Dr. Abdirahman Beileh
December 31,2014
Heestii Dhambbaal
Jiiftadan Dhambbaal waa hees iskugu jirta talo, tusaale iyda oo guud maraysa sida u manta xaalku yahay, iyo sida ay noqon-karto haddii aan innagu damacno. Waa dhiirrigelin dadka Somaliyeed in ay indhahooda foraan oo ay dhab u fiiriyaan sida ay wax ahaayeen muddaddi 25ka sano ee an soo dhaafnay. In ay isku tashadaan, in ay wax-qabasadaan, in ay tabaabulsheheeda galaan in sanndakani, 2015 ka duwanaado kuwii hore. Wey fududdahay in meelaha la’iskugu yimaaddo si dib-yar looga qaado “ Somaliyeey toosa” maxaase ka qabsoomay? Marka aad dadka jaarkeenna ku dherersato… inteed leegtahay? (how tall are we in comparison with the peoples of neighboring countries!!?) Anigu marakaa ku dherersanjiray lixdannadii iyo todobaatannadii iyo siddeetannadii, wa xasuusnahay halkaan taagnna.
Waxa aan shiki ku jurin in haddii dheelallowga laga tooso, aanay waxbadan qaadan doonin in aan guryo-samo reerka furi-karnno.
Saannad wanaagsan 2015, iyo jiiftadii Dambbaal.
Haddii aanand heestani ku qancin, fadlan raalli ahawa.
Abdirahman Beileh
Sannadka haatan dhammaday ( 2014) ee
Inna dhaafaya caawa
Dambigaan dhigannannay een
Buurtaa dhaaban ka weyn
Rabbi ha innaga dhaafo
Mid kan aan dhur-sugaynno (2015)
Haddeertaan Dhalanaaya
Ee saacado u dhimanyeen
Soo dhaweynta Cabbasoow
Dhag-dhagta iyo ciyaarta
Dhawaqaaga in raaci
Tobannaan iyo dhawr
Dhamac baan hurinnannay
Dadkeenni ku dhammaaday
Sida dhuudhiga caynta
Badhkeen baa dhiigga cabbaayey
Darkaala iskaga dhoofay oo
Ku dhammaday badweyn oo
Gacmahooy hoos u dhigtaan iyo
Dhawrto aadmi ku nool
Dhaqankii anshaxii
Lagu dhaadan yiqiin iyo
Darbaa xuuray dharkii
Dhegaha oo la dalooshiyo
Dhalanteed ku asqaysan
Hodan weeyi Dhulkeennu e
Dheeftii eebbe na siiyey
Dhab haddan u hadllaynno
Innagaa ka dhaqaaqnnay oo
Ka dhiyaallay habeen
Xumaantaynnu dhitaynnay baan
Dhaxalkeeda qabnnaa
Shayddaan baa inna dhexqaaday oo
kooxba meel u dhaqaajey e
Allahayoow waan kugugu dhaartee
Jiidhkii wuu na dhammaday oo
Dhuuxi baa soconnaayee
Dhawaaqeenna midee (aammiin)
Dhinac noo wada jeedi (aammiin)
Wax badan buu dhutinannay oo
Awrku dheelli ahaayoo
Dhoomahaan ku callaynay iyo
Rabaalkaa dhibayey oo
Lugtii jeeniga dhaaftay oo
Dhuuntaasay fadhidaaye
Ha innoo dhib-yareeyo oo
Sahal haynnagu dhaafsho (aammiin)
Waxa dhiig sunsumaaya
Dhibic maydha ka keeno (aammiin)
Sacabkood dhigataan iyo
Cirka ood dhugataan iyo
Dhawaaqiinna I raacsha oo
Aamiin ii dhaha taas (aammiin)
Afartaa ma dhisaalay
Dhayal looma tiraabee
Dhambbaal jiifatdu weeyee
Halkaa taa an dhaafo
Mid kalaa dhinc taal
Farriin baa igu dheer oon
Ka dhawaajinayaa e
Fura hoy dhegiheenna
Dhagaxaa dixda yaaliyo
Dhadhaab mayhin illayne
Nin dhintoo la xabaalay iyo
Dhamaas aan wax ogeyn iyo
Dundumaan dhaqdhaqaaqine
Dhalliilbaan arkayaa oon
Badka soo dhigayaa e
Bal degeysta dadoow
Dhurwaa gii laga sheegay
Markuu dhuuxay laftii
Ka dhammaystay duxdii
“dhanaakeeda middaan
Dhegahaa’igu dillaacay”
Dhaqankiinnu miyaa?
