Fariinta aan u dirayo mucaaradka Casmara jooga ay ah inay nabad doonaan, dagaalkana joojiyaan” – Danjire Yates

   Halkaan ka dhageyso wareysigaas oo dhan


Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire John Yates


Ergayga gaark ah ee Maraykanka  U Qaabilsan Somalia, Danjire John Yates ayaa Hiiraan Online uga waramay taageerada dowlada Maraykanu siinayso Heshiiskii lagu gaaray Jabuuti, Ciidamada Qaramada midoobay (QM) ee lagu baaqay in Soomaaliya la keeno  iyo horumarinta iyo dib-udhiska dalka Soomaaliya. Ahmed Gure ayaa  khadka taleefanka kula xiriiray Danjire Yates isaga oo jooga magaalada Nairobi dalka ee Kenya.

HOL:  Ayada oo Soomaalidu ay horey u soo martey 18 sano ee la soo dhaafey heshiisyo burbura iyo qaar aan taabo gelin, hadaba ma kula tahay heshiiskaan Jabuuti mid ka duwanaan doona kuwii hore, sababtuse maxay tahay?

Danjire Yates: Waa sual wanaagsan. waxaaynu dhammaanteyn  rajeyneynaa in uu kani ka duwanaan doono, waxaan u wajeheynaa sidii in uu hirgalayo , dabcan iminka waxa lagu jiraa xili weli heshiisku cusub yahay, hirgelinta heshiiskana waa mid aad muhiim u ah. xaqiiqiyana dawlada mareykanku waxa ay xooga saareysaa si uu heshiisku u hirgalo. waxa ay ila tahay in aynu hormuud ka noqono dowlad ahaan QM si loo helo ciidamo QM ka socda, waxaananu sii wadi doonaa kaalmooyinka biniaadamnimo iyo kuwa kaleba sidii sanadihii horeba, taakulada aanu siino amnisom waanu sii wadi doonaa iyaga oo laga yaabo in ay hoos tagaan QM waxa aanu inaga iyo kuwa wada shaqeynta inaga dhaxeyso gacan siin doonaa labada dhan, somaliadana waxa aan oran lahaa umaanu qaadin 16 tilaabo si aanu u guul dareysano ee waxaanu u wajeheynaa sidii in aanu guuleysaneyno soomaaliduna waa sidaas oo kale. ta kale ee xaqiiqda ah waxa weeye waxaan la wada soconaa 18 sano ka dib waxa jira daal iyo niyad jab fara badan, ugu yaraana rajadaydu waa in dad fara badani ay doonayaan in ay heshiiska aqbalaan.

HOL:  Marka adigu rajo wanaagsan baad ka muujinaysaa?

Danjire Yates: waxaan qabaa rajo, sida aadse la socoto waxa jira dad faro badan oo qaba in heshiisku qalad yahay, in aan sidii wanaagsaneyd la sameyn. waxaad ogthay in dadka ku harey casmara in ay ka soo yeereen hadalo qaldan. dadka wrrearaya ciidamada df iyo magaalooyinka waxa ka soo yeeray erayo qaldan markaa ma oran karno weli cidwaliba heshiiska wey qaadatay lakiin waan isku deyi doonaa sidii au heshiiska u qaadan lahaayeen. 

HOL: Heshiiska jabuuti waxa uu hirgelkiisu uu ku xiran yahay sida Golaha Amaanka iyo beesha caalamku ay wax u qabtaan. sida ansixinta ciidamo ka socda QM iyo keenidooda. adoo eegaya sida ay arinta daarufuur ay cal ugu waayeen. maxey damacsan tahay dawlada mareykanku si ay arinta wax uga qabato?

Danjire Yates: hagaag aan mid uun saxo marka hore, ma aha in beesha caalamku wax waliba ay ku xiranyihiin. waxa wax weliba ku xiran yihiin waxa weeye sidaxaalada gudaha somalia wax looga qabto oo loo hagaajiyo. balse jawaabta koobani waa dawlada mareykanku waa madaxagolaha amaanka ee bishan. hadii marxaladu ay saamexeyso in gooaan laga gaaroo ciidamo geyn waxaaanu sameyndoona dedaal taa lagu meel mariyo.

HOL:  Soomaaliya  waa dal burburay, cagaheedana iskuma taagi karto, waxa ay u baahan tahay in beesha caalamkula yimaaado kaalmo ka balaaran ta biniaadamnimo oo qura, ma ula muuqataa mareykanku in uu arintaa geli karoama gacan ka geysan karo?

Danjire Yates: Sida aad la socoto sadrka ugu danbeeya heshiisku waxa ku qeexan in mudada lixda bilood ee soo socota ay xooga saarayaan sidii ay isga iman lahaayeen uyaga iyo beesha caalamka sidii looga hadli lahaa dib u dhiska iyo horu marka, taas ayaanu ka shqeyneynaa hadii ay tahay lacagaha iyo siyaasadaba taas oo noqoneysa talaabooyinka loo qaadi doono dibudhiska iyo horomarka.

