4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Raadraaca Erayada af-Soomaaliga

Mahdi Farah
February 12, 2017

Erayo af-Soomaliga ka mid ah ayaan siday ku imaadeen iyo asalkooda lawada ogeyn. Waxaa kamid ah erayga "Gar iyo Garwaaqsi"

Erayga gar waa macno badan yahay halkaanse waxaan ula jeedaa garta ama garnaqsiga. Gar, garaysi, garnaqsi ama garwaaqsi waa erayo la xiriira heeraraka kala duwan ee gartu ka koobantahay. Qofka ku sifoobay gar aqoontana waxaa loo yaqaan garyaqaan oo lamacno ah qareen ama gar-aad (Garaad) oo asna ah qofka garta gala ama caaq...ilka ah ee meelaha garta lagu gelayo loo diro. Eraygani waa mid facweyn, wuxuuna lafdhabar u ahaa xeerar dhaqameedka soomalidu isku maamuli jireen. Sidaas awgeed ayaa afsoomaliga waxaa laga helayaa maahmaaho badan oo ku saabsan garta iyo garqaadista. Sida: Gari laba nin kama wada qosliso, Gari Ilaahbay taqaan, Gaal dil gartiisana sii iyo kuwo kale oo badan. Halkaan kuma soo koobi karo inta qaybood iyo macnooyinka badan ee gartu leedahay, oo waxay u baahantahay buugaag in laga qoro.

Qoraalkaanse waxaan ku raadraacaynaa kuna falanqaynaynaa asalka erayga gar iyo sababta loogu bixiyay xeerbeegsiga ama qanuunka gar. Maxayse tahay xiriirka uu eragygu la leeyahay garka ragga.

Sida lawada ogsoonyahay soomaalidu waxay dhaqamo badan lawadaagtaa faraaciintii hore ee Masar. Fircoon kastaa waxaa caado u ahayd inuu xirto Gar been ah oo laga sameeyey dhogor ari laguna dheereyay bir, dahab ama alwaax kadiban loogu xiray sidii gar oo kale. Garku wuxuu u sameysnaa sida garka orgida oo kale, eeg sawirka hoose. (faraacinadu timaha oo dhan way iska xiiri jireen iyagoo markaas ka fiirinayay xagga nadafada). Garkaas beentaa waxaa xiran jiray Fircoonka, wadaadada iyo qaadiyada (garyaqaanada). Garku wuxuu ahaa haybad dowladnimo iyo tilmaanta saldanada ama qaanuunka. Sida hadda Soomliya ay Duubabaku dadka u kala hagaan. Duub waxaa loola jeedaa cimamada madaxa ugu xiran oo markii la dooranayo loo xiro, taaso tilmaan u ah awoodiisa. Garkuna sidaas oo kale ayuu faraacinada u ahaan jiray calaamad dowladeed. Soomaaliduna halkaas ayay ka soo amaahatay erayga gar oo la macno ah qanuunka ama sharciga. Qofka mas'uulka ah dadkana u kala garqaada ama u kala garsoora waxaa loo yaqaan Garhaye. Taasoo markale ku tusaysa erayga asalkiisa.

Eraygu inuu facweynyahay waxaa kuu cadeynaya kelmada ''garwaaqsi oo katimid gar iyo waaq. Waaq, sida la sheegay, wuxuu ahaa ilaah Soomalidu caabudi jirtay Islaamka hortiis. Garwaaqsi macnaheedu waa garta Waaq qaado ama ku qanac. Sida aan hadda inagu dhahno gar Alle ku g'o.

*****************************************************************************
Fiiro gaar ah: Qoraaladan taxanaha ahi waxay la xiriiraan aragtidayda ama sida aan anigu markaas u arko asalka erayga iyo meesha uu kasoo jeedo. Mana sheeganaayo in aan taqasus u leeyahay ama baaritaan dheer sameeyey.

Mahdi Farah
[email protected]



 





Click here