Afartaa ma dhisaalay
Dhayal looma tiraabee
Dhambbaal jiifatdu weeyee
Halkaa taa an dhaafo
Mid kalaa dhinac taal
Geedkan aad ku dhammaatay ee
Intaad dhuuniga moodday
Habeenka iyo dharaarta
Aroortii Dhilanayso
Dhaqakiinnii halleeyey
Shaqadiinnii dhantaalay
Dhaqaalihii garbaduubay
Qoyskii reer ku dhisnnaa
Dhidibkii nolosha
Wuxuu dhaawac u geestay
Dhaayihiin ha arkaan
Inaad dhaafi kartaan
Maad ka dhaaratid jaadka?
Xilo maad ku dhawaaqdid?
Haddadaa ka dhaqaaqdid?
Haddaad dhiig iyo uus iyo
Inuun dhaaddo qabtaan
In aad beelo dhisayso
Inaad reerka dhaqayso
Inaad Dhaayin hasheenna
Wey yadaa dubatawdaye
Dhuuni geedle furayso
Ka dhabayso cadaawe
Dhaxal aad ka tegayso
Maad ku dhaaratid eebbe
Haddadaa ku dhaqaadid
Afartaa ma dhisaalay
Dhayal looma tiraabee
Ma u yeelay dhextaal
Dhambbaal jiifatdu weeyee
Halkaa taa an dhaafo
Mid kalaa dhinc taal
Dhacadiid iyo jiif
Xoolo kuuma dhaqaan
Dad horaa ku dhammaaday
Dhankaad doonto ka eegoo
Dunidii way inna dhaaftay
Tubtii aan ku dhaqaannay
Dhabbadan aan cagta saarnnay een
Ilaa dawr gu jafaynnay
Dhama’neen ku asqoownay
Dabandaadkiyo quusta
Dheelalaw-socdkeenna
Dallinteenna habowsanee
Dugsi loo dhigo daaye
Cago soo dhigan weydey
Ku dhammaatay badweynta
Sacabkoo ay dhigtaan iyo
Dhawrtadii ku wareersan
Dhul shisheeye ku nool ee
Xayadii ka dhaqaaqday ee
sida neef dhubatoobay
Dhacdhacaysa gidaarka
Dhaqankeennan habawsan
Xishoodkii iska dhiibay
dhaqaalaha kala daatay ee
kuwii dhoofka ka aaday iyo
Dhawrto aadmi ku nool ee
Dhurwaagu uu fadhataystay
Odyaasha dhabcaalay
cid dhegesyata waayey
wadahaysta dhafoorka
ciidda dhaawaca gaadhay
dhirta oo cabanaysa ee
dhegta loo jalqin waayey
dhegoolaynta dadkeennan
dhuganaaya xumaanta
dharaartii Allah goodana
sida geedka dhurwaaga
dhashiisii qalanaaya ee
doobi dhiiga ka laaca ee
labadaa isku dhuuqa ee
dheeraad sii ulanaaya
dawladdaan dhisnay haatan
dherigaan dbaka saarnnay
dhoobdhoobbaan ku jiranna e
nin wallooba dhankaaga
dhidibka maan u adkaynno
Afartaa ma dhisaalay
Dhaxanbbaa inna haysaye
Ma dheereeyey muskii
Dhacanta iyo afsaarka
Buuxsinkii ma ku dhaabay
Marinkaa dhababnnaaye
Ma u yeelay dhextaal
Mad kale oo dhinactaalle
I dhegeyso adeeroow
Laanta geedka u dheer
Halka ay ku dhmaatiyo
Anigaa dhidibkii ah
Dhumucda iyo laxaadka
Dhulkaan duubi karaa
Iyo sheeko-dhurwaadan
In badan baan ku dhabcaalnay
Waxba maynnu ka dheefin
Waxa dhaawaca geystee
Dib inno dhigay weeyi
In badan baan ku dhawaqnnay oo
Haddana ay dhicsowday e
Miyaan dhaafnno qabyaalad?
