Guulwadeyaalkii Kacaankii Oktoober iyo Al-Shabaabka Maanta!
fiogf49gjkf0d

Qore: Muuse Yuusuf
Wednesday, October 28, 2009

 

Dhawaan qalabka warbaahinta iyo dad badan oo Somali ah waxay aad u hadal haayeen  40tan guuradii kasoo wareegtay dhalashadii kacaankii 21kii October 1969.  Qaar waxay ku doodeen in kacaankaasu ahaa mid ku hogaamiyey umadda Somaliyeed halaag, kali-talisnimo, dagaal aan loo baahneyn, burbur dhaqaale iyo bulshadeed. Kuwaani waxay aaminsan yihiin in laga raystay, lagana nasaday dhibaatadii uu taliskaasi ku haayey  umadda Somaliyeed. Qolooyin kale waxay aaminsan yihiin in kacaankaasu uu ahaa mid barakeysan oo isku dayay inuu ka badbaabiyo umadda Somaliyeed cudurka qabyaalad, isku dayay inuu xoreeyo gobollada ku jira gacanta gumeysiga, isku dayay in uu ciribtiro jahliga isagoo ku guuleystay qorista af-Somaliga oo ah guul aan la inkiri karin.  Qolooyinkaani waxayba aaminsan yihiin in loo darsaday kacaankii barakeysana markii lala barbardhigo nidaam la’aanta, dagaallada sokeeye iyo burburrada dhaqan-dhaqaale iyo siyaaso ee maanta ka taagan dalka.

 

Sida la wada ogsoon yahay ururada sida wayn uga qeyb qaatey hirgelinta iyo taageeridda kacaankaas waxaa ka mid ahaa kii la oran jiray guulwadayaashii umadda – oo ahaa maliishooyin loo abuuray iney noqdaan dhegaha iyo indhaha kacaanka. Bal haddaba aynu isku dayno inaanu dib u xusuusanno ururkaas iyo waxyaabihii uu sameeyn jiray si ay uu u fuliyo mabaadiidii kacaanka, iyadoo lala barbardhigayo ururada kacdoon ee maanta jira sida kuwa Al-Shabaab, si loo eego waxyaabaha ay isaga eg ama mid yihiin.

 

Sanadku waa 1970yadii, guud ahaan waddankua wuxuu la ciirciirayaa fikradda hantiwaada cilmiga Ku Dhusim. Hadalka iyo haasaawaha ugu weyn magaaalada waa kacaanka barakeysana oo la leeyahay wuxuu ka badbaadinaya umadda jahliga, aqoondaridda, qabiil, musuqmaasuq, eex, gaajo iyo cudurada wax dila. Kacaanku wuxuu xambaarsan yahay mabda’a hantiwadaaga oo ay horboodayaan kaadiriin iyo aqoonyahaan kusoo takhasuusay cilmiga Hantiwadaaga oo ay ku soo barteen waddamadii leysku dhihi jiray Midowga Soviyeet (Ruushka).  

 

Kaadiriintu waxay u aaminsan yihiin Hantiwadaaga si aad u xoogaan, oo habeen iyo maalinba waxay ku hawlan yihiin sharraxaada iyo faaqidaada buugaagtii ay qoreen Marx, Angles iyo Lenin, aabayaashii cilmigaan.  Kaadiriintu waxay u jadbeeysan yihiin fikraddaan cusub oo ay soo jaclaadeen intii aay wax ku baranayeen waddamada ku dhaqma Hantiwadaaga. Waxay aad ula soo dhaceen horumarka ay waddamadaasi ka gaareen dhinac walba: bulsho, dhaqaale, cilmi, siyaasad iwm.

 

Hadal qabsiga kaadiriintu wuxuu yahay ku dhaqanka mabaadiida hufan ee hantiwadaaga oo ay aaminsan yihiin inuu yahay tubta keliya ee badbaaadin karta ummadda.   Xamaasadoodu waxay gaartay heer ay yiraahdaan qofkii ka soo horjeesta mabaadiidaas in laga gooyo qoorta!! Si ay u muujiyaan daacadnimadooda, kaadiriintu waxay deysteen gar dheer ama mid yar oo ay ku daba-dhaajinayaan, kuwii Lenin iyo Marx!!

 

Waxay ka soo laalaadiyeen sawirrada Lenin iyo Marx meel kast: ha noqoto xafiis dowlo, guryo, gobo ganacsi, waddo, jardiino, golayaasha hanuuninta iyo masraxyada.

