4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Mas’alada Sharciyada Xakamaynta Denbiyada Kufsiga
Faaduma Axmed Caalim (Cureeji)
Friday January 20, 2023

Gogoldhig

Anoo ku halqabsanaya xikmaddii murtida lahayd ee Allaha u naxariistee, mujaahidkeennii iyo gabayaagii weynaa, Sayyid Maxamed Cabdille Xasan, “Anoo aan xaajo awgeed la gubay, ubucda jeexeeynin” iyo maahmaahada Soomaaliyeed ee oranaysa, “Allow eexna ha nooga tegin, aqoondaarrona ha nagu cadaabin”, waxaan rabi lahaa inaan si shaamil ah wax uga iraahdo mas’alada murugtey ee Hindise Sharciyeedka Denbiyada Jinsiga (2018) iyo Sharciga Denbiyada Galmada (2020) ay soo kala diyaariyeen Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka iyo Gulahii Shacabka ee Barlamaanka Faderaalka ee 10naad.

Ma ahayn in sharciyo looga hortegayo kufsiga iyo xadgudubyada jinsiga ee loo geysto haweenka iyo carruurta, lana qalad bixin karey, ama lagu badeli karey mid ka wanaagsan, ay sababaan: is-afgranwaag, is-dhaleecayn, iyo is-haaraan, ka dhex oogma qaybo ka mid ah bulshadeenna oo leh mas’uuliin sare, culummo iyo caammo, rag iyo dumar, daljoog iyo qurbojoog.

Labadaas sharci kan badi dhugta dadweynaha soo jiitey, waa Hindise Sharciyeedka Denbiyada Jinsiga. Waxyaabaha laga sheegay oo aan ku jirin, waxaa ka mid ah :inuu ansixinayo sinada iyo falka luwaadnimada, bannaynayana inay afadu ku soo oogi karto saygeeda dacwad fal denbiyeed kufsi haddii uu ku ijbaaro mucaasharada xalaasha ah.

Saasoo ay tahay, waxaa ku jira qodobbadiisa xeerinaya fal denbiyeedka kufsiga dhawr gef oo kala culus ayna ka mid yihiin kuwa soo socda:

A.    Ciqaabta fal denbiyeedka kufisiga oo aan lagu xeerin xukunkii Alle ee xaddiga xiraabada.

B.     Iyadoo aan la caddayn inaan “Qodobka Kufsiga” lagu dabiqi karin mucaasharada xalaasha ah ee labada isqaba, sida lagu xeeriyey sharciyada dalalka Islaamka badidood.

C.     Inay fasiraadda laga bixiyey weerta “oggolaanshaha”ee ku kala xusan faqradaha b) ee Qodobka 4aad-Kufsi iyo Qodobka 6aad - Kufsi Kooxeed, ay qalad yihiin xag naxwe iyo xag macno sharciyeedba.  Oggolaanshaha qofka loo geysto fal kufsi ama xadgudub jinsiyeed, waxay ku xiran  shuruud badan, sida ku qeexan sharciyada dalalka Islaamka.      

Teeda kale, asalka iyo mafhuumka weerta “Marital Rape” ma aha wax laga yiqiin bulshooyinka caalamka, kahor qaybtii labaad ee qarnigii 20naad. Ereybixintaas cusub waxaa soo saarey haweenka dalalka reer galbeedka, waxaana lagu daray sharciyadooda lagaga hortegayo kufsiga oo aan ku ekeyn -sida ay qabaan- falka jinsiga laf-ahaantiisa, balse ahaanshihiisa fal ku dhisan xukun iyo awood sheegasho.

Waxaan maqaalkayga ku soo koobay shan qaybood oo noo iftiimin kara  dhabbaha sharciyeed ee loo raacay meelmarinta labadaas sharci, iyo  fasiraadda, ereybixinta, iyo siiqada loo qoray weerta “Fal-denbiyeedka kufsiga” ee ku jirta sharciyadaas iyo kuwa la ujeeddada ah ee Xeerka Kufsiga ee Dawladgoboleedka Puntland (2016), Qaanuunka Federaalka No (15) 2020 ee Sharciga Ciqaabaadka Midowga Imaaraadka Carbeed iyo Sharciga Ciqaabaadka (2013) Jamhuuriyadda Suudaan.

 

                I.      Wax Ay Shareecadu Ka Qabto Kufsiga iyo Ciqaabtiisa

Diinta Islaamku dumarka waa karaameysay, dulmi iyo xaqiraad badan oo ay ku hayeen mujtamacaadkii ka horreeyeyna waa ka xoraysay. Misana, waxaa weli Caalamka Islaamka  ka jira dad  ku dheggen dhaqammadii laga soo gudbey ee casrigii ximiyadda jaahiliyadda, oo aan badi dumarka ku dhaqayn axkaamta saxda ah ee Diinta Islaamka.

Ka hortagga fal denbiyeedka kufsiga, waxaa noogu filan, iyadoo lagu fuliyo xukumka Shareecada Islaamka ee xaddiga xiraabada. Illowse, taa macneeheedu ma aha, dhawr jeer oo qaysaraan jilicsan lagu dhufto dhabarka ninka falkaas geysta. Balse, waa cadaab xanuun badan, oo aan cafis iyo naxariis lahayn, cibrona u noqonaysa denbiilaha iyo mujrim kastoo falkaas ku kaca, sida Alleheen ku jideeyey Qur’aankiisa Kariimka ah (33: Suurat Al Maa’idah):

“Dhab ahaanti, abaalka kuwa la dagaallama Alle iyo Rasuulkiisa ee arliga ka wada fasaad waa in la dilo ama la callaqo ama isdhaafsiis gacmaha iyo lugaha looga gooyo ama arliga laga fogeeyo, taas oo ah dulli ay dunida ku mutaysanayaan aakhirana waxaa u taal cadaab weyn”.              

                I.      Qodobbada Xeerinaya Fal Denbiyeedka Kufsiga ee

Sharciga Ciqaabta Soomaaliyeed

Fal denbiyeedka la xiriira Kufsiga waa dhawr, waxaana lagu xeeriyey Sharci Lr.5 ee 16 Disembar 1962 ahna Xeerka Ciqaabta ee Soomaaliyeed (Codice Penale Somalo) iyadoo lagu xusay qodobbada 398, 399, 400, iyo 401. Qodobbadaas waxay la kala xiriiraan Kufsiga (qod.398) Faraxumaynta (qod.399), Kufsiga Labada Qof ee Isku Jinsiga Ah (400) iyo Afduubka ha ahaado guur ama faraxumayn darteed (qod.401). Ciqaabta fal denbiyeedka kufsiga ee ku xusan qodobka 398 waa xabsi 5 ilaa 15 sano oo ku xiran qiimaynta garsooraha.

Tiirarka fal denbiyeedka kufsigu waa:

1.      Inay dhacday galmo aan sharcigu bannayn.

2.      In la adeegsadey xoog ama handadaad, ama inuu qofka loo galmooday yahay qof aan lahayn caqli ku filan, sida carruurta iyo dadka miyirka la.’

3.      Inay labada qof kala duwan yihiin jinsi ahaan (lab iyo dheddig). Kufsiga laba qof oo isku jinsi ah waxaa ka hadlaya qodobka 400 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed oo ciqaabtiisu ka culus tahay tan kufsiga ee qodobka 398.

Kufsigu wuxuu ka mid yahay fal denbiyada lagu oogo awoodda Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Caddaymaha loo cuskan karo waxaa ka mid ah:

1.      Warqadda dhaawac muujinta (referto medico)

2.      Dhaawaca ku yaal korka dhibbanaha ama dhaawaca laga helo korka eedaysanaha ee muujinaya iska-caabin

3.      Marqaatiga.

4.      Qiraalka eedaysanaha.

Maxkamadaha Soomaaliya waxay dabaqaan qodobbadaas la xiriira fal denbiyeedka kufsiga, balse waxaa jira caqabado ka imaada badi dhanka ehelada labada dhinac, iyadoo labada reer ay ka dhex shaqeeyaan odeyaal dhaqameed oo la xaajooda reerka dhibbanaha dumarka ah, kuna qanciya inay ka qaataan reerka eedaysanaha magdhaw iyo meher, sidaasna xaalka lagu dhammeeyo inta uusan sooba gaarin maxkamadda.

