4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Fikraddo dhowr ah oo anfacaya ololahiina siyaasadeed, Mudanayaal

Liban Obsiye
Jimco, Sebtember 13, 2019

 

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa horay usii bilaabay olalaha doorashadooda, waxaana la filayaa in marka la gaaro bisha Jannaayo ee sannadka 2020-ka ay sii xoogeysato. Qaabab badan oo ay ku gudbin karaan ayay heystaan siyaasiyiintu, qaababkaas ayay se kala dooranayaan haddba midka si fiican u gudbin kara fariintooda. Kuwa badan ayaa isticmaala baraha bulshada sida Instagram, Telefishinka , Raadiyaal, baro internetka ah iy xitaa qolal aaladda Whatssapp-ka ah si loola socdo taageerayaashoodana ay wax ugu gudbiyaan.

Sababta kaliya ee dib u dhigeysa ololayaasha doorasho ayaa ah in wali aan la aqoon nuuca ay noqoneyso doorashada soo socota ee 2020-21-ka Xildhibaannadda hadda baarlamaanka ka tirsan iyo kuwa doonaya in ay ku soo biiraan ayaa se xaqiiqsan in doorashada soo socota ay ka adkaan doonto middii hore. Si kasta oo ay doorashadu u dhacdo siyaasiyiinta Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay sare u qaadaan farsamooyinkooda olole. Halka ay ka bilaabaneyso waa habka la xiriirka dadweynaha oo ay tahay in la xoojiyo.

Cid kasta oo si dhow u dhageysata khudbadaha siyaasiyiinta Soomaalida waxa uu ka arki karaa dhowr waxyaabood oo aan  isbadalin. Siyaasiyiinta Soomaaliyeed waxay inta badan aaminsanyihiin in wax badan oo la sheego ay la micno tahay in ay wax badan yaqaanaan.

Waxay sidoo kale siyaasyiinta Soomaalida aad u yaqaanaan in ay is ammaanaan , kuwa kalena dhaliilaan iyaga oo aan marnaba eegeyn daldaloolooyinkooda. Masuuliyad shakhsiyeed ayaad mooddaa in ay ka marantahay ololayaasha siyaasadeed ee Soomaalida.

 Had iyo jeer doodoodu oo dhan waa mid qura oo leh aniga ayaa wanaagsan, kuwa kalena waa xunyihiin. Waxyaabo badan  oo ay ku fashilmeen aniga haddaan ahaan ahaa si fiican ayaan u sameyn lahaa. Sidaas waa si aan qaangaar ahayn oo wax kasta fudeyd ka dhigeysa, waxayna qarineysaa cillad weyn oo siyaasigu leeyahay.

Mudanayaal joojiya hadalka badan

Hadalka tirada badan siyaasi ahaan waa dhibaato aad iyo aad u weyn. Farriinta  habboon ee siyaasi gudbiyo waa mid kooban, nuxur leh, si fiican loo gaarsiiyay dadweynaha  loogu talo galay. Khudbaduhu waa in ay noqdaan kuwa la xasuusto oo aan laga xiiso dhigin. Dadweynuhu waa in ay xusuusan karaan qodobadda ugu muhiimsan khudbadda, erayada maadda leh iyaga oo aan innaba aysan dadku dhib ku qabin xasuusashada wixii ay soo maqleen ama aysanba dhihin halmar naga dhammeeya.

Siyaasiyiinta waa in ay mid kale xusuustaan waligaa ku koobnow mowduuca oo haka bixin, tusaale haddii aad waxbarasho ka hadleyso ku ekow iyada oo marnaba ha soo hadal qaadin sidii dowladda joogta ay u musuq badantahay ama siyaasadda xisbigiina ee ku aaddan amniga, sidoo kale ha ka hadlin qalalaase ka socda meel kale oo dalka ka mid ah.

Qof kasta oo si dhow u la socda siyaasadda Soomaaliya waxaa shaki la'aan ah in uu ku raaci doono sida kor ku xusan. Si loo kasbado dareenka dhageysiga ee dadweynaha waa in siyaasyiinta  Soomaaliyeed ay marka hore ay ka soo fekeraan qiimeeyaan nuuca xafladda ay tahay kaddibna wax ku habboon uga hadlaan taas kaliyana ay xoogga saaraan. Waxaa dhici karta in dadweynuhu aysan xiiso u qabin waxa loo yimid  wax aan ahayn,.