 

Haddaba su’aasha keliya ee hortaallay waxay aheyd, sidii loo fulin ahaa mabda’aan cusub – gaar ahaan hunuunita iyo baraarujinta dadweynaha? Soo ma fiicna in la adeegsado ciidamada iyo  askarta caadiga ah?  Jawaabtu waxay noqotay maya! Maxaa yeelay ciidamda caadiga ah waxay qabtaan howlo u gaar ah sida nabadsugidda, canshuur uruurint iyo difaaca qaranka. Saa darteed kaadiriintu waxay hindiseen in la abuuro wax la yiraahdo:

 

Guulwadayaasha Ummadda!!

 


Marx                                                  Guulwade
Inta xusuusata ama nasiibka u lahayd iney joogeen wakhtigaa, way garan karaan waxa ay guulwadaashu u taagnayeen ama matalayeen. Waxay ahaayeen gacmahii iyo lugihii uu kacaanka adeegsanayay! Ciidankaan oo loo labisay shaati, sarwaal iyo koofi cagaaran, iyo qoorxer guduudan ah, waxay ahaayeen kuwo ku abuuri jiray dadka argagax iyo baqdin aad u weyn. Muuqaakoodu wuxuu ku ridi jiray dadka cabsi, walwal, shaki iyo isla-hadal!  Markii ay soo xiraan dadka, waa la ogaa sida iyo wixii aay ku sameeyn jireen. Kuwaani waxay ahaayeen kuwo karbaash iyo haraanti uga soo saari jiray guryahooda dadka aay ku tuhansan yihiin kacaan iyo hantiwadaag-diidnim ama dib-u-socodnimo!  

 

Waxay ahaayeen kuwo dhexdhegi jiray cabsi iyo shaki nin iyo naagtiisa!! Oo waxaaba dhici jirtay in xabsi dheer lagu xukumo ninkii u diida naagtiisa inay noqoto  guulwade ama ay soo gudato waajibaadkeeda hantiwadaag, sida ka qaybgalidda shirarka hooyooyinka iyo dhallinyarada ee lagu qaban jiray golihii hanuuninta dadweynaha! Waayo guulwadayaashu waxay hirgelinayeen mashruucii  sinnaanta ragga iyo haweenka!! Sidoo kale, maalmaaha la tegi jiray xarumaha hauuninta, guulwadayaashu waxay amri jireen xiritaanka goobaha ganacsiga, iyagoo awood u lahaa iney ciqaabaan qofkii ka soo qeyb geli waayo wakhtiyada hanuuninta!

 

War iyo dhammaantiis, wallee waxay ahaayeen kuwo wacdaro dhigi jiray. Maxay kala fureen nin iyo naagtiisa! Maxay kala geeyeen caruur iyo aabahooda! Maxay albaabada isugu dhufteen goobo ganacsi oo ay shaqa la’aan dhigeen dadkii lahaa si ay u hirgeliyaan mabaadiida hantiwadaagga!!

 

Bal haddaba aan intaas ku dhaafno taariikhda kooban ee kacaankii hantiwadaaga iyo guulwadayaashiisa, oo aan u soo laabanno wakhtiga manta si aannu u eegno kacdoonna bulshadeed ama siyaasadeed ee ka taagan waddanka, si aanu kuwa casrigaan ah aan ula barbar dhigno kii hore si aay noogu suurogasho inaanu saadaalinno ama su’aalo ka weydiino aayahooda dambe ama waxa ay ku dambeyn doonaan!!

 

Taariikhdu waa 2004tii, waddanku wuxuu la butaac dhaafay wadaado gar-dheer oo horboodaya madaahiib iyo fikrado cusub oo ay soo barteen, ayna doonayaan iney ku  fudiyaan, kana fuliyaan waddanka. Inta uu waddanku ku jiray dagaalladi sokeeye iyo ka horba, wadaadadu waxay wax ku soo barteen waddamada Carabta gaar ahaan Sacuudiga oo ay ka soo qaateen darajooyinka waaweyn Doktor iwm. Maskaxdooda waxaa buux dhaafiyey mad-habo diineed ama firqadeen gaar ahaan Wahabiyada, Salafiyada, Islaax iwm. Wadaadadu waxay la soo dhaceen aayna aad u soo jeclaadeen hab-dhaqan-diineedka  waddankaas  hodanka ah: sida kala ilaalinta iyo kala soocida ragga iyo haweenka, xiritaanka goobaha ganacsiga wakhtiyada Salaaada, gacan ka goynta tuugada, karbaashida iyo dhagax ku dillidda macsiilayaasha, la dagaallanka anshax xumada iwm.