Ugu dambayn, waxaa jirta gaabis weyn ee xagga wax ka-qabashada tacaddiyada  loo gaysto haweenka iyo carruurta, sababtoo ah:

§  Inaan dadaal badan lagu bixin caddaymaha fal denbiyeedka kufsiga.

§  Farsamada iyo xirfadda baarista oo aan gaarin heerkii la rabey siiba shaybaarka DNA oo aan la hayn.

§  Sharciga ciqaabta oo duugoobay muddo fogna aan lagu samayn wax tacdiilaad ah.

  Dr.Abuubakar Axmed Cali (Gazali)

              Garsoore Maxkamadda Sare ee JFS

 

III  Qodobbada Meelmarinta Sharciyda ee Golaha Shacabka

Awoodaha dastuuriga ah ee Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka oo ay tahay in loo adeegsado meelmarinta shuruucda la horkeeno, waxaa ka mid ah:

Qodobka 69aad. Awoodaha sharci-dejinta

(1)     Golaha Shacabku wuxuu leeyahay awood sharci-dejin oo ah:

a)        Inuu ansixiyo, wax ka beddelo ama diido sharciyada la horkeeno;

b)        Inuu curiyo sharci kasta oo cusub oo aan ka ahayn kan la xiriira

  miisaaniyad sannadeedda.

 

Qodobka 82aad.  Hindise sharci qabyo ah oo Golaha Shacabka ka bilowday:

  

(1)        Golaha Shacabka marka la horkeeno hindise sharci qabyo ah waxaa u

     furan :

a)      Inuu u ansixiyo sharcigaas sida uu yahay, ama inuu ansixiyo asaga oo wax ka bedeley, markaasna u diro Aqalka Sare si uu u ansixiyo:

b)      Inuu diido, kuna wargeliyo Aqalka Saree ee Barlamaanka Federaalka,

isaga oo raacinaya sababaha loo diidey.

IV  Ereybixinta iyo Siiqada Qodobbada Kufsiga La Xiriira

Takhtarka, qaaliga, iyo wadaadka tafsiir ama afti ka bixinaya mas’alo diineed, midna kama xishoodo ku dhawaaqista ereyada qofka caadiga ah uu aalaaba afkiisa ka dhowro.

Qodobbada shanta sharci ee soo socota, waxaa laga garan karaa in tafsiirkooda iyo ereybixintooda waxa loola jeedo faldenbiyeedka kufsiga ayan wax weyn ku kala duwanayn. 

1.      Sharciga Kufsiga ee Dawaladgoboleedka Puntland  (2016)

Sharci Lr.4.ee 02 September 2016: Sharcigaas oo dhaqangalay, waxaa saxiixay Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynihii Hore ee Dawladgoboleedka Puntland, kadib markii uu ansixiyey Golaha Wakiillada ee Puntland.

Cutubka Labaad – Denbiyada Galmada

Qodobka 6aad

Kufsi

 

1.    Qof kasta oo si ula-kac ah geliya xubintiisa taranka heerkay doonto gelintu ha ahaatee farjiga, dabada, ama afka, Qof kale si khasab ah, waxaa loo aqoonsanayaa kufsi waxaana lagu xukumayaa axkaamta ku qeexan Qodobka 29aad ee xeerkaan, marka lala akhriyo Qodobka 27aad ee xeerkaan.

2.      Axkaamta ku xusan faqrada 1aad laguma dabbaqayo gelinta walax aan ahayn xubnaha taranka oo loo sameeyay ujeeddo caafimaad ama baaritaan dambi.

3.      U guurinta dhibbanaha dumarka ah denbiilaha kufsaday waa in aanu noqon qiil loo adeegsado in eedaymaha ku xusan xeerkaan looga baajiyo.ku soo oogiista denbiga.

