4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Milicsiga Buugga Farsamada Dagaalka (The Art of War)

Tarjumaaddii Maxamed C. Carkow
Sunday, December 06, 2015

Buugga Farsamada Dagaalka (The Art of war) waa buugga ugu qadiimsan uguna caansan buugagta laga qorey arrimaha dagaalka. Sun Tzu oo ahaa taliye ciidan ee dalka Shiinaha wuxuu qorey Farsamada Dagaalka muddo laga joogo  2500 oo sano. Sun Tzu wuxuu ahaa taliye ku xeel-dheer arrimaha istaraa-tijiada iyo tabaha dagaalka . Sida ku xusan hor-dhaca buugga “waqtigaas dalka Shiinuhu ma lahayn maamul qaran oo mideysan. Dalka oo dhan waxaa ka jirey dowlad-goboleedyo farabadan” kuwaasoo ay ka dhaxeysey dagaallo an dhammaad lahayn (period of the warring states). Waxaa xusid mudan in casriga uu noolaa Sun Tzu uu ahaa isla casriga uu soo caan-baxay xakiimkii nabadda iyo saburka, Confucius.

Buugga Farsamada Dagaalka wuxuu ka kooban-yahy 13 cutub (chapters). Cutubka kowaad wuxuu soo bandhigayaa shanta arrimmod oo kala ah xaqnimada dagaalka (sharciga moraalka), deegaanka, dhulka, taliyaha, qaabka iyo anshaxa. Taliyuhu  waa inuu kala saari-karaa waxa muuqda iyo waxa jira, waana inuu u abuuri-karaa  cadowga xaalad muuqaal ahaan jirta laakiin an xaqiiqa ahaan jirin (is-khatalid). Cutubka labaad  wuxuu fasirayaa dhibaata dhaqaale ee dagaal keeno iyo sida loo guuleysto ayadoon ciidan-kaagu burburin. Cutubka ugu dambeeya buugga (13-aad) oo ah adeegsiga shanta nooc ee jaajuusnimo, wuxuu xiriir la leeyahay cutubyada kowaad iyo labaad.  Cutubyada 3-7 waxay si qoto-dheer u fasirayaan sidii istaraa-tijiadii la dejiyey looga dhigi-lahaa dhaqan-gal. Sun Tzu wuxuu na barayaa waxa loo baahan-yahay si weerar loo-galo loona xoojiyo difaaca, isla markaasna loo abuuro fursadaha guusha. Intaas ka sokow, waxaa qeybtaan buuga ku fasiran sida loo-maareyo loona jaheeyo awooda ciidanka (energy). Sun Tzu wuxuu ku matalayaa tamarta ciidanka sida biyo ka soo-hoobanya dhul sare kuna socda haadaan hoose. Sun Tzu, wuxuu qabaa in aqoonta dhaqanka iyo awoodaha dabeecadda ay noo sahasho maareynta tamarta, buuxinta dal-daloollda iyo jahaynta miisanka xoogga. Cutubyada 8-11 waxay si faah-faahsan u fasirayaan sida loola-qabsado xaaladaha sida joogtada ah isu-beddelaya, tabaha kala-duwan, maamulka dhaq-dhaqaaqa ciidanka iyo ka-faa’ideysga noocyada kala-duwan ee dhulka.  Cutubka 12-aad, Sun Tzu wuxuu fasirayaa sida loo fuliyo weerar ayadoo la adeegsanayo dab. Nuxur ahaan, tanu waa weerar lagu qaadayo degaanka cadowgu ku nool-yahay  ayadoo casriga an ku jirno la adeegsado hubabka ay ka mid yihiin sawaariikhda, sunta kimikada iyo mida baayoloo-jiyada.

Waxaa yaab leh in buug la qorey 2500 oo sano ka hor uu yahay buugga ugu caansan uguna saameyn badan buugagta laga qorey arrimaha dagaalka. Buuggaan wuxuu soo-galay waddamada reer galbeedka qarnigii 18-aad. Sanadkii 1772 waxaa lagu tarjumey afka Faransiika. Afka Ingiriiska waxaa si buuxda loogu tarjumey 1910. Qarnigii 20-aad waxaa bilowdey inuu buugga Sun Tzu daboolo sumcad ahaan buugagtii laga qorey arrimaha dagaalka lagana akhrisan-jirey waddamadda ree galbeedka. Buugaagta magaca dheer lahaa intaan sun Tzu la’ aqoon  waxaa ka mid ahaa buugga “ON WAR” ee uu qorey Carl Von Clausewits (Austria) soona baxay sanadkii 1832. Ka sokow akademiyaasha ciidamada ee adduunka, waxaa buugga Sun Tzu laga dhigaa kulliyadaha siyaasadda,maamulka iyo maaraynta, iyo machadyada dibolomaa-siyadda.

Buugga Farsamada Dagaalka waxaa turjumey  Maxamad Cali Carkow oo  macallin ka-soo noqdey dugsiyada sare ee Canada iyo machadka Foreign Language Institute  of Ottawa (FLIO). Aqoon-yahanku wuxuu la taliye xagga Af-Soomaaliga iyo dhaqanka u noqdey hay’ado ay ka mid yihiin Immigration Canada. Machadka Centre for Refugee Studies  ee Jaamacadda York University wuxuu daabacay qoraal  aqoon-yahanku qorey (Development in a Fragile Environment: The Case of Somalia). Maxamed Cali wuxuu horay ka mid ahaan jiray macalimiintii Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Buuggan Farsamada Dagaalka waxaad kala soo xiriiri kartaa:
Maxamed Cali Carkow
Email: [email protected]
Tel: (613) 600-4825
Tel: (613) 695-1625



 





Click here