4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wacyi gelinta isticmaalka baraha bulshada (Social Media)

by Ismail D. Osman
Friday, February 12, 2016

 

Macluumaadka aan ku soo qorno baraha aay bulshada ku kulmaan (Socail Media) annagoo markaa is leh wax dhib ahi kama iman karo, ayaa waxaa akhristoow aad bixineysaa macluumaad farabadan oo adiga kugu saabsan ama qof saaxib ah ama qoyskaada ah ku saabsan, taasoo u sahleysa tuugada internetka (Criminal Hackers) in aay kaaga faa'iidestaan macluumaadkaas oo aay u sahasho in aay xadaan aqoonsigaada ama midka qofka aad macluumaadkiisa bulshada u soo bandhigtay, sida maalintaad dhalatay, da'daada, cinwaanka iyo telefonkaada numberkiisa.

Mumiimada ugu weyn waa aqoonsigaada (Your Identity). Baraha bulshada aay ku kulmaan waxaa aay u sahashaa tuugada (Hackers) in aay helaan macluumaad lagu kalsoonaan karo iyagoo helaayo soo saarida macluumaadka aad adiga siisay baraha bulshada, adigoon ka fekerin "Yaa isticmaali kara" ama "Halkee lagu keydinayaa macluumaadkaas"

Walaaca ugu weyn xogta adiga kuu gaarka ah iyo xaddiga warbixinada aad siineysid baraha bulshada ku kulmaan, ayaanan u muuqan in mid dadka badankooda aay ka qabaan dareen fog, oo inta badan yareeysta amaba u haysta waxa aay qorayaan in uu yahay macluumaad xafidan (Secure Information).

Xataa haddii aadan wax ku soo qorin baraha bulshada ku kulanto (Social Media), saaxiibada ama qoyskaada ayaa si aan kutalagal ahayn u soo bandhigi kara xogtaada boggaga aay ku leeyihiin sida, Facebook,  sida halka aad ka shaqeysid, cinwaanka halka aad degen tahay, waxa aad xiiseysid ama telefon numberkaada, waxaa suurta gal ah cadadda macluumaadka uu qof kaa gudbin karo in aay yar tahay, balse iyadoo aay istacmaalayaan macluumad aad u yar oo adiga ku quseeya, ayaa waxaa u suurto geli karto in aay isticmaalaan habab kale oo u sii fududeeynaya sidii aay ku heli lahaayeen macluumaad dheeri ah oo adiga ku quseeya, tusaale ahaan: Waxaa aay sameysan karaan account ama bar been abuur ah sida linkedin.com si aay kuula soo xiriiraan maadaama uu yar yahay shakiga laga qaba linkedin oo ah bar la isku dhaafsado xogag dadka shaqo doonka ah, ama raba in aay si joogta ah ula socdaan waxa markaas aay jecel yahay dhanka shaqada ah iyo dadka la shaqeeyaba, (Social Networking) waxaana suurta gal ah in aay halkaa ka helaan macluumaad dheeri ah oo aay kuu isticmaalan si loo helo aqoosigaada saxda ah (True Identity).

Halista Macluumaadka laga heli karo baraha bulshada.

Marka la soo koobo dhammaan baraha bulshada aay xogaha isku dhaafsadaan, waxaa ugu caansan facebook, marka aay timaado helida macluumaad iyo sirdoonka laga helo baraha internetka.  Danbiilayaasha internetka ayaa si joogta ah u eega facebook si aay mar walba u helaan xogo qaas ah iyo macluumaad xasaasi ah, inta badana waa aay helaan macluumaadka aay raadinayaan iyagoo aan gelin dadaal badan. Haddaan tusaale kale aan u soo qaato twitter, inkastoo la xadiday oo kaliya aad diri karto 160 xarfood oo aadan ku gudbin karin macluumaad badan, haddana waa suurto gal in wax uun laga helo. Waxaa kale oo jira in inta badanna dhacda in aad isticmaasho password adag, balse dadka badankood waxa aay passworkaas oo kaliya u isticmaalaan dhammaan aaladaha internka sida, facebook, twitter iyo email.  Waa halis in aad password isku mid ah u isticmaashid internetka. 

Haddaan dhinac kale ka eegno, waxaa laga yaabaa in aad is leedahay passwordkaada wuu adag yahay in la jabsado, balse akhristoow ogsoonow in password adag aanu jirin oo laga yaabo inta badan in wax ka yar saacad lagu jabsado laguna helo passwordkaada, iyadoo la istaacmaalay aalado casri ah oo fududeynaya in wax ka badan 3 milyan oo xarfo oo la isku aadiyo si loo helo xarfaha iyo numberada saxda ah ee passworkaada (Bruteforce attack).

Sida xaqiiqda ah ee la wada ogsoon yahay, helitaanka macluumaadkaada ee baraha bulshada ma ah danbi. Tusaale ahaan; haddii aad ku leedahay bog facebook, macluumaadkaada oo dhan waxaa helaya googleka, taasoo ka dhigeysa macluumaadkaas mid u furan qof walba oo googlka kaa baara, iyadoo loo eegin in qofkaas facebook leeyahay. Waxaa akhirstoow muhiim ah in marwalba aad ku dadaashid bogga aad ku leedahay facebook iyo baraha kaleba aad ka dhigto mid xadidan (Secure Profile) oo aan bulshada oo dhan u furneyn.

Sidee uga dhigi karaa baraheyga bulshada kuwo xadidan?

·         Marnaba hasoo gelinin baraha bulshada macluumaad shaqsiyan ah, oo loo isticmaali karo in shaqsi lagu daba galo ama lagu aqoonsado, tusaale ahaan. Magaca oo buuxa (Full Name, Dhalashada, Cinwaankaada, ama telefonkaada)

·         Marwalba fiiri haddii saaxiibada ama qoyskaada aay baraha ku soo qorayaan macluumaad adiga kugu saabasan oo aan lagu aamini karin baraha bulshada. Waxaa suurta gal ah in saaxiibada iyo qoyskaadaba aay is leeyihiin, macluumaadkan waxba uma dhimi karo qofkaas, balse runta aay tahay in uu noqdo mid qatar geliya aqoonsigaada (Your identity)

·         Furo in lagu ogeysiiyo haddii boggaada, ama emailkaada la galo adigoo aanan ogeyn, si aad isla markiiba tallaabada kugu habboon aad u qaadato.

·         Ka fekir in aad isticmaashid 2FA (Two-way authentication method) in laba password oo kala duwan aad u isticmaashid baraha bulshada & emailkaad.

·         Fadlan; marnaba ha u isticmaalin passworkaada, magacyada carruurtaada, cinwaankaa, ama telefon numbarkaada, waayo waxaad sahleysaa in si fudud laguu daba maro.

·         Aad uga fekir intaa aadan macluumaad bixin adoo isticmaalayo baraha bulshada.

·         Ugu danbeyn: Haddii aad is leedahay adiga noqo kii wax xadayay ama ku haminayay in aad jabsato xogaha aanan kuwaada ahayn, ama raba in uu qof ku xumeeyo baraha bulshada adigoo iska dhigaya qof aadan ahayn (Fake Profile). Si fiican u fekir; Waa laguu soo heli karaa si fudud ama facebook aan jirin isticmaal, ama kuwa kale isticmaal.


Ismail D. Osman
[email protected]



 





Click here