4.      Magdhaw siinta dhibbanaha ma noqon karto mid meesha ka saarta denbiga ama ciqaabta xeerkaan qabo.

5.      Qof kasta oo isku daya gelidda denbiga ku xusan faqrada (1aad) marka lagu helo waxa uu mudanayaa xabsi gaaraya saddex sano ilaa shan sano.

6.      Qodobkaan laguma qaadi karo labada Qof ee xalaasha isku qaba.

7.      Haddii ay caddaato in labada qof ay si sharci darro ah raali isaga ahaayeen

             falka galmada, waxaa laga soo qaadayaa fal denbiyeed galmo oo Zino ah 

             taas oo lagu xukumayo xuduudda Alle u jideeyey ee ku xusan Shareecada.

2.      Hindise Sharciyeedka Denbiyada Jinsiga (2018)

                                            

Qaybta (2)

                          Denbiyada Jinsiyeed

Qodobka 4aad

   Kufsiga

1.      Qof kasta wuxuu gelayaa fal denbiyeed kufsi ah haddii uu:

a.      Si ula kac ah, geliyo haba yaraatee, wax kasta ee la geliyo daloolka xubinta taranka, futada, ama xubinta taranka ee qof kale, una adeegsado wax kasta ama xubin ka mid ah jirka; iyo

b.      Qofka kale uusan oggoleyn wax gelinta.

1.           Qof kasta oo gala fal denbiyeedka ku xusan Qodobkan, waxaa lagu

  xukumayaa xabsi aan ka yareyn toban sano kana badnayn shan iyo toban sano.

2.          Qof kasta oo isku daya fal denbiyeedka ku xusan Qodobkan, waxaa lagu

    xukumayaa xabsi aan ka yarayn toddoba sano kana badnayn toban sano.

3.      Sharciga  Denbiyada Galmada (2020)

                        Qaybta 2aad

                   Fal Denbiyeedka Galmo

                                    Qodobka 7aad                             

                                 Xad-gudub Galmo

1.      Xad gudub galmo waa marka si kas ah qof qaangaar ah uu qof kale “yar ama weyn” uga qabto, ka taabto, ama taabsiiyo xubinka ama qaybaha kiciya shucuurta jinsi marka labada qof oo is oggol ay wadaagayaan fal galmo.

       qabto, ka taabto ama taabsiiyo xubinta taranka ama qaybaha kiciya

                                           Qodobka 9aad

                                                Kufsiga

2.      Kufsi waa fal galmo ama jinsi oo qof ku sameeyo mid kale, iyadoo aysan

              jirin oggolaansho, sida badanna ku dhaca qaab gabboodfal oo iskeeda loogu     

              mutaysanayo xukun ciqaab iyo xukun ciqaab iyo mid madani .

3.      Kufsigu waa fal denbiyeed qof si toos ah oo si kas ah ugu bareero gelitaankiisa, falka denbigaasna wuxuu dhacaa marka labada xubnood ee taranka ee labada jinsi ay isgalaan, is gaaraan am a god kale ee qofka la kufsaday la geliyo xubinta taranka ee labka.

4.      Midowga Imaaraadka Carbeed

      Qaanuunka Federaalka No. (15) 2020

     Sharciga Ciqaabaadka

Qodobka 354:  Iyada oo aan wax loo dhimayn axkaamta Sharciga Dhallinta Habawsan iyo Hoylaaweyaasha, qof kasta oo xoog adeegsada si uu galmo jinsi ula yeesho qof dheddig ah ama fal luudnimo qof lab ah, waxaa lagu xukumayaa ciqaab dil ah.  Xoogista waxaa loo ictibaarayaa caddayn haddii ay da’da dhibbanuhu ka hooseeysey afar iyo toban sano goorta uu fal denbiyeedku dhacay, ama haddii aan dhibbanuhu xor u ahayn oggolaanshihiisa sabab ah da’da oo yar, waalli, ama miyirbeelid. 