Xabaal maynnu ku dhaabnno
Dhidibbka maan u adkaynno
Maahmaahdii ina dhooddin
Haddaad dhuumu tidhaa
Dhabarkaaguna muuqdo
Kollay dhawac ku gaadh yoo
Adigaa u dhuman doona
Dhaqankeennu miyaa?
Mid kalaa dhinc taal
Awrkeennii ina dhaayin
Intaan doomaha saarnno
miyaan dhaan u qalqaalnno
Inta u udhixi doono
Dhawr habeen iyo maalmo
Miyaan baadka dhirteenna
Dhanfaruurtiyo looska
Dheemaal maan jalanno
Qaalintii ina dhaaddan
Ayaan dhays ku ogaa oo
Curanaysa dhawaane
Miyaan dhiil culanno
Burcad ma ka dhitaynno.
Inta aan birta dhaabnno
Dhexda suunku qarqooro
Dhareerkeen xadhigoobo
Dhiddigga iyo labooda
Dhididkeenna an maalnno
Dharkeennaa wasakhoobay
Maan dhaleecada maydhnno
Ilahay dininiicsa
Maan salaad u dhaqaaqnno
Dhmmaan aan xajka aadnno
Dhawaan soo noqodkeenna
Dalka oo dhan xoraynno
Ubadkaan dhali doonno
Dhaxal waara u reebnno
Mid kalaa dhinac taal
Sheekaday dhurayaan
Dhiidhaada ay dirayaan
Dhambbaalkay qorayaan
buuraha ay dhisayaan
Somaaliyeey wax dhegeyso
Dhabto maaha sidaas
Ilaahbaydinku dhaarshee
Dhaayihiin ha furmaan
Dhalanteed ha rumaysan
Dhado roob ha u qaadan
Dhaqaaq-joogsigu hawsha
Wax uun buu u dhimaaye
Dheef hadhaaya ma reebo
Dhiidhiya oo ishabyeeya
Dhagaxa iyo cammuudda iyo
Dhoobadeenna madow
Ciidda soo dhombbala
Muruqiinna ku-dheefa
Dharaar yey kala joogsan
Mid kalaa dhinac taal
Dhammaadkeediyo heestan
Dhextaal aan u sameeyo
Soo dhabaan-dhabo haanta
Dhallaanbbaynna sugaaya,
Aanu dhaan u maqannayn
Waxna meel u dhignnayn
Sidii ay u dhasheen
Dhibaato iyo sarseeran
Bahalo ay ka dherggeen oo
Waalidkii dhalay liito
Wax u dhuunyado daaye
Dhagaxii uu ku dul jiifay
Dhinaciisii waxyeelay oo
Dhakafaar iyo ciil
Labadaa dhaban haysta oo
Ilaa dhawr todobaadna
Dheri aan dabka saarin oo
Isba ruugaya dhoosha
Maansadaydan dhambbaal
Haddii aad wax ka dheefi
Amma aad dhabandaadin ood
Dhegahaaga ka oodan
Halkaasay ku dhammaatay
Sannad waca 2015