4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Hirgalinta sanduuqa illaalinta Digaalka (Deposit protection Fund) waa u muhiim Somalia, si loo yareeyo qatarta ku oradka baananka iyo xaqiijinta noqoshada xarunta maaliyada Geeska Africa.

Talaado, April, 16, 2024
By Hussein Abdullahi Yusuf





Qaybta maaliyadda Soomaaliya waxa ay ka kooban tahay 13 licensed Commercial Banks, 4 Mobile Money Operators, and 2 International banks oo bixiyo adeegyada dhigaalka. Si kastaba ha ahaatee, waddanku waxa uu wajahayaa caqabad la taaban karo oo ku saabsan koonto furasho la`an, iyadoo dadka koontada leh ay tahay 8.3% oo keliya [1]. Tiradani waxa ay aad uga hoosaysaa celceliska dadka leh akoonnada ee Afrika taasi oo ah 43%[2], taas waxay muujinaysa farqiga weyn iyo helitaan xaddidan ee adeegyada bananka Soamlia. 

advertisements
Inkasta oo ay jiraan hay'ado maaliyadeed, heerka kalsoonida dadwaynaha ee qaybta bangiyada ayaa aad u hooseeya sababtoo ah, la'aanta caymiska deebaajiga ama dammaanadda kaydka macaamiisha iyo dhigaalka. Shakigani waxa uu ka muuqdaa wadarta guud ee lacagta caddaanka ah ee haayeen hay'adaha maaliyadeed ee Soomaaliya, oo gaaraysay USD 476.1 milyan sanadka 2022[3], marka la barbar dhigo USD 6.47 bilyan [4] ee ay haayeen ​​bangiyada Kenya. Sidaas awgeed, Soomaali badan ayaa door bida in ay dhigaalkooda ku haystaan ha baa rasmi ahayn iyo ​​xisaabaadka mobile money.

Waxaa intaa dheer, maqnaanshaha xisaabaadka maaliyadeed ee hufan ee bangiyada ayaa sii kordhinaya hubin la'aanta macaamiisha. Iyadoo ay macaamiisha hubin caafimaadka maaliyadeed iyo dulqaadka cadaadiska ee hay'adahan, macaamiishu waxay door bidaan hababka kaydinta lacagaha ee aan rasmiga ahayn halkii ay lacagaha ku shubi lahaayeen bangiyada, taasoo sii xoojisa caqabada koonto furis la`anta ee Soomaaliya.

Dhigaalka xaddidan ayaa si ba'an u wiiqaya awoodda hay'adaha maaliyadeed ee Soomaaliya si ay ugu fidiyaan deyn ganacsiyada gaarka loo leeyahay. Sannadkii 2022-kii, deynta baananka Soomaaliya waxay gaartey USD 399.7 milyan [5], taasoo aad uga hooseysa USD 21.7 bilyan [6] ee ay bangiyada Kenya amaahiyeen ganacsiyada gaarga, isla muddadaas. Farqiga u dhexeeya deyn bixinta ayaa hoosta ka xariiqaya baahida muhiimka ah ee tillaabooyinka kor loogu qaadayo kalsoonida qaybta maaliyadda iyo dhiirigelinta abaabulka dhigaalka.

Si ka duwan wadamada EAC, dhigaalka waxaa la caymiyaa ilaa UGX 10 Milyan [7] iyo KSh 500k [8], ee Uganda iyo Kenya siday u kala horreeyaan. Baarlamanka Soomaaliya waxu ansixyay Sharciga Hay'adaha Maaliyadda 2012, kaasi aa faraya in la dhiso Sanduuqa Ilaalinta dhigaalka ee Deposit Protection oo hoos imanaya kormeerka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS). Ujeedada koowaad ee sanduuqan ayaa ah in la ilaaliyo xasiloonida nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya iyo in la ilaaliyo qatarta ku imaan karta dhigaalka macaamiisha.

