Thursday November 20, 2014
By Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Waxaa maanta magaalada Copenhagen ee dalka
Denmark lagu soo gabogabeynayaa Shirkii Madasha Iskaashiga ee Heerka Sare oo in
muddo ah la hadal-hayey. Haddaba qormadan ayaa waxey ku saabsan tahay inaan
idin la wadaago waxa iiga baxay ama ra’yigeyga aan iraahdee ee shirka iyo
go’aanadii ka soo baxay.
Ugu horreyntii inta aan u
guda gelin ujeedada qormada aan marka hore wax yar ka iraahdo fikradihii la
aaminsanaa ama la qabay iyo waxyaabihii la isla hadalhaye inay ka soo bixi
karaan, si aan markaas u guda galo aragtideyda waxa iiga baxay. Waxaa in muddo
ahba la hadalhayey shirkan Copenhagen oo dadka qaarkiis ayaa aaminsanaa in
shirkan ay beesha caalamka ujeedooyin kale ka leedahay oo hadal heynta ugu
badneyd ay aheyd in shirkan Road-map lagu sameyn doono, in la soo celin doono
Saxiixayaashii oo Maamulada Gobolada iyo Dowladda Federaalka ay sidii 2012
noqonayaan kuwo wada go’aamiya Hiigsiga 2016. Dhanka kale waxaa jirey fikrado
oranaya bacdamaa Madaxda Sare uu Khilaaf xoogan ka dhaxeeyo in goobta shirka
arrinkan looga hadli doono oo sidii Kampala Accord ama wax u dhigma oo heshiis
ah ay ka soo bixi doonaan.
Bacdamaa shirkan uu ahaa mid
lagu qiimeynayey barnaamijka New Deal iyo heshiiskii Compact oo ay Dowladda
Federaalka iyo beesha caalamku wada saxiixeen bishii September 2013 ee kulankii
Brussels ee lagu dhawaaqay barnaamijka Hiigsiga 2016 ama New Deal. Sidaas
daraadeed, waxaa la aasaasay Hay’adda Isku-Xirka Deeqaha (Aid Coordination Unit)
oo aan runtii aaminsanahay in la’aanteed aysan qabsoomi laheyn waxa qabsoomay,
bacdamaa ACU ay si wanaagsan u shaqeysey isla markaasna ay jireen kulammo
joogta ah oo lagu sameynayey qiimeyn ha noqoto kulamada High Level Partnership
Forum ka oo uu Madaxweynaha shir guddoomiyo, kuwa Somalia Development and
Reconstruction Facility (SDRF) oo uu shir-guddoomiye Ra’iisul Wasaaraha iyo
shirarka Peace & State-building Goals (PSGs) oo ah shan PSG oo qolo walba
ay si gaar ah u shirayeen. Intaas waxaa dheeraa beesha caalamka iyo hay’adaha
caalamiga ah sida World Bank, IMF, ADB iyo hay’ado kale oo iyagana si toos ah
ula shaqeynayey ACU. Tani waxey keentay in Soomaalida oo diyaarsan oo weliba
maamulada dalka laga wada qeybgaliyey talooyinka iyo shirarkaas socday sanadka
inay la soo shir tagaan barnaamij iyo warbixin tibaaxeysay waxyaabihii
qabsoomay caqabadaha jiray iyo inta dhiman sida looga wada shaqeyn karo. Xitaa
waxaa jirey aragtiyo kala duwan oo ku saleysan in beesha caalamka aysan bixin
lacagihii ay Brussels ku ballanqaadeen kuwaas oo ahaa lacago cusub oo yabooh ah
loona qorsheeyey dhanka horumarka iyo dhismaha oo aysan ku jirin kuwa ay
caalamku horey ugu qoondeeyeen Somalia ee socda. Hase yeeshee sanad ka dib
waxaa muuqata in aan la heyn xisaabta dhabta ah ee ku baxday Somalia iyo inay
soo ifbaxday in caalamku lacagihii ay Somalia ay horey u siin jireen inay
xisaabta ku darsadeen. Si kastaba waxaa hadda muuqata isla xisaabtan keeni kara
in waxa dhabta ah la ogaado waa haddii la sii wado dadaalka socda.
Bal aan markan u soo daadago
dulucda qoraalka ee ahaa Haddaba maxaa dhacay? Aniga fikirkeyga marka aan
qiimeeyey shirka inta uu socday iyo go’aamadii ka soo baxayba waxaa ii soo
baxay arrimahan hoos ku qoran:
- In
Shirkan uu noqday mid guuleystay oo Dowladda Federaalka ay la shir tagtay
qorshe si heer sare ah loo diyaariyey, oo ay ka muuqdaan guulaha iyo
horumarka la sameeyey mudadii sanadka aheyd iyo welib iyagoo runta ka
sheegay caqabadaha jira iyo sidii si wadajir ah looga gudbi lahaa
caqabadaha jira oo Hiigsiga 2016 u noqon lahaa mid dhabooba.