Haddii madasha waxa looga doodayo ay hal mowduuc ka badanyihiin siyaasi ahaan waxaa wanaagsan in aad si fiican u fahanto dooddaada aadna soo diyaarsato qodobada muhiimka ah, iskuna daydo in aad jawaabo toos ah ka bixiso su'aalaha la  xiriira mowduuca laga hadlayo.

Hal wax oo aad can ugu ah doodaha, falanqeynta iyo khudbahada Soomaalida ayaa ah fufurashada iyo mahadcelinta dheer oo waqti badan khasaarisa. Hal mar u mahadceli dadka aad u khudbeyneyso oo haku celcelin, horayna u gal mowduuca. Siyaasiyiinta Soomaaliyeed waa in aysan fagaarayaasha iyo madalaha kala duwan aysan uga mahadcelin shaqaalahooda, asxaabtooda iyo qoysaskooda sababtoo ah dadka ku dhageysana waxba kama galin xiriirka idinka dhaxeeya oo sinnaba uma khuseeyso. Sidoo kale sidaas waxay lumineysa waqti badan oo ku bixi lahaa khudbadda aad jeedineyso.

Mudanayaal idinka ma ahan waxa loo socdo

Siyaasiyiin badan oo Soomaaliyeed ayaa sameeya khalad weyn oo ah in ay iyagu yihiin waxa muhiimka u ah dadweynaha. Nasiib darro in badan oo siyaasiyiintaan ka mid ah waxay xaqiiqsadaan in aysan ahayn udub dhexaadka dadkaan marka in badan oo ka mid ah ay joojiyaan xiriirkii ay la lahaayeen oo gabi ahaanba ay dhammaadaan booqashooyinkii loogu tagi jiray  xafiisyadooda, goobaha laga qaxweeyo iyo meelaha kale ee la iskugu yimaado.

Waa markaan marka siyaasyiinta Soomaalida ay bilaabaan in ay walwalaan oo raadis ku bilaabaan oday dhaqameedyada si ay mar kale usoo celiyaan xiriirkii kala dhaxeeyay bulshada deegaan doorashadooda. Sidoo kale xilligaan waa xilliga ugu wanaagsan  ee mucaaradka iyo musharaxiinta isa sharixi raba ay bilaabi lahaayeen ololaha doorashada iyaga oo ka faa`ideysanaya xiriir la'aanta kuwa hadda talada haya ee aan horay xiriir ula lahayn deegaan doorashadooda.

Inta badan siyaasiyiinta Soomaaliyeed waxa ay bilaabaan dadaallo iyaga oo garab ka helaya oday dhaqameedyada ay ku doonayaan in ay isbadal ku sameeyaan hase ahaatee kulamadaas ayaa ku dhammaaday guuldarro sababtoo ah siyaasigu waxa uu ahaadaa mid is difaac ku jira oo aan marnaba ka hadleyn waxa ay dadku rabaan ama hiigsigooda sida amni, shaqo iyo horumarka deegaankooda

Siyaasigu isaga ayaa ah garsoore, xeer beegti iyo fuliye micnaha waxa dhan oo laga hadlayo waa isaga, halkii ay ka ahayd in diiradda la saaro dadka uu doonayo in uu xiriir la sameeyo iyo waxa ay rabaan. Siyaasiyiin badan ayaa marka ay ku guuldareystaan in ay dib ula jaanqaadaan dadka waxay ku qasbanaadeen in ayba saaxadda ka baxaan. Waxa ugu fudud ee uu sameyn lahaa ayaa ah in uu fahmo waxa ay doonayaan oo si uu u sameeyo  dib u eegis dhanka waxqabadkiisa ah, taas ayaana dadka ka dhigi karta kuwa daneeya siyaasiga.

Mudane waxyaabaha waa weyn hakuu muuqdaan

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed sida dhiggooda caalamka oo kale waxay diiradda saaraan waxyaabaha yaryar iyaga oo caqabad ka heysato yeelasha aragti istraatiijayadeed. Waxay inta badan aaminsanyihiin in Soomaaliya aan la yeelan Karin siyaasad ama hab aad dadka kula xiriirto oo waqti dheer jiri kara. Inta badan waxay hadba raacaan meesha loo badanyahay oo taas ayaa go`aamisa ficiladooda ama dhaqankooda siyaasadeed.

Waa dhab in Soomaaliya ay inta badan tahay meel aad u dhib badan, hayeeshe taasi marnaba ma noqoneyso marmarsiyo looga maarmo qorsheynta adiga oo leh hadafyo go`an  si loo helo taageero dadweyne iyo mid baarlamaanba.

Tusaale ficaan ayaa loo soo qaadan karaa baarlamaanka  Soomaaliya oo siyaasad ahaan shaqeynaya, hayeeshe la meel mariyay dhowr hindise sharciyeed. Sharciyadaa baarlamaanku meel mariyay ayaa waxa walwalka leh waxay yihiin in ay kor ka yimaadeen oo aan marnaba lagala tashan dadweynaha.

Sidee sharciyadaas aan dadka lagala tashan loo dhaqangalin doonaa. Dadka maxaa la faray, waxa la faray se sideey u sameyn doonaan? Maxay tahay ciqaabta qofkii ku dhaqmi waaya sharciyada? Jawaab u helidda su'aalahaan waa muhiim ka hor inta aan sharciga la geyn oo aysan meel marin baarlamaanku. Dad yar ayaa inta badan ogaada sharciyada la meelmariyay iyaga oo aan wax fikir ah ka heysan waxa uu noloshooda iyo mustaqbalkooda ugu fadhiyo.

Marka ay timaado gudbinta dhaliilaha iyo khilaafyada u dhaxeeya siyaasiyiinta waxay inta badan iloobaan cidda ay khuseyso farriintooda iyaga oo si toos ah uga weerara dadka ay siyaasadda iskaga soo horjeedaan baraha bulshada gaar aahan barta ay aadka Soomaalidu u istcimaasho ee Facebook oo ay u badanyihiin dhalinta Soomaaliyeed. Ma jirto meel kale oo ay istcimaalaan oo malaha kala duwi lahayd cidda farriinta loogu talo galay iyo cidda kale.

Si siyaasadda Soomaaliya ay u noqoto mid si nidaamsan ay dadku ugu xiranyihiin si ay u dhasho natiijooyin waara oo horumar horseeda waa in siyaasyiintu aysan iska indho tirin masawirka weyn oo aysan siyaasadda kaligood isku koobin. Waa in ay indhahoodu u furan aragtiyaha istaraatiijiga ah intii ay isku koobi lahaayeen aragtiyo iyo dhacdooyin kooban. Intaas waxaa ka sii muhiimsan in ay jirto xiriir toos ah oo ay dadka la leeyihiin oo aan kaliya dhicin xilliyada doorashada ee joogta noqota.

Mudane, Mudane, Mudanel!!

Caalamadda la yaabka oo aan saaray cinwaanka kore waa mid dan laga leeyahay. Calaamaddu waxay muujineysa nacaybka aniga iyo dadka Soomaaliyeed ay u qabaan darajooyinka beenta ah ee siyaasiyiinta aan ka sugeyno in ay nala hadlaan. Sidaas oo ay tahay haddana xilalka iyo mansabyadu waa kuwa muhiim ah oo waxay u muuqataa in bulsho markii sinaan jirtay ay hadda kala sareysiiyaan darajooyinku.

Mansabyadu doorasho kuma guuleystaan, waxba kama badalaan ajendayaasha, qofna ma dhiirigaliyaan. Mansabyada iyo xilalku waa kuwa aan dhaafsiisneyn warqadaha shaqada lagu codsado iyo diiwaanka taariikhda waxqabad. Waxa muhiimka ah marka aad tahay qof la doortay waa in aad la timaadaa waxqabad iyo hawl gudasho. Siyaasiyiinta Soomaaliyeed waa in ay joojiyaan mansab ku faanka oo ay waxqabasho u xeydxeydtaan.

Siyaasiyiintu waa in ay meel iska dhigaan xilalka ay ku khafiifeen oo xooga saaraan sida ay  wax muuqda dadkooda u qaban lahaayeen. Xiriir wanaagsan iyo ka warqabka dadkooda ayay u baahanyihiin si loo dareemo saameyntooda. Si aad u noqoto siyaasi guuleeysta waa in aad saameyn leedahay. Ugu danbeynta in aad saameyn yeelato waxaa ka horreeya in aad si fiican dadka  xiriirka wax ishdhaafsi uu aad u fiicanyahay. Waxaasi oo dhan waa isku xiran yihiin Mudane.

Wixii aragti ah ama tallo ah ku soo hagaaji emailka hoose.
[email protected]
@LibanObsiye (Twitter)



 





Click here