Hirgelinta iyo hawlgelinta hufan ee Sanduuqa Ilaalinta dhigaalka, waxay dhalin doontaa faa'iidooyin dhowr ah oo xusid mudan, oo ay ku jiraan:

1. Kobcinta Kalsoonida Dadweynaha: Samaynta iyo hubinta badbaadada deebaajiga waxay kobcinaysaa kalsoonida dadweynaha, sido kale waxay dhiirigelinaysa dhigaalka. Inta lagu jiro isku dhaxyaaca maaliyadeed, macaamiishu waxay ku kalsoonan karaan badbaadada dhigaalkooda, iyagoo yareynaya baahida degdegga ah ee lacag bixinta iyo khatarta cararka baananka. Waxaa xusid mudan, kordhinta caymiska deebaajiga 100% ee the Federal Deposit Insurance Corporation ee 2023 iyada oo laga jawaabayo qalalaasaha bangiyada gobolada ee Maraykanka ayaa si wax ku ool ah u yareeyaysay la bixitaanka dhigaalka ee macaamiisha, iyada oo nidaamka maaliyadeed ka ilaalinaysa khataraha saameyn kara nidaamka oo idil.

2- Kobcinta bixinta amaahda: waxay door muhiim ah ka ciyaartaa kobcinta kobaca dhaqaalaha, gaar ahaan ganacsiyda gaarka loo leeyahay. Marka bangiyadu arooriyaan kaydka macaamiisha, waxay helayaan awood ay ku siiyaan dayn ganacsiyada iyo shakhsiyaadka, kobcinta maalgashiga, iyo hal-abuurka. Deynta waxa ay awood u siinaysaa shirkadaha in ay kordhiyaan hawlaha dhaqaalaha, abuuraan fursado shaqo, iyo in ay kobciyaan barwaaqada dhaqaalaha guud iyaga oo taageeraya hal-abuurnimada iyo wax-soo-saarka warshadaha kala duwan.

3. Kobcinta iska dhax araga maaliyadeed: caymis dhigaal oo adag waxa uu kor u qaadi doonaa furashada koontooyinka, fududaynta iska dhax araga maaliyadeed iyo helitaanka adeegyada bangiyada ee qaybaha kala duwan ee bulshada.

4. Fududeynta Kobaca Ganacsiga: In Soomaaliya laga dhigo xarun dhaqaale oo sugan oo ay ku ganacsadaan ganacsatada Soomaaliyeed ee gobolka, taasi oo soo jiidaysa dhigaal iyo maalgashi, iyadoo dalka laga dhigi doono xarun dhaqaale oo muhiim u ah suuqyada Bariga Afrika iyo Bariga Dhexe.

 

Maqnaanshaha habka caymiska oo dhammaystiran ayaa sare u qaadaya khatarta suurtagalka ah oo ku imaan karta bangiyada ka jira Soomaaliya, taas oo khatar weyn ku ah xasilloonida qaybta maaliyadda. Sidaa darteed, tillaabooyin deg-deg ah ayaa lagama maarmaan u ah in la dhiso oo la hawlgeliyo qaab-dhismeed ilaalineed oo wax-ku-ool ah si loo ilaaliyo lacagaha dhigaalka, kobcinta xasilloonida maaliyadeed, iyo taageeridda kobaca dhaqaale oo waara ee Soomaaliya. 



Hussein Abdullahi Yusuf,
Consultant, Economist and Financial Sector Analyst in Eastern Africa and MENA.

Contacts

Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/profile.php?id=100069787405612&mibextid=ZbWKwL
X: https://twitter.com/HusseinAYusuf2

References:

1- SNBS, 2022. “SOMALIA INTEGRATED HOUSEHOLD BUDGET SURVEY (SIHBS), Feb 2023, Page 70”.

2- World Economic forum, 2023. “Here's why Africa is the world leader in digital and mobile banking”

3- World Bank, 2023. Somalia Economic Update, page 12.

4- Central Bank of Kenya, 2023 “ANNUAL REPORT AND FINANCIAL STATEMENTS 2022/2023”.

5- World Bank, 2023. “Somalia Economic Update, page 12”.

6- Central Bank of Kenya, 2023 “ANNUAL REPORT AND FINANCIAL STATEMENTS 2022/2023”.

7- Deposit Protection Fund of Uganda (DPF). https://dpf.or.ug/

8- Kenya Deposit Insurance Corporation. https://kdic.go.ke/deposit-insurance#:~:text=Conditions%20for%20payout,all%20types%20of%20deposit%20accounts.



 





Click here