5.      Jamhuuriyadda Suudaan

      Sharciga Ciqaabaadka (2013)

Kufsiga iyo Denbiyada Kale ee Jinsiga         

Qaybta 316 – “ Kufsiga oo la tilaamay”: Nin fal kufsi ayuu galayaa waxaa la yiraahdaa, kan, marka laga reebo xaaladda laga filanayo qaybtaan iyo qaybta 316A galmo jinsi la yeesha gabar iyada oo aan raalli ka ahayn ama aan oggolayn; waxaase shardi ah in oggolaanshaha gabadha ay da’deedu ka hooseyso siddeed iyo toban sano uusan yeelanayn macno oggolaansho xagga Qaybtaan dhexdeeda.

Ka-baxsanaan xukun: Galmada uu nin la yeesho afadiisa ma aha kufsi, xagga macnaha Qaybtaan dhexdeeda. 

Qaybta 317- “Kufsi”: Qof kasta oo gala fal kufsi, marka la xukumo waxaa lagu ciqaabayaa xabsi muddo aan dhaafsiisanayn afar iyo toban sano, waxaa kale oo uu mutayasan karaa ganaax.    

V. Waraysiyo iyo Mawaaqif

 Marwo Xaawa Yuusuf Axmed 

Guddoomiyihii Guddiga Xuquuq Al Insaanka ee Golaha Shacabka

Kalfadhi uu Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka ee 10naad yeeshay subaxnimadii 8dii August, 2020, waxaa jadwalkiisa  ku jirey, lagana dooday qabyoqoraal Sharciga Denbiyada Galmada ee uu Guddoonka Goluhu soo diyaariyey, xogtii iyo talooyinkii ay  Guddoomiye Xaawa Yuusuf Axmed u soo jeedisay xildhibaannadana waxaa ka mid ahaa:

§  In waxa ay 275ka xildhibaannadu u joogaan Golaha tahay, inay wixii qaldan toosiyaan, illeen xeer qabyo ah oo dhaqan Golaha lama  keenee, ay tahay shaqadooda, inay wixii ka qaldan saxaan, wixii ka dhimman ku daraan, wixii aan loo baahnayna ka saaraan;

§  Inay jirto baahi aad u ballaaran iyo xanuun yimid oo u baahan in loo helo sharci xakameeya kufsiga aan saqiirkuna ka badbaadeyn;

§  In markii la sameynayey Xeerkii Ciqaabta ee 1968, aysan dalka ku badnayn maandooriyeyaasha, suntan la isku buufiyo, iyo cajaladaha muujinaya muqaallada dhiirigelinaya sinada, kufsiga iyo fawaaxishka kale;

§  In Guddiga Xuquuq Al Insaanka loo soo gudbiyey kana doodaay hindise-sharciyeedkaan iyo afar kale oo ay soo kala gudbiyeen: Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuq Al Insaanka, culummo Soomaaliyeed, qareenno Soomaaliyeed, Guddiga Xuquuq Al Insaanka, iyo midkaan Golaha horyaal.

Mursal Maxamed Cabduraxmaan

Guddoomiyihii Golaha Shacabka ee

Barlamaankii Federaalka ee 10aad

Kalfadhi uu Golaha Shacabku yeeshay 14kii Sebtember, 2020 Guddoomiye Mursal Maxamed wuxuu xildhibaannada ku wargeliyey arrimaha soo socda:

·         In sharciga ay Wasiiraddu u soo gudbisey Barlamaanka uu fasaxayo Zinada iyo in dad khaniisiisn ah ay isu tegi karaan maxaayeelay “futada” ayuu ka hadlayaa;

·         In markii ay xukuumaddii hadda dhacday ansixisay sharcigaan ay culummada Soomaaliyeed oo dhan ka hadashay, qaarkoodna ku sifeeyeen dadka sharcigaan soo  ansixiyey ayan Islaam ahayn;

·         In sidaas darteed, loo xilsaaray Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka [Mahdi Guuleed} iyo guddii uu madax u ahaa, ayna ka mid ahaayeen culummo Soomaaliyeed oo la yaqaan si ay sharciga u saxaan;

