Go'aan Qaran: Gabay Maql iyo Aqris ah

Waxaa Curiyay: Inj. Maxamed Cali Cibaar
May 01, 2007

 

  Halkan Guji oo Dhageyso Gabayga oo Maqal ah

 

Gabaygaan la magacbaxay Go’aan qaran waxaa ciriyay  Inj. Maxamed Cali Cibaar, wuxuuna soo baxay 1dii May 2007. Gabaygu wuxuu jawaab u yahay gabaygii uu curiyay suugaanyahanka Maxamed Xirsi Guuleed ( Abdibashir) oo magaciisu ahaa Gobonnimo dagaallama isdhiib waa gunnimo weyne, gabaygaas oo si qotodheer uga hadlayay gumaadka iyo gardarrada lagu hayo shacabka aan waxba galabsan ee magaalada Muqdisho oo ay xasuuq u geysteen cadowyo isku soo bahaystay oo kala ujeeddo ahi.

 

Waa kan gabaygii Go'aan qaran ee akhris wanaagsan.

 

Gar Ilaahey waa loo islaam gaal kol ay tahaye

Gaabaygaad Maxamadow dirteed dunida gaarsiisay

Ilaahey gargaaryow runtaad gole ku faalleysay

Guubaabadaadiyo xaqaad garabka siineysay

Geesi waa ku diirsaday dullina waa gamuun helaye

 

Guryaha dumay gumaadkaa dhiciyo qaxiyo guurguurka

Raqda Xamar dharaarahan goglane goob walbaba daadsan

Muslinkaa gamaaraaya ee gaaska lagu buufin

Wax ma galabsatiyo waxa miskiin qoorta la guduudin

Saqiirrada la wada gowracee haaddu guraneyso

 

Culimada la garbaduubayee cadowga loo geeyo

Walaalow haddey gogosha iyo gama’i  kuu diidday

Haddii aad galiilyootayood la gadgaddoomeyso

Qaar baa garaaddaba ku hela ehel gummaadkiise

Qaar baa hooyooyinka gablami ganacsigood yahaye

 

Qaar baa garaacaaya sacab oo gurbaan tumiye 

Gunnimadii haddey faan tahoo saaka laba goobi

Gorgoriyo haddey joogto maal oo la  goyn waayay

Waa gaddoon adduunyaad anigu saan garwaaqsadaye

Allahayow na guulee waqtigu waa is gurayaaye

 

Gumeysiga na soo weeraree gulufka soo kiciyay

Waligoodba way gaadayeen goor an dagannaaye

Galdaloolladeenney Kufaar goobayeen abide

Gurey iyo Daraawiishtii iyo ciidan laga goojin

Gaar baa intaa laga hayoo wey gabbanayeene

 

Guuldarrooyinkoogii shalay gocanayaan weliye

Goolashaan dorraad dhalinnay bey guda is leeyiine

Gaashaanbuur dulmiga loo dhisay garabsanaayaane

Inaan adiga ku gargaarsanney  nagu galaayaane

Allahayow na guulee waqtigu waa is gurayaaye

 

Inkastoo aan gaabinnay beryahan oon gadaabownay

Inkastoo midnimo laga gudbuu gobolba meel aaday

Inkastoo uu garwadeenba yahay jaahil lagu guuro  

Inkastoo gudimahaan na jaray geedkeen lagu daabay

Oo wadajir wuxuu gooyo aan maanta garanweynay

 

Markii uu garruun nagu dhacoo dakhar na soo gaaray

Ubad bilo an gaareyn markii gaajo loo laayay

Oo gisida oo kale maalinba qaarkeen laga giigay

Inta kalana isha galac ka siin oy wax geli weyday

In dugaaggu hilibkeen gurtaa wow garleeyahaye

 

 

Gefkii dhacay waxbaa laga bartiyo gama’asanaantiiye

Kala guurkii waan eednayoo nacab na googgooye

Inaan gaari wada saarannahay garay kan miirraniye

Naxariista gaanka adey Weynow kaa gurine

Allahayow na guulee waqtigu waa is gurayaaye.