HOL: Arinata klae ee n rabo in aan ku weydiiyo waxa weeye, kuwa ka soo hor jeeda heshiiska waxa ay arkaan madmadow ku jira heshiiska sida ereyga marka la helo ciidamo ku filan nabada ayay ciidamada itoobia baxayaan, waa imisa tirada ciidamada ku filan nabada?

Danjire Yates: Tirada ciidamada ku filan waxa ay gebi ahaan ku xiran tahay xaalada markaas jirta qaasatan muqdisho iyo somalia, waxa ay ila tahay ergeyga xoghayahaa guud xubnaha golaha amaanku waxa ay diyaar u yihiin in ay aminaan in aan loo baahneyn tirada ciidamo ee looga baahan yahay daarfuur. waxa laga yaaba in loo baahdo labolaab tirada ciidamo ee amnisom oo kale, balse waxa aanana oran kareyn 1000, 12050 or 16,000. waxa ayna ku xiran tahay sida ay ku heshiiyaan gudidaamni ee ay labada dhan sameysan doonann saxeexa heshiiska dabadii, taa iyo sida beesha caalamka iyo xeeldheereyaasho ay arinka u aragto .

HOL: Ma kula tahay in ciidamada lagu wado in ay bedelaan kuwa dalka itoobia ay ka yimaadaan qaarada africa mise waxa kaga haboon qaar ka yimaada dalalka carbeed ama kuwa dalalka islaamka.

Danjire Yates: Waxa ay ila tahay in jawaabta koobani at tahay gidigoodba haa, nabad ilaaliyaasha amnisom hawsha ayay sii wadi doonaan iyag oo hoos tegi doona QM, sidoo kale dalalka isxilqaama ee ay ka midka yihiin muslimku way imian karaan iyo dalkasta oo ciidamadiisa ku yabooha. gidi.

HOL: Ma laga yaabaa in Mareykanku Ciidamadiisu ay qayb ka noqdaan nabadilaaliyayaasha?

Danjire Yates: Marka la eego hawlaha an iminka faraha kula jirno, waxa ay ila tahay in aaney suurto gal aheyn in ciidamo u dirno Soomaaliya lakiin waxa aan ka saacidi karna dhanka gaadiidka, qalabka ciidamada IWM. Anoon arintan aan dawladeyda aan afkeeda ku hadleyn waxa ay ila tahay in aaney suurto gal ahey haatan in ciidamo mareykan ah la geeyo somalia.


HOL: Dowladda Soomaaliya, ciidamada Itoobia iyo kooxaha mucaariadka waxa lagu eedeeyay dembiyo dagaal. dawlada mareykanku maxkamdeynta kuwa denbiyada galay?

Danjire Yates: Dawlada mareykanku waxa ay taageertaa cadaalada iyo biniaadamnimada, kafaalo qaadna kama bixiso danbiyada la galay, arintani waxa lagu xusay qodobkaa (9) sagaalaad, ee ka baarandegayaan gudida sare ee nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta. Waxaan jira dalal badan oo arintan soo marey sida Ghana iyo South africa. Waddanka Ruwaanda waxaa laga sameeyey maxkmad her caalima ah iyo mid heer wadan ah. Arrinta Soomaaliyana waxaa ku haboon in guddi loo saaro kana baaraan dago sida ugu haboon ee howshaas lagu qabanayo. Dambiyada Soomaaliya ka dhacay kuma koobana 6 ama 18 bilood ee waxay dambayidaas laga soo bilaabayaa 1991 ee ma ahaa sannadkii 2007 oo kaliyah. 

HOL:  Amnesty International iyo heyadaha waaweyn ee u dooda xuquul aadanahaba waxa ay sheegeen in dhinacyada dagaalamaya iminka ay yihiin kuwa geystey dembiyo dagaal.

Danjire Yates: Waanu la soconaa in ay xili tiiraanyo badan ay Soomaaliya soo martey, welina wey ku jirta dhibka, Amnesty International  sida ay u wanaagsantahayna, waxa ay markii ay warbixinteed diyaarineysay tagtey Nairobi iyo Hargeysa ee may tegin gudaha Soomaaliya, malihi warbixintu waa sax ama waa qalad, waxase aan leeyahay wey adagtahy si loo xukmiyo waxa lag soo xigto waxa la daabaco iyo warbaahinta caalaminga ah.

HOL: Maxaad fariin ah oo aad halkan uga direysaa mucaaridka asmara iyo somaliada kale ee ka shakisan iyo waxyaabaha mareykanku damacsan yahay?  

Danjire Yates: Waxaan dadka casmara jooga leeyahay nabada qaata,dagaal ha oogina, ma qiyaasi karo sababta loo doonayo in dagaalka la sii wado, macquul ilama aha aniga. miyeeynan sidaa kula aheyn adigu.

HyperLink 
Hiiraan Online
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online