 

Kuwa qaarkoodbaa waxayba aaminsan yihiin in haddii lagu dhaqmo Shareecada Islaamka, laguna daydo hab-ku-dhaqan-diineedka Sacuudiga, in waddanku uu gaarayo barwaaqo, horumar, nabadgelyo degdeg ah, sidii kuwii kaadiriinta hantiwadaaga aan horey ku soo sheegay ay u aaminsanaayeen in waddanku uu gaarayo horumark dhinac kasta haddii lagu dhaqmo Hantiwadaaga iyagoo tusaale ka dhigan jiray waddamadii hantiwadaaga!! Wallee laba kala bariisatay kala war la’!!

 

Wadaadada gar-jucufta leh oo aad u moodid iney deysteen garkii kaadiriintii hantiwadaaga ee 1970yadii waxaa horyaallo dhibaatooyin badan sida dagaal sokeeye ee daba-dheeraaday, dagaal-oogeyaal, dhac, dhimasho, burbur, xasuuq, barakac iyo qabyaalad gaamurtay! Hase yeeshe iyagu waxay aaminsan yihiin inay haayaan xalkii ummaddu u oomanayd, kasoo ah ku dhaqaanka Shareecada Islaamka sida kuwii kaadirintuba ay u aaminsanaayeen in qabiil, eex, qaraabakiil, gaajo, cudur iyo musuqmaasuq looga bixi karo oo keliya haddii lagu dhaqmo hantiwadaaga, taasoo la ogaa waxay ku dambeeysay!  

 

Sidii kuwii kaadiriinta hantiwadaagaba, wadaadadu waxay is weydiin sidii  loo hirgelin iyo fulin lahaa mabaadiida kacaankooda cusub. Durba waxaa maskaxdooda ku soo dhacay wax la yiraahdo:

 

“Al-Shabaab” – dhallinyar!!

 


Osama Bin-Laden                     Al-Shabaab
Al-shabaab Ilaa iyo hadda waxay ku caanbaxeen xamaasada lagu yiqiiin dhallinyara kasta ee fulinaya kacdoon bulshadeed cusub. Kooxdaan waxay ugu yeeraan ama ku qasbaan dadka inay ka soo qeyb galaan wakhtiga Salaada, lana soo camiro Masaajidada. Degmooyinka ay ka taliyaan, rugaha ganacsiga waxaa lagu amraa in la xiro wakhtiga Salaaada, taasooba ku xusuusineysa sidii guulwadayaashu ay u xiri jireen rugaha ganacsiga wakhtiyada shirarka hanuuninta lagu qaban jiray golayaashii hanuuninta dadweynaha ee caanka ahaa xilligii Kacaanka!

 

Al-Shabaabku waxay si daacad ah u aaminsan yihiin in la kala takooro ama la kala sooco ragga iyo haweeen, iyo in haweenka loo labiso Naqaab. Sidaas darteed degmooyinka ay kooxahaanu ka taliyaan waxaa la mamnuucay in ragga iyo haweenka ay  isla raacaan baabuurta dadweynaha! Inaan la arki karin naag aan xijaab labisaneyn!! Taasii waxay ku soo xusuusineysaa waagii Kacaanka oo guulwadayaashu, iyagoo fulinaya mab-da’a sinnaanta ragga iyo haweenka, ay ku dhiiri gelin jireen haweenka iney barbar joogsadaan oo garabkana garabka u saaraan ragga ha noqoto wakhtiga hanuuninta ama shaqadaba, qofkii taa ka soo horjeestana ciqaab adag la mariyo

Goobaha ay ka taliyaan, Al-shabaab waxay ka fuliyeen ciqaab dambiyadeed oo u eg kuwa laga fuliyo waddanka Sacuudia. Bal kasoo qaad dhagax ku dilidda waxay ugu yeereen macsilayaasha sidii gabartii maskiinta ee 13 jirka aheyd, gacan ka jaridda tuugada iwm oo dhammantoodba ka dhacaya qaar ka mid ah gobollada ay maamulaan.

 

Waxaa kale oo lagu bartay iney qoorta ka jaraan qofkii mabaadiidooda ka soo horjeesta, sida qofkii diida tukashada Salaadda. Tani waxay ku xusuusinyesa sidii kooxihiii guulwadayaasho u ciqaabi jireen hantiwadaag-diidka, sida qofkii ka soo horjeesta  sinnaanta ragga iyo haweenka!! Waaba tii la ogaa wixii ku dhacay wadaadadii ka biyodiiday ku dhaqanka Xeerka Qoyska ee lagu fulinayey sinnaanta ragga iyo haweenka!

