4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Warqad Furan :135 Oday Dhaqameed-ka soo xulaya Beelahooda xubnaha Ergada Doorashada 2016

Kacdoonka Sinnaanta Jinsiga Soomaaliyeed
Wednesday, July 13, 2016

/images/2016/July/

Ku: 135 Oday dhaqameed oo ka soo xulaya beelahooda xubnaha Ergada Doorashada 2016

Innaga oo ku hadlayna magaca xubnaha Kacdoonka Sinnaanta Jinsiga Soomaaliyeed (KSJS), fadlan naga guddooma salaan sharaf iyo xurma. Mudanayaal, waxaad tihiin hormuudka beelaha Soomaaliyeed oo laga sugayo in ay si hufan oo xalaal ah u soo xulaan xubnaha ergada la doonayo in ay u codeeyaan doorashada aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed. Geedi socodka doorashada dadban ee 2016, gunaanadkii waxaa la isku raacay oo la idinka sugayaa in aad raacdaan oo aad soo xushaan 30% haween ah, inkasta oo aysan ahayn doonisteenii, hadda caddadaas ayaa la qaatay. 

Hadda, Baarlaamka maanta oo ka kooban 275 xubnood, 40 keliya ayaa haween ka ah, taas oo u dhiganta 14% inkasta oo hore loo ansixiyey heshiiskii Garawe II, kaas oo si cad u qoondaynayay 30% haweenka ka mid noqonaya xubnaha Baarlamaanka. Mudanayaal taas waxaa loo aanaynayaa odayaasha beelaha, idinkamana qarsana xantiinu oo tiradani uma muujinayso        horusocod haweenka Soomaaliyeed oo u dhigma 50% bulshada. 

Sida aad ogtihiin, Waligoodba haweenka Soomaaliyeed kaalin aad u weyn ayey kaga jireen halgankii madaxbannaanida, badbaadinta qoyskooda iyo dib u dhiska dalka. Inkasta oo doorkoodu lama huraan yahay, codka haweenka iyo ka qayb qaadashadooda siyaasadda inta badan waa la qiimo tiray, laga tegay oo la iska indho tiray. 

KSJS waa kacdoon caalami ah oo aan dhinac raacsanayn oo ka kooban ilaa 9,000 oo haween Soomaaliyeed ah oo kala duwan, joogana dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba, kuwaas oo u midoobay si ay ugu ololeeyaan sinnaanta jinsiga Soomaaliyeed. Hadafka KSJS waa in la joogteeyo dhaqdhaqaaqa haweenka Soomaaliyeed oo dalka iyo dibaddiisa jooga ee ay ka go’an tahay in ay sare u qaadaan sinnaanta jinsiga iyo tan bulsho ee golaha go'aan gaarista arrimaha dadweynaha ee hiigsiga 2016 iyo wixii ka dambeeya. KSJS waxay si gaar ah oo caddaalad ah u falanqeeysay, jawaabna ka bixisay qoraalka hiigsiga 2016 ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dastuurka qabyo qoraalka ah ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, iyo Dastuurada iyo qorshaha siyaasadeed ee Dowlad Goboleedyada, si loo gelsho jaangooyada jinsiga, iyada oo ujeedadu tahay in la jideeyo ugu yaraan 40% in ay noqto qoondada haweenka ee jagooyinka la magacaabo ama la soo xulo.

KSJS waxay ugu baaqaysaa Odaayasha matalaya beelaha in ay tixgeliyaan jaangoynta qorsha-hawleedka siyaasadeed oo   horumarinaya sinnaanta jinsiga, taas oo ah in 30% haween noqdaan heer walba ee doorashadan. Waxaa la idinka sugayaa in aad soo xushaan 14,025 oo xubnood ee ergada oo ayagu matali doona bulshada inteeda kale. Sidaa darteed, waa in aadan  duudsiin haweenka qaybtooda ergada oo noqonaysa 4,207/8 oo xubnood. Iyada oo la tixgalinayo haweenka oo ah bulshada barkeed, waxaan idinku boorineynaa Mudanayaal in aad xasuusataan in beesha aad matalaysaan ka kooban tahay rag iyo haween, Alle ayaana abuurka iska leh oo wax kama bedeli kartaan, mas’uuliyad ayaana idinka saaran in aadan u kala eexanina mujtamaca aad matalaysaan. Waxaa ayana muhiim ah in aad ka fogaataan aragtiyada ku abuurmay doodii ka aloosantay siyaasadda jinsiga ee Dowladda Federaalka. Xasuusnaada taariikh baa qormayasa, qaabka hab Beeledka ku saleysan ee 4.5 ma jiri doono weligii, ee isweydii baalka aad doonaysid in aad taariikhda ka gasho. 
 
Waxaan ku hanweynahay in doorkan mid kasta oo idinka mid ah uu dardargeliyo ballanta kordhinta tirada haweenka ee ergada aad soo xulaysaan, haweenkuna ay noqdaan 30%. 


Tixgelin,

Guddiga & Xubnaha Kacdoonka Sinnaanta Jinsiga Soomaaliyeed
[email protected]
www.somgem.org 



 





Click here