·         In markii sharcigii oo la soo saxay loo geeyey Wasiiradda, ay wasiiraddii diiddey in wax laga beddelo;

·         In Ra’iisul Wasaaraha [Xasan Cali Khayrre] loo soo bandhigay dukumentigii sharcigaas oo la soo saxay, ayna ka soo shaqeeyeen culummoo aqoon u leh sharciyada iyo sharciyaqaannada Golaha, lagana codsaday inay wasaaraddu ku soo darto [qodobbadii la saxay] ayna xukuumaddu mar labaad Golaha u soo gudbiso;

·         Inuu ku jawaabay inuusan awood u lahayn inay wasiiraddu wax ka qaadato dukumentigaas oo uu Goluhu siduu rabo ka yeelo.

·          In fadhi lalay yeeshay Guddiga Joogtada lagalana tashaday, sida laga yeelayo sharcigaas ka soo horjeeda Shareecada, uuna Guddigu ku teliyey inaan dib loogu celin Wasaaradda ee uu Guuddoonka Barlamaanka, oo adeegsanaya awooddiisa sharci-dejinta, bilaabo dejin sharci cusub, sharcigaas oo guddigii loo magacaabay soo diyaariyey [Sharciga Denbiyada Galmada]. 

 

Deeqa Yaasiin, Wasiirkii Hore ee

Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuq Al Insaanka     

Waraysi ay Marwo Deeqa Yaasiin la yeelatay Yusuuf Xasan, weriyaha Shabeelle TV - Barnaamijka Garnaqsi ee 20 Sebtember, 2020, waxay ayada oo caddayn ka bixinaysa sababaha dheliyey buuqa ka dhashay Hindise Sharciyedka Dembiyada Jinsiga oo soo maray Xeer Ilaaliyaha Guud, uuna ansixiyey Golaha Wasiirrada, waxay sheegtay:

§  In bishii Sebtember, 2018, xildhibaannada Golaha Shacabka loo qaybiyey Hindise Sharciyeedka, si ay u soo akhristaan, dooddisa kadibna uu Goluhu go’aan kaga gaaro.

§  In Wasaaradda oo ku xisaabtameysey habraaca sharci-dejinta Golaha Shacabka ee ku qeexan Xeer-Hoosaadka Golaha, ay  sugeysey in loogu yeero akhriska kowaad, si Wasiirka Wasaaraddu uu faahfaahin uga bixiyo;

§  In ay ahayd in sharciga loo gudbiyo Guddiga Arrimaha Xuquuq Al Insaanka ee Golaha Shacbiga oo xaq u lahaa in, inta aan sharciga la marsiin ahkriska labaad, la siiyo fursad uu kula kulmo Wasiirka, si looga wada munaaqashoodo;

§  In uu sharcigaan ahaa qabyoqoraal sida sharci kasta, sidaa darteedna  wax ka dhimmanaan karaan, waxna lagu fikrad kala duwanaan karo, lana sixi karay.

§  In ay bishii Agoosto, 2020, Wasaaraddu ogaatay in Goluhu sameeyey hindise sharciyeed ku magacaaban Hindise Sharciyeedka Dambiyada Galmada loona qaybiyey xildhibaannada;

§  In aysan Wasaaraddu gudbin Sharciga Dambiyada Galamada ee Guddoomiye Mursal iyo Guddumiye Ku-xigeen Muuddey kaga hadleen kalfadhigii Golaha ee 14kii Sebtembar, 2020;

§  In hindiise sharciyeedka ay Wasaaddu gudbisey ku jirin wax dhiirrigelinaya sino ama qowmu luudka meelaha laga sheegayo;

§  In arrinta sharcigaas siyaabo kala duwan dartood loo siyaasadeeyey dadkana la qalday.

