4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Kaalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku leedahay dhismaha dalka

Salad Osman Roble
Sunday, April 26, 2015

Taariikhda dhallinyarada Soomaaliyeed waxey baal dahab ah uga jiraan kaalintii ay ku lahaayeen halgankii la dagaalanka gumeysiga, kaasoo ay u hureen naftooda iyo maalkooda sidii Soomaaliya ay gobanimo u gaari lahayd.

Laga soo bilaabo waqtigii gobannimada la qaatay 1960kii, Soomaaliya waxaa ka abuurmay ururo dhallinyaro sida Golaha Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed; ururadan waxay ka hawlgali jireen dalka gudihiisa iyo xiriirka dhallinyarada caalamka iyaga oo ku lahaa kaalin muuqata oo wax ku ool ah.

Billowgii kacaankii Oktobar wuxuu irdaha u laabay Axsaabtii iyo dhamman ururadii bulshada ee dalka ka dhisnaa, muddo kooban ka dib waxaa abuurmay dhaqdhaqaaqyo ururo bulsho oo ay ka mid ahaayeen ururka dhallinyarada Soomaaliyeed, kaasoo kaalin muhiim ah ka soo qaatay ololayaashii dalka lagu dhisayey ee la magacbaxay Iskaa Wax u Qabso, mabda’aas oo lagu dhisay dugsiyo, dhismayaashii golayaasha hanuuninta dadweynaha oo dhammaan degmooyinka dalka laga hirgeliyay; golayaashu waxay saldhig u ahaayeen dhaqdhaqaaqyada dhallinyarada ku hawlanaa sboortiga,  Suugaanta, Abaalika guud  iyo howlgalintoodaba.  Waxaa kale oo dhallinyaradu kaalin muuqata ay ku lahaayeen mashruucii caanka ka noqday dalkeena ee Bacaadcelinta shabeele ee Gobolka Sh/hoose; bacaadkaasoo qatar ku ahaa dhul beereed baahsan iyo wabiga Shabeelle.

 Ururada dhallinyarada Soomaaliyeed waxey kaalin xoog leh ka soo qaateen  Ololihii Far Barashada oo hal ku dhegiisu ahaa ‘  BAR AMA BARO YAAN LAGAA BADIN ‘ dejintii dadkii ku wax yeeloobay abaartii Daba Dheer, oo loo soo raray gobolada koofureed ee dalka. Ururrada dhinyarada Soomaaliyeed waxay ka mid ahaayeen hay’adaha hoggaaminta Dlalinyarada iyo ardada aduunka, iyagoo ku martigalinjirey dalka hooyo shirweynayaal iyo shirarka dhallinyarada WFDY  iyo ardada IUS aduunku oo si weyn loogu qiimeyn jiray, Waxayna ka mid aheyn hay’adaha hoggaaminta ururadaas.

Marxaladihii dowlad la’aanta iyo dagaalada sokeeye, dhallinyarada Soomaaliyeed waxey soo mareen dhibaatooyin aan la soo koobikarin, ayadoo lagu beer dulucsanaayo hayb qabiil ayaa waxaa laga dhigtay xaabo dabka lagu shito iyo maandooriye raashinka looga mid dhigay (Qaadka) si aysan dagaalka uga soo noqon cabsidana looga qaado illeyn waa qof doorsoone, kaas oo dad gaar ahi maqaam iyo maal ku raadsanjireen dhiigooda.           Murtibaa oranaysa (Alla dhallintu waa ma liibaanayaal lagu liibaano). Murti kale waxay oraneysaa  Ka daroo dibi dhal waa markii la arkay wixii lala yaabanaa oo wax kadarani dhaceen  walina isla dhallinyaradii loo adeegsanayo.

Waxaa mahadho ah  cawaaqib xumada ka dhalatay oo ah in dhallinyaradii Soomaaliyeed ay ka iimaan baxaan dalkoodi ayna badaha iyo lama degaannada maydadkoodi waranyahay qaarkoodna xabsiyada wadamo kale ku dacdareysanyihiin, waxaa kale oo  xusid mudan in dhallinyarada dalka gudihiisa ay ku shaqo la’yihiin; waxaa amaan mudan hay’adaha waxbarashada ee u dhabar adeygay in dhallinyaro badan u jaheeyeen dhanka waxbarashada oo maantay aan arkeyno in rajada qaar badan ay soo noqoneyso tiigsanayaanna tacliin sare.

Haddaba haddii aan intaas uga baxo taariikhda,  maxaa la gudboon  mustaqbalka dhallinyarada iyo mas’uuliyiinta dowlada ee ku howlan arimaha dhallinyada, waxaa dalka ka jira ururo dhallinyaro oo si gaar gaar ah u howlgala oo aan laheyn wax isku xira si waxtarkoodu u muuqdo ama ay u yeeshaan awood waxqabad iyo codmideysan oo ay ku difaacaan danaha mustaqbalka dhallinyarada. Waxaa aduunkoo idili isku raacsanyahay in dhallinyaradu yihiin mustaqbalka wadankasta, waxaa  hore loo yiri geedka aad labaatan jir ku beerato ayaad lixdan jir ku goosataa; haddaba si ay u rumoobaan wax yaalaha aan ka soo hadlay waxaa loo baahanyahay in ururada dhallinyaradu isku yimaadaan una howlgalaan sidii ay URUR GUUD oo codkooda iyo wax qabadkooda mideeya  ay u yeelan lahaayeen, macnaha uma jeedo in marxaladaan ururada hadda jira la baabi’iyo waxaa ila haboon in ay dallad guud sameystaan  oo  dhamman ururada oo dhan ay ku mideysanyihiin si ay u yeeshaan barnaamij guud oo ka tarjimaya danaha iyo mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Dhanka dowladda waxaa dhallinyarada ka saaran waajib taariikhi ah sidii marxaladaan looga gudbin lahaa loona diyaarin lahaa wax yaalihii ku dhiirigalin lahaa in dhallinyarada loo jaheeyo  wadadii sidii ay mustaqbal fiican ku helilahaayeen, waxaa ka mid ah:

