4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Siyaasiinta xil doonka ah “Ar Fahad Yaasiin ha la iigeeyo”

Diraac Salaad Fagaase
February 20, 2017

Siyaasi kasta markii uu doonayo inuu qabto xil waxaa lagama maarmaan ah inuu helo koox kala shaqaysa sidii uu ku hanan lahaa xilka uu raadin, kooxdaas waxay ahaan karaan Xisbi siyaasadeed, Urur diimeed, Ganacsato, Siyaasiyiin magac leh ama Ururo Bulsho, kooxdaas waxay noqotaa kuwo kala shaqeeya ku nagaashaha kursiga ama kooxo wadata danooyin iyo ajandayaal gooni ah.

Doorashadii Madaxweyne Farmaajo kadib waxaa siyaasiyiinta xil doonka ah oo ay ugu horeeyaan kuwa raadinaya Ra’iisul Wasaaraha ay noqotay hadal hayntooda ugu badan “Ar Fahad ha la iigeeyo” waxaa maqlaysaa yaa haya telka Fahad, Waxaa isoo wacay Fahad, Waxaa CV u geeyey Fahad, Waxaa Saxiib nahay Fahad, Waxaa balan qaad ii sameeyey Fahad, Wuu isoo wacay oo waan is weynay, Nairobi ayuu aaday ee yaa haya telkiisa cusub, kii hore waa uu iska badalaye.

Filimkaan waxaan soo daawanay 4 sano ka hor, markii sidaan oo kale Xasan Sheikh Maxamud uu noqday madaxweynaha, waxaa hadal hayntii siyaasiyintu noqotay “Ar Faarax ha la iigeeyo” oo markaas ahaa ninka geed fadhiga u ah guushii madaxweyne Xasan, xaqiiqdiina wuxuu Faarax abuurtay cadaawad badan, madaama uu noqday nin awooda inuu xilalka dadka u kala badalo una magacaabo, wuxuu xiliyada qaar ka awood badnaa madaxdii soo maratay dalka.

Faarax cadaawadii loo qabay waxay gaartay heer Amiin Aamir uu maalin iyo habeen kusoo qaato Cartoonkiisa isagoo loo xiray garabaati calanka Ethiopia ah, waxaana uu noqoday nin yeeshay saxiibo yar iyo cadow faro badan.

Hada cabsidaan qabo ayaa ah in Fahad Yaasin loo xiro garabaati calanka Qadar ku sawiran yahay, waxaanse ku talinaa in Fahad Yaasiin uu maanta ku cibra qaato waxa soo qabsaday Inadeerkiis/Saxiibkiis Faarax Cabdulqadir 4 sano ee la soo dhaafay, oo uu ka fogaado inuu galangal badan ku yeesho go’aan qaadashada madaxweynaha madaama uu dadaal badan la soo galay sidii u noqon lahaa Madaxweynaha Soomaaliya.

Inta aan Fahad Yaasiin ka aqaano 23 sano ee la soo dhaafay waa nin aad u dagan jecelna in dalkaan horumar gaaro, xertii hore oo uu madaxweynanimada kala shaqeeyeyna waxay isku maan dhaafeen qaabka wax loo maamulayo, iyo cida talada loo dhiibayo, waxaana ka rajaynaa inuu noqdo nin oday ah oo siyaasada qaybteeda wanaagsan kala shaqeeya madaxweyne Farmaajo.


Diraac Salaad Fagaase - Agaasimihii hore ee Warfaafinta Xafiiska Raysal Wasaaraha ahana Lataliyaha Wasiirka Maaliyada ee dhanka Saxaafada - [email protected]


 





Click here