Ifraax Cabdi Nuur: Siyaasadaynta Hindise Sharciyeedka Denbiyada Jinsiga

Waraysi kooban oo aan la yeeshay Ifraax Cabdi Nuur oo ahayd La-Taliyaha Arrimaha Awoodsiinta Haweenka ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuq Al Insaabka, haddana ah La-taliyaha Wasaaradda Garsoorka, Awoodsiinta Haweenka, iyo Xuquuq Al Insaanka ee Wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dib-u-dhiska ee Puntland, waxay ii sheegtay:

Ø  In hindise-sharciyeekaani ahaa xeer ciqaabeed looga hortegayo kufsiga, isku dayga kufsiga, xadgudubayo kale ee la xiriira jinsiga, iyo waxyaabo kale oo dhiirrigelinaya fal kasta oo anshax xumo ah;

Ø  In inta aan Barlamaanka loo gudbin, laguna jirey diyaarintiisa, lagala tashaday qaar ka mid ah: culumaa’uddiinka oo indho u leh Diinta, sharciyaqaanno ku xeel dheer sharci-dejinta, macallimiin jaamacadeed, aqoonyahanno kale, ururrada bulshada rayidka oo leh rag iyo dumar;

Ø  In nasiib darro, ay jiran kooxo rag ah, ayna ku jiraan siyaasiyiin darajo iyo dollar doon ah, oo adeegsada canaasir baahan oo ay gunneeyaan. Raggaas waxaa caadadoodu tahay, inay si xun u siyaasadeeyaan waxkastoo haweenka lagu horumarinayo, ama lagu dhawrayo xuquuqdooda haweenka iyo carruurta; iyadoo gabadhii u hadashana la cabburinayo, niyadda laga jebinayo, la gaalaynayo, dhiiggeedana cid walba loo bannaynayo;

Ø  In la rabo in, haweenka laga dhigo kuwo aan diin iyo siyaasad waxba ka aqoon kana hadli karin, si looga hortago ka-qaybgalka loo dhan yahay ee dastuuriga ah- siiba helitaankooda qoondada 30% ee ay ku leeyihiin xubnaha Labada Gole ee Barlamaanka Federaalka; iyo

Ø  In shaqo laga dhigtay in gabar kastoo nasiib u yeelata jago siyaasadeed oo sare, la dabagalo oo hadalkii ay meel ka jeediso la qalloociyo, bulshadana lagu kiciyo, si ay uga soo horjeesato  kuwa kalena u quustaan.

 Talo Soojeedin

 Haweenkaan iyo carruurtaan dunida lagu cadaabayo, iyagoo waayo la harjadaya nolol ku tilmaaman amni darro, saboolnimo, cunto iyo biyo la’aan, jahli, iyo caafimaad darro, iyo abaaro iyo daadad isdaba jooga, ma aha uun circa ka yimid, ee waa hantida ugu qiimaha badan ee qarankeenna.

Sidaa darteeda, waxay mudan yihiin, kana filanayaan dawladdooda iyo cid kastoo leh dareen waddannimo, ama ay ku beeran tahay raxmad islaannimo iyo insaaniyadnimo in: loo danqado, la daryeelo, la horumariyo, la xurmeeyo, lagana daafaco daalim kastoo noloshoda, xuquuqdooda, iyo xurriyaadkooda duullaan ku ah.   

Sidaa darteed, waxaan Ra’iisul Wasaare, Xamza Cabdi Barre, oo aan ku kalsoonahay qiyaadadiisa wanaagsan kula talinayaa, inaan xakamaynta musiibada  kufsiga loo dejin sharci gaar ah, oo markii la gaaro meelmarintiisa durba dhicisooba.  

Kaa waxaa looga maarmi karaa, iyadoo tacdiilaadka loo baahan yahay lagu sameeyo Sharciga Ciqaabaadka; kuwaasoo soo diyaarintoda ay ku filan yihiin dhawr sharciyaqaan oo ka tirsan Wasaaradda Cadaaladda oo xagga ereybixinta iyo siiqada qorista qodobbada la kaashada afyaqaannada Akadeemiyada Soomaaliyeed ee Dhaqanka, Cilmiga iyo Suugaanta.


Faaduma Axmed Caalim (Cureeji)
[email protected]



 





Click here