaalamay                                                                                                          
            <description>Axad, October 22, 2006(HOL):  Wararka naga soo gaaraya Degmada Bu'aale ee gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in ay halkaasi ku dagaalameen Ciidamo u kala daacad ah Maxkamadaha Islaamka ee dhawaan la wareegay gacan ku heynta Gobollada Jubbooyinka iyo Ciidamo kale oo iyana ka amar qaata Col. Barre Hiiraale oo ahaa Guddoomiyihii Isbaheysiga Dooxada Jubba ee Kismaayo isaga cararay.</description>
Shirka Khartoum oo u muuqda mid rajadiisa qabsoomida sii xumaaneyso                                                                                                                                     
            <description>Sabti, October 21, 2006(HOL):  Iyadoo maalmo uun ay inaga xigaan waqtigii loo balan sanaan in mar kale laysugu tago wajigii sadaxaad shirka agaalada Khartuum ay ku lahaayeen  Dowlada Federaalka iyo Midowga maxkamadaha, ayaa hadda waxaa soo Ifbaxaya saadaal u muuqata in shirkaasi hadiiba uu qabsoomo aan wax weyn oo guul ah laga gaari doonin.</description>
Gabdho Soomaaliyeed oo deeq raashin ah gaarsiiyay Dad soo barakacay oo ku sugan gudaha Soomaaliya                                                                                                       
            <description>Sabti, October 21, 2006(HOL): Sucaad  Shiikh Cali  iyo Xabiibo Maxamed oo ku kala  nool Dalalka Mareykanka Ingiriiska  ayaa waxaa ay kaalmo gargaar ah gaarsiiyeen dadka soo barakacay ee ku nool agagaarka degmada Afgooye, gaar ahaan halkii la oran jiray xerada Onod. Kaalmadani   ayay labadaasi gabdhood ku soo hagaajiyeen wakiilka Somali Women and Children Rescue Organizion (SWCRO) ee Soomaaliya  Yaasmiin Mayow Maxamed.</description>
UNHCR oo ka qeylineysa Tahriibayaal isku biimeynaya Badda Cas                                                                                                                                           
            <description>Sabti, October 21, 2006(HOL): Iyadoo uu maamul goboleedka Puntland qaaday tallaabo uu ku joojinayo dadka Tahriibka ee Doomaha ka raaca Xeebaha Boosaaso ayaa hadana waxaa muuqaneysa in ay sidoodii u sii socdaan dadka u tahriibaya Dalka Yemen ee ka tallaabaya gacanka Cadmeed, kuwaasi oo u kala dhashay Dalalka Soomaaliya, Suudaan iyo Itoobiya, waxaana todobadii Asbuuc ee ugu dambeysay u Tahriibay dad gaaray 6,000 oo Qofood.</description>
Maxkamadaha Islaamka oo ka hadlay qabsashadii Dowladda Federaalka ee Buur Hakaba                                                                                                                        
            <description>Sabti, October 21, 2006(HOL):  Golaha Maxkamadaha Islaamka ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay iska hor imaadkii saakay Magaalada Buur-Hakaba ee gobolka Bay ku dhexmaray ku dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowaldda Federaalka iyo Maleeshiyooyin deegaanka ah oo gacan saar la leh Maxkamadaha Islaamka, waxayna mas'uuliyiin u hadleen Maxkamadaha Islaamka sheegeen in ay magaaladaas qabsadeen Ciidamo Itoobiyaan ah.</description>
Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Maleeshiyooyin gacan saar la leh Maxkamadaha Islaamka oo Buur Hakaba ku dagaalamaya                                                                                   
            <description>Sabti, October 21, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Buur Hakaba ee gobolka Bay ayaa sheegaya in ay saakay halkaas ku dagaalamayaan ciidamada Dowladda Federaalka iyo Maleeshiyooyin deegaankaas ka soo jeeda, kuwaasi oo gacan saar la leh Maxkamadaha Islaamka.</description>
Golaha Aqoonyahannada iyo Siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle oo sheegay in ay qalad ahayd sidii loola dhaqmay Jen. Cali Madoobe                                                                            
            <description>Jimco, October 20, 2006(HOL): Golaha Aqoonyahannada iyo Siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle oo shir ku yeeshay Magaalada Baydhabo ayaa bayaan ay shirkoodaas ka soo saareen waxay ku sheegeen in lagu tacadiyay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cali Madoobe oo rag ka soo jeeda Digil iyo Mirifle ay ku amreen in uu Baydhabo isaga baxo.</description>
Mareykanka oo Eretrea  ku eedeeyay in ay hubeyneyso Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya                                                                                                                     
            <description>Jimco, October 20, 2006(HOL): Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay Dowladda Eritrea in ay hubeyneyso Maxkamadaha Islaamka ee la wareegay gacan ku heynta deegaano badan oo ka tirsan Dalka Soomaaliya.</description>