Bannaanbax looga soo horjeedo dowladda Itoobiya
Bannaanbax ka hor dhacayo safaaradda Itoobiya ee dalka Canada

Sabti, July 29, 2006 (HOL)  - Bannaabax looga soo horjeedo soo galitaanka ciidanka Itoobiya ee gudaha Soomaaliya ayaa bisha July 28keedii ka dhacay magaalada Ottawa ee dalka Canada.

Bannabaxaan oo ay soo qabanqaabiyeen urur la magac baxay "Coalition of Peace in the Horn of Africa" kana hor dhacay Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay magaalada Ottawa ayaa dadkii halkaas isugu soo baxay ay ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid yihiin "Ethiopia Out" , "Down Dictator Mele Zenawi".

Dr. Cumar Cusman Rabi oo ka mid ahaa dadkii halkaas ku bannaabaxyey aad na uga soo hojeeda siyaasadda dowladda Itoobiya  yaa ugu baaqay in dowladda Itoobiya ay deg-deg ciidamadeeda ugala bagxdo dalka Soomaaliya. "Waa mahad ilaaheey haddii ay maanta Soomali garatay danteedii iskana iloowday qabiileysigii muddo badan dib u dhigay" ayaa ka mid ahaa ereyadii uu Dr. Raabi halkaas ka sheegay

Bishan July 20keedii ayaa Ciidamo lagu qayaasay 5,000 ay soo galay gudaha dalka Soomaaliya si ay garab u siiyaan dowladda Federaalka  oo cabsi ka muujisay Maxaakiimta Islaamka oo hadda ka taliya magaalada Muqdishu iyo gobol kale ee dalka Soomaaliya.

Bannaabaxaan oo ay Soomaali u badnaayeen ayaa haddana waxaa halkaas ka dhex muuqday Jaaliyadu u dhashay dalalka Eritrea, Kenya, Ethiopia iyo Djibouti.

Bannaabaxaan mid la mid ah ayaa wax uu isla shalay ka dhacay magaalada Toronto ee dalka Canada. Halkaan Riix si aad u akhrisato bannaabax ka dhacay magaalada Toronot.

Waxaa sidoo kale la qorsheynayaa in uu bannabax weyn ka dhicidoono Magaalada London ee dalka Ingriiska Bisha August 4teed.

 

Hiiraan Online
HyperLink 
Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2006 Hiiraan Online