1.      In la helo waxbarasho qasab ah da’da soo koreysa illaa iyo dugsi sare waa xuquuq caalaamku u aqoonsaday caruurta aduunka oo idil;

2.      In la badiyo goobaha Isboortiga iyo Fanka si ay hiwaayaadkooda u soo bandhigaan kana qaybgalaan tartamada Isboortiga dhallinyarada aduunku ku looltamayaan si ay guulo ugu soo hooyaan wadankooda

3.      In la helo qorshe dhul dan guud loo adeegsado sida Waxbarashada, Libraries, garoomada isboortiga, jardiinooyin, iskuulo, bukaan eegto, saldhigyo hay’adaha nabadgalyada, suuqyo iyo iwm.

Sidaas darted Dowladdeena waxaa waajib adag ku ah in ay dhallinyarada u diyaariyaan sidii ay mustaqbal fiican u yeelanlahaayeen waxbarashadana loo badiyo mid farsamo dhanka beeraha, xoolaha iyo Badda iyo farsamada guud si ay kaalin weyn uga galaan xoogana la saaro shaqa abuurid dhanka mashaariicda dalka lagu horumarinaayo, Haddii ay hay’adahaasi waajibkooda gutaan waxaa soo baxaya jiil wadaniin ah oo Dalkooda, Diintooda iyo sharafkooda dfifaaca umadaha aduunkana wax la qaybsankara.

Dulucda hadalka aan u soo daadago oo aan sheego Dhallinyarada Soomaaliyeed Hantida maguurtida ah ee ay leeyihiin taasoo ay ka dhaxleen Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee aan madaxda ka ahaa intii aysan burburin dowladii dhexe.

1.      Dhul ku fadhiya Xaruntii hore SYL oo aan dhallinyaro ahaan aan ka dhaxalnay oo iminka burbursan iyo dhulka ka bilowda darbiga xaruntaas la gadoomaya wadada ex Anzalooti illaa iyo darbiga dugsiga sare ee Raage Ugaas, dhanka waqooyi darbiga xarunta illaa iyo Darbiga dugsiga sare ee  Raage Ugaas, Ururku Darbi ayuu ku wareejiyay dhulkaas, waxaana loo diyaariyey in laga dhiso  Tuulada SYL ee ay leedahay dhallinyarada Soomaaliyeed waxaana loogu talagalay dhulkaas in laga dhiso;-

a-      Xarunta guud ee dhallinyarada Soomaaliyeed

b-      Garoon kubadda Cagta

c-      Garoon kubadda Koleyga

d-      Xarun farsamada gacanta lagu barto

e-      Dhismo dhowr dabaq ah oo dhallinyarada gobolada iyo dhallinyarada adduunka lagu maartigaliyo

2-      Dhismaha Hotel SYL oo burburku dhacay ayadoo ay u dhimantahay dhameystir fudud , Dhismahaan waa qayb ka mid ah Tuulada SYL ee ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed

3-      Xaruntii Ubaxa Kacaanka (EX Naadigii  Kamaaludiin Salaah) oo loogu tala galay barbaarinta Caruurta waa xarun leh :

a-      qolal wax lagu barto

b-      Guryo degaan ah

c-      Barxad lagu ciyaaro

Waan la socdaa in ganacsato soomaaliyeed lagu wareejiyey dhismahii Hotel SYL ayna dhameystireen, taas micnaheedu ma ahan in ay milkiyaddisu ka wareegtay dhallinyarada Soomaaliyeed, dhulkaas iyo Hoteel  SYL, wuxuu la mid yahay xarumaha iyo hantida maguurtida ah ee ay leeyihiin ururada kale sida Haweenka, shaqaalaha iyo Iskaashatooyinka oo hantidooda aysan cid kale qaadankarin. Waxaan rajeynayaa cidda masuuliyadda dhallinyada qaadaa in ay ka xisaabtami doonta Inshaa Allaahu.

Wasaaradaha Dowladda soomaaliyeed ee kaalinta ku leh barbaarinta iyo u jaheeynta dhallinyarada mustaqbal fiican, sida wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortga, waxbarashada iyo  barbaarinta, Shaqadda iyo arimaha bulshada, Caafimaadka, Arimaha Diinta iyo  arimaha Gudaha, waxaan ku boorinayaa in kaalintooda dastuuriga ah ay ka qaataan wax u qabadka dhallinyarada, sidoo kale Dowladdu  waa in ay ilaalisaa hantida dhallinyarada Soomaaliyeed, waana in ay maalgalin u raadiso dhismaha Tuulada dhallinyarada ee SYL, sidoo kalana waa in dhallinyarada Gobolada kale loo sameeyo xarumo dhallinyarada lagu barbaariyo oo imkaaniyaadkoodu u dhanyihiin, waxaa jira  dowlado iyo hay’ado caalami ah oo lala kaashado.


Salad Osman Roble
Guddoomiyihii hore UDHKS
Email: [email protected]


 





Click here