 

Al-Shabaabku waxay kala mid yihiin guulwadayaasha xagga dhallinyaranimada (da’da), oo intooda badani waa (i) dad da’ yar oo caamo u badan (ii) xagga aqoon-yaridda mabaadiida ay fulinayaan oo eeysan aqoon sidaas u sii dheer u laheyn (iii) xamaasad iyo qiiro  iyo iyagoo aan iska weydiin su’aallo waxay ay fulinayaan! Waxaa maskaxda lagu shubay in murtida iyo fatwooyinka ka soo baxa Osama Bin Laden oo ah Aabaha casriga ee Islaamka hubeysan ee siyaasadeed ay yihiin kuwo aan la diidi karin, murtidiisa iyo awaarmirtiisuna tahay muqaddas! Tani waxay ku xusuusineysa sidii guulwadayaashii  acwaanta u badneyd maskaxdooda looga buuxin jiray in murtida Lenin iyo Marx ay yihiin kuwo muqadas ah!!

 

Dhallinyarada Al-Shabaab waxaa ka guuxaya maskaxdooda oo ku buuqsan erayada “Al-Qaacida, Jihad, Fatwa, Osama Bin Laden, xagjirnimo, ciidamo shisheeye, Ethiopian, argagixiso, Islaam, Wahaabiye, ku dhaqanka Shareecada Islaamka, tacsiir, qasaas, qabuur-faagid, awliyo iyo sufi la dirir, Salafiya, Islaax, naceybka Ahlu-sunna wal-Jamaaca, Naqab, Xijaab...” iyo wax aan halkaan lagu soo koobi karin. Waxaa kaloo ay markii ugu horreysay ku soo dareen dhaqanka Somalida “is-qarxis, ismiidamin, murtad, naftiis-hure, argagixiso iwm..” sidii kuwii guulwadayaasha ay maskaxdoodu ugu buuqi jireen oraahyada “hantiwadaaga cilmiga ku dhisan, Kacaanka barakeysan, Aabbaha Ummadda, Lenin, Marx, Angels, sinnaanta ragga iyo haweenka, cadaalada....la dagaallanka gumeysiga, midab takoorka, xuquuqda shaqaalaha adduunka, la dagaallanka diinta iyo khuraafaadka, burjuwaasiyada, af-miishaar....kacaan diid, daba-dhilif iyo waxyaalo oon la soo koobi karin!

 

Haddii hadalqabsiga guulwadayaashu uu ahaa “Guulwade Siyaad aabihi garashada geyga yagoo,..Ha noolado Kacaan iyo Hantiwadaaga” qolooyinka Al-Shabaab iyo wadaadada hal-ku-dhigoodu wuxuu yahay “Takbiir ... Allahu-Akbar, Asalama Caleykum..Ku Dhaqanka Shareecada Islaamka..Jihad.. Murtad..”

 

Gunaanad

 

Haddaba waa tii la ogaa wixii ku dhacay iyo sidii ay ku dambeeyeen kacaankii  hantiwadaagga, kaadiriintiisa  iyo guulwadayaashiisa, iyo sidii ay ugu fashilmeen inay gaarsiiyaan umadda Somaliyeed horumar dhaqan-dhaqaale iyo siyaasad iyagoo adeegsanayo mabaadiida hantiwadaagga. Waxaa kale oo la ogyahay iney ku fashilmeen ciribtiridda qabyaaladda iyo musuqmaasuqii, iskaba daayee iney ka daaweyaan ummadda cudurrada gaajada, jahliga iwm. Haddaba su’aasha hortaagan qolooyinkaan cusub ee  Al-shabaab iyo wadaadada ayaa waxay tahay dadaalkoodu ma wuxuu noqon doona hal bacaad lagu lisay oo aayatiinkoodu wuxuu ku dambeyn doonaa cawaaqibtii  iyo wixii ku dhacay kaadiriinta iyo guulwadayaashii hantiwadaaga?  

 

Su’aasha kale waxay tahay Al-Shabaabku ma guulwadayaal cusub ee la marin habaabiyey baa? Iyo haddii ay kaadiriintii iyo guulwadayaashi hore ku fashilmeen iney fuliyaan ku dhaqanka mabaadiida hantiwadaagga, soo uma badna in Al-Shabaab iyo wadaadadu ku fashilmi doonaan fulinta ku dhaqanka Shareecada Islaamka gaar ahaan arriimaha la xiriirta qasaasta sida dhagax ku dilidda macsiilayaasha iyo gacan ka goynta tuugada? Oo dhaqdhaqaaqooda wuxuu ku dambeyn doonaa mid u kala jaba qabiil, iyo iyadoo dadka Somalidu u noqon doonaan dariiqooyinka Suufiyada iyo dhaqankooda qabiileed ee faca weyn?

 

Jawaabta su’aalahaasi wakhtiga uun baa sheegi doona!


Qore: Muuse Yuusuf

[email protected]

HyperLink 
Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2008 Hiiraan Online