4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Dhallinyarada Soomaaliyeed: Shaqsiga Sannadka 2015 ee Hiiraan Online



Hiiraan Online
Sabti, Janaayo 09, 2016

Hiiraan Online waxay sannad waliba soo bandhigtaa qofka ama hay’ad tusaale u noqon karta ku hirasho ama wax-qabad. Sannadkii 2015, Hiiraan Online waxay kaalintaas u  aqoonsatay in ay mudanyihiin Dhallinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Dagaalkii sokeeye ee muddada dheer  ka socday Soomaaliya wuxuu sababay burbur qaran oo dhan kasta ah, wuxuuna hor-istaagay hurmarkii iyo rajadii guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Nasiibdarro, burburkaasi, wuxuu saameynta ugu weyn ku yeeshay inta jilicsan ee tabarta daran. Waxaa kale oo uu burburku sababay in ay mugdi gasho himiladii  dhallinyarada Soomaaliyeed oo ahaa mutaqbalkii Umadda. Waxaana xusid mudan in  tirokoobkii ugu dambeeyay ee lagu sameeyay Soomaaliya uu muujinayo in qiyaastii 75%  ay yihiin dhallinyaro ay da'doodu ka yartahay 30 sano.

Daraasad ay 2012kii soo saartay hay’adda horumarinta dadka ee Qaramada Midoobay, waxay ku sheegtay in horumarinta dhallinyarada, nabadda iyo ammaanka ay hortaagantahay aqoon la’aan iyo shaqo la’aan ku habsatay dhallinyada Soomaaliyeed. Waxaa dalka ka qaxay dhallinyaro badan oo nolol iyo horumardoon ah; waxaase nasiib darro ah in dhallinyaradaas badankoodu ku le’deen, lama degaannada saxaaraha, iyo badaha dunida. Qaar kale oo badanna ay ku dandarraysanyihiin xabsiyada iyo xerooyinka qaxootiga ee dunida daafaheeda.

Dhalinyarada ku sugan waddankii gudihiisa ayaa ayaguna ah kuwa ay daashadadeen shaqo iyo waxbarasho la'aan, tasoo ay waliba u dheertahay welwel ay ka qabaan nabadgalyadooda. Waxayna dad badan oo daraaseeya amuuraha Soomaaliya ay aaminsanyihiin in dowladda Soomaaliya iyo Hay'adaha Caalamiga ah ee taageeraba ay ka gaabiyeen kaalintii kaga aadanayd horumarinta fursadaha shaqo, farsamo iyo waxbarasho ee dhalliyarada. Arrinkaasina wuxuu keenay in dhallinyaradii ay noqdaan kuwo u nugul ka qaybqaadashada dagaallada sokeeye iyo fikradaha gurracan ee wax burburinaya. Waxaana nasiibdarro ah in badan oo ka mid ah dhallinyaradii Soomaaliyeed laga dhigtay xaabo lagu huriyo dabka damintiisu ay adkaatay ee ka holcaya Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, ayadoo ay jiraan culeysyada kor ku xusan ee ay la hardamayaan dhallinyarada Soomaaliyeed, haddana waxaa jirta rajo soo muuqaneysa, marka la qiimeeyo daadaalka iyo dulqaadka ay muddooyinkaan dambe muujiyeen  in badan oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed, gudaha iyo dibaddaba. Waxaa muuqata  in wax badan ay ka baranayaan waayihii qallafsanaa ee la soo maray.

Waxaa  jira dad badan oo Soomaali ah oo si way u quudarraynaya kaalinta hoggaamineed ee dhallinyarada, waxaadse mooddaa in arrinkaas ay ku gudbanyihiin labo arrimood oo culculusi.  Tan hore, waa ayada oo ay muuqaato in dadka usha u haya isbeddelada siyaasadeed ee ka dhacaya Soomaaliya ay ka cagajiidayaan in dhallinyarada laga qaybgeliyo go'aannada looga arrinsanayo aayaha umadda. Tan labaadna,  waa dhallinyarada oo lagu dhaliilo in ay marti ka yihiin aayaha umaddooda, ayna sugayaan in loogu yeero kaalin hoggaamineed oo loo bisleeyahay.

Waxaa marag-madoonta ah in dhallinyaradu ay tahay mustaqbalkii ummadda Soomaaliyeed ee rumayn lahaa, hiigsiga danaha iyo rajada Soomaaliyeed gudaha iyo dibadaba. Hiiraan Online, waxaa aad u soo jiitay, xiiso wayna galiyay koritaanka tirada dhalliyarada Soomaaliyeed iyo dadaalka iyo firfircoonida ay muddooyinkaan dambe la soo baxeen. Waa arrin habboon dhallinyaradu ka faa'deysataan cududdooda, ayna u istaagaan badbaadinta umaddooda ayagoo ku dayanaya  dhallinyaradii awooweyaashood ahaa ee hormuudka u noqday halgankii gobonnimodoonka, nsiibkana u yeeshay iney dhidibbada u taagay qarannimada Soomaaliyeed. 

 Waxay nala tahay inay  waajib ku tahay dowladda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, in si dhaw looga faa’iidaysto xoogga ballaaran iyo aqoonta dhallinyarada, fursadna loo siiyo iney kaalin muuqata ka qaataan hoggaaminta iyo horumarinta bulshadooda. Waana in la xusuusnaada in haddii aan awoodda dhallinyarada looga faa'ideysan si saxda ah, ay dhaceyso in kooxo kale ay awooddaas uga faaídeysan karaan dhinac khaldan.

Hiiraan Online, waxaa sharaf weyn u ah inay sannadka 2015 u dooratay  sanadkii dhallinyarada Soomaaliyeed, waxayna ugu hambalyaynaysaa horumarka dhan walba ah , iyo halganka ay ugu jiraan  sidii ay umaddooda u gaarsiin lahaayeen horumar, sinnaan iyo caddaalad, waxayna u rajeyneysaa guul.

Bahda Hiiraan Online waxay sannad waliba u doorataa shaqsiga sannadka qofka ama dadka  hawlo wanaagsan ka qabtay hurumarinta ummadda Soomaaliyeed.

Halkaan ka aqriso shaqsiyaadkii horay ugu guuleystay



 





Click here