 

Soomaali Gabigeedu waa gacal walaalo ahe

Waa ummad Ilaah uu galladoo galiyay Iimaane

Waa ummad gumeysiga neceboon gunnimo yeeleyne

Gacankii Tajoorriyo Cartiyo Awdal godankeeda

Gabiley Hargeysiyo Burciyo buurta Shiikh gurada

 

Gidaarrada Taleex iyo dhulkey geenyadu ku foofto

Ceerigaabo geeska Raascaseyr gegida Boosaaso

Herertaa galbeed iyo Godey taniyo Gaashaamo

Garoowiyo Nugaal Gaalkacyo Galdogobtaa hoose

Galgaduud  ka gees iyo ka gees meel kastoo aad gaaro

 

Dhulkuu wabigu kala gooyo iyo Gobolka Hiiraan ah

Jowhar iyo Garsaaliyo Cadale Balcad gadaasheeda

Banaadiroo khalqigu uu gimgimay gooshitaankiisa

Golweyn iyo Afgooyiyo Markada nimcadu gowriirto

Guudka Buur gudaha Baydhabiyo gurisankii Waajid

 

Gosha Jilib geesaha Saakow iyo geriga hoygiisa

Garbahaarrey  Baardheere iyo Gedo dhammaantiisa

Goobtii Kismaanyiyo  illaa taniyo Buur-gaabo

Gaarisa Wajeer iyo illaa Kiinya laga gaaro

Gurigaad tagtaba waa rug ay gogoli kuu taalle.

 

Gucle horumar annagoo wadnoo gaawahow culannay

Isgarabsi ha joogtee annagoon xume cid gaarsiinnin

Gardarrada Tigruhu wado waxaa garabka loo siiyay

Oo shacabka loo gumaadiyoo loo gataalleeyay

Googaaleysan maynee dhabtii weysla garannaaye

 

Gaangis noo heshiiyoo raxmadi ay ka wada guurtay

Dhaaxey gabgable khaa’iniyo noo shireen gumiye

Dhaaxey guddiyo beena oo gallan abuureene

Dhaaxey u goodgooddiyeen carab gariirtooye

Dhaxey  Afrika gaabsatoy afka gufeeyeene

 

Dhaaxey golaha baadilka ah qodobbo geeyeene

Dhaaxey gorfeeyeen shirqool geerideenna ahe

Dhaaxey go’aan nagu khaldeen  ay na geliyeene

Dhaaxey giniyo qaybiyeen laysku gadayaaye

Dhaaxey mid gambo caabudiyo gaabis koriyeene

 

Dhaaxey mid sida Yey gabgabi soo xuleen gorofe

Dhaaxey mid iimaan guriyo Geeddi keeneene

Dhaaxey midkeennii wax gala gabawareen nacabe

Dhaaxey gubeen maatiyoy gaabiyeen shacabe

Dhaaxey geddii ay rabeen naga gujeysteene

 

Gabagabadii waan aragnayoo  waa gumaad taloye

Waa geyiga qofba yuu ku harin gebi ahaantiise

Ama gaalnimada qaata oo Guulle caasiyaye

Mar haddii Gabriyo Tafase iyo Garaci qooqaayo

Mar haddii gabdhihii sharafta laa tacaddi loo geystay

 

Taariikhdu waa kala gaddoon gelinkaan saaka ahe

Fulay gaabshay Dayuus guuna iyo  doqon gafuur weyn leh

Afmiishaar galley  lagu masliyo caqli gaweetoole

Gun midoo damiirkuba gab yahay gafane yeelkoode

War yaa goboo xumaan ka gilgishey galabta joogtaaye

 

Waa gadoode gurmadoo ka kacey galabta joogtaaye

Gumeysiga  ha yeelina ayay galabta joogtaaye

Dhaxalkeenna yaan la gambin bey galabta joogtaaye

Garbo siman dagaallama ayay galabta joogtaaye

Inaan diinta u gargaarno yay galabta joogtaaye

 

Gabooyaha inaan qaadanney galabta joogtaaye

Gaalleef in lala soo saxey galabta joogtaaye

Geyigeenna inaan daafacney galabta joogtaaye

Gala gala dhufeysyada galey galabta joogtaaye

Guba guba Woyaanaha gubey galabta joogtaaye

 

Gabgab baa adduun lagu rogiyo gebi ka duul baase

Kuwa maanta na guulguulayow reer garaadlaawe

Abaal waxaan dadkiinna u galnoon gudid ka dhowraynay

Haddaad goortaan baad naga rabtaan gibir inaan bixinno

Waa garashadiinniyo hunguri aad ku go’eysaane

 

Gam haddaan dhaheynoo dhamaan geeri mudaneyono

Gargaarkii ilaah iyo annagoo guulo filaneyna

Oo diinta gaashaan ka dhigan gowsna ku adkeysan      

Gayigeenna inaan daafacnaa waa go’aan qarane

Gardarrada inaad eedeysaan waa go’aan  qarane

 

Mar haddaad giriifteen warhoy gaabsadoo jooga

Gamaskaad fahmeysaan wixii uu gantaal qoraye

Godobteennii Gondhor iyo Addis waa ta gudo taalle

Gambellaa  illaa tagnoon  Wallo u sii gudubno

Illaa Maqalle aan ku gaardinnoo kibirku uu gaabto

 

Garsoorkiyo caddaaladda illaa qaarkiin la hor geeyo

Daallimiinta illaa aan gurbinnoon weyno gabigoodba

Geeska afrikoo idil illaa nuurku wada gaaro

Gu’ barwaaqo illaa uu curtoo galalka noo buuxsha

Geeddiga xornimo inaan wadnaa waa go’aan qarane

 

Gaangiistarkaa Melles ahow gurracanow heedhe

Si kastoon gargaar sharaf leh iyo gacanba kuu siinnay

Si kastoon geeraarrada taliyo kuu gudbinnay waano

Gawaan aan ku daalnaad tahoo aan wanaag geline

Waxaad tahay Goroyo waalatoo gabbal u sii dumaye

 

Gudcur baad gudeysaa dhul uu good ku ladayaaye

Gucumaale aar oo hurdaad ganbar u mooddaaye

Ganaaxa iyo adigaa dalbaday dhiigga gobo’leyne

Gacmahaada adigaa ku qodan iilkaad gali leyde

Galbataye maxaan kuu galnaa weys gunaannadiye?

 

Kuu gooddin meynee runtaa  lagu guddoonsiinne

Guureysayaa ama aroor hore u guurtaaba

Sii gurguurataa ama sidii leeb u gamantaaba

Gelinkaan tagtaa iyo beryahan sii galgalataaba

Goror heensataa iyo bukaan go’a ka boobtaaba

 

Masaajidyo gubtaa ama waayeel kibir garaacdaaba

Dugsi guratayaa ama kitaab galal ka jeexdaaba

Waxaad geysatoo idil haddaan kaa gudeynaaye

Adaa gumuc rasaaseed u qabay garow la ruugaaye

Galbataye maxaan kuu galnaa weys gunaanadiye?

 

Garabdaar dhabaan heloo jab waa kula gudboonaanne

Gabanney ahaayeen kuwaad ka gabbaneyseene

Gurdankii fardaha iyo haddaan gaasas soo kicinne

Guutooyinkii danab markaan goobta hore keenno

Waxa aan gadaal maagannahay yaadan garaneyne

 

Gargar kugu habyaa ama Sheydaan godol ka nuugtaaba

Jinni magan gashaa ama Ibleys gunno ku siiyaaba

Ku gunuunucdaa janan amase gebigood laysaaba

Garbaash inaan arlada kaa bixin ilmada oo gabax leh

Ood garka na qaban waa hubaal goor dhow dabadeede

Gagso gagso adaa gool yaxaas galay afkiisiiye

Gagso gagso adaa gondaha daray godadkii naareede. 


Inj. Maxamed Cali Cibaar
Wixii falcelis ah ku soo hagaaji : [email protected]

HyperLink 
Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2008 Hiiraan Online