- Sidoo
kale waxaa ii baxay in dhammaan mas’uuliyiintii goobta ka hadashay ay wada
qireen in horumar ballaaran la taabtay walow ay dhanka kale ka cabsi
qabeen in siyaasadda cakiran ay howlaha dib u dhigto.
- Tusaale
waxaa u noqon kara horumarka la isla qiray in go’aankii ama
Warmurtiyeedkii laga soo saaray shirka lagu xusay ereyadan “Waxaynu soo
dhoweynaynaa warbixinta ku saabsan horumarka laga gaaray Heshiiska
Hiigsiga Cusub, oo ay ka midtahay warbixinta sannadlaha ah ee Hanaanka Gaarka
ah ee Somaliland, taasoo noqoneysa raadraacii ugu horeeyay ee hirgelinta
Heshiiska Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya.” Oo ku tuseysa in go’aan wada jir
ah la isla qaatay oo la soo wada dhoweeyey horumarka laga garay New Deal.
- Sidoo
kale waxaa la aamaamay doorka Soomaalida oo lagu xusay go’aanada ereyadan
“Taasina waxay asaas u ah in qorsha horumarinta uu ahaado mid ay Soomaalidu
leedahay, garwadeena ka tahay.” Intaa loogama harin oo waxaa la sheegay in
caalamku uu taageerayo oo erayada lagu qoray go’aamada ayaa waxaa ka mid
ahaa “Si arrintan loo taageero waxaa naga go’an inaan horumarino
waxqabadka guddi-hoosaadyada Yoolalka Nabadda iyo Dowlad-Dhisidda (PSGs) ee
Hiigsiga, sidoo kalena aan u qoondeyno lacag u gaar ah mid kasta ee
Yoolalka Nabadda iyo Dowlad-Dhisidda ee Hiigsiga.” Sidoo kale waxaa lagu
qoray go’aanada ereyadan “Waxaan garwaaqsanay in horumar laga gaaray Hanaanka
Maalgelinta Hiigsiga Cusub oo ay ka midtahay sameynta Sanaadiiq
Maaliyadeed oo wada maamulayaan qaramada Midoobay iyo Bangiga Adduunka,
taasoo keentay in gargaarka soo xarooda oo kordhay.”
- Arrinta
ugu muhiimsan ee sheegeysa in horumar ballaaran la gaaray ayaa go’aanadii
soo baxay waxaa ka mid ahaa “Waxaan garwaaqsanahay horumarka ballaaran ee
la gaaray labadii sanno ee la soo dhaafay, oo ku aaddan sidii lagu heli
lahaa Soomaaliya oo aad u xasilloon, nabad ah, barwaaqna ah.”
- Arrimaha
kale ee la ammaanay ayaa waxaa ka mid ahaa horumarka dhanka Dhaqangelinta
nidaamka Federaalka oo lagu yiri war-murtiyeedka sidan “Waxaan
garwaaqsanaya horumarka laga gaaray geeddi-socodka dhisidda
maamul-goboleedyada.”
- Dhanka
Amniga ayaa war-murtiyeedka lagu yiri “Waxaan bogaadinaynaa guusha laga
gaaray hawlgallada ay qaadeen Ciidama Qaranka Soomaaliyeed iyo AMISOM ee
ka dhanka ah al-Shabaab, laguna kala magacaabay Gorgorka iyo Badweynta
Hindiya. Waxaan mar kale xaqiijinaynaa sida ay nooga go'antahay taageerada
aan siino Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamuladda hoos yimaada si
loo jebiyo Al-Shabaab.”…… “Waxaa naga go’an hirgelinta ballanqaadyadii
lagu galay shirkii armniga ee London.” Sidoo kale waxaa lagu yiri
war-murtiyeedka “Waxaan garowsanay tallaabooyinka loo qaaday sidii loo
xoojin lahaa xirfadeynta Ciidamada Booliska Soomaaliyeed,”
- Dhanka
Burcadeedka waxaa lagu yiri “Waxaan soo dhoweynaynaa horumarka laga gaaray
yareynta falalka burcad-badeednimada,”
- Dhanka
Garsoorka waxaa laga yiri “Waxaan soo dhoweynaynaa horumarka laga gaaray
ku dhaqabka sharciga taasoo ku timid dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka iyo
Waaxda Wadajirka ee Hirgelinta. Waxaan aad u amaanaynaa kaalinta ay dadka
Soomaaliyeed ee ay arrintu khuseyso ka qaateen barnