Taariikh Nololeedkii Marxuum Prof. Maxamuud Xasan Nuur

Professor Maxamuud Xasan Nuur

Toronto, Canada
Wednesday, October 03, 2007

Prof. Maxamud Xasan Nuur  wuxuu ku dhashay magaalada Beledweeyne ee Gobolka Hiiraan, July 15keedii sanadkii 1932. Xamar ayuu ku dhameeystay waxbarashadiisa dugsiga hoose/dhexe kadibana wuxuu galay dugsiigii  dhihi jiray Majistaraale oo aay ka soo bixi jireen macalimiinta dugsiyada dalka. Waxaa u xigtay in uu dalka Talyaaniga(Rome) u aado waxbarasho Jaamicadeed oo uu ka galey machadka cilmiga Physical Education halkaas oo wax ka barannaayey ilaa uu ka qaato shahaadada Prof.Of physical Education.

Waxoow xilal waaween ka soo qabtay maamuladii dowladeed ee dalka soo marey. Wuxuuna soo noqday Agaasimaha guud ee wasaaradaha kala ah, Waxbarashada, Arimaha Dibadda, Garsoorka&Cadaalada,iyo Shaqada& Sportiga. Xilalkaas wuxuu u gutay si muuqato oo wadaninimo ku dheehantahay.
Wuxuu ka mid ahaa Diplomasiyiintii ugu horeysey ee ka furo magaalada Roma ee dalka Talyaaniga safaradii ugu horeeysay ee Somaaliyeed.

Taas oo uu ka noqday ku xigeengka koowaad ee safaaradda asagoo isla markaasna ahaa lataliyaha arimaha siyaasadda. Wuxuu qeyb weeyn ka soo qaatay dhismaha iyo horumarka dalka  isagoo si weeyn uga dhex muuqday masuuliyiintii kale ee mamuladii soo maray dalka. Marxuumka waxaa lagu xusuusanaayaa wadaninimadisa, dabeecad wanaag & kaalintii weyneyd ee uu ka geeystay horumarinta Sportiga Soomaliyeed. Waxaa kale ee mudnaan mudan in la xuso kaaliintii uu ka qaatey horumarka iyo nabadeeynta bulsha weeynta Soomaaliyeed Marxalooyinkii kala duwanaa ee dalku soo maray.

Bulsho weynta sportiga gaar ahaan iyo dhamaan intii nasiib u yeelatay in aay la kulanto marxuumka waxeeyna iloobi doonin furfurnaantiisi, niyad wanaagiisi iyo siduu ugu taagnaa taakuleeynta iyo u gargaarka qof walba oo gacan u baahan.

Fadlan tacsidaada halkaan ku dhaaf

HyperLink 
Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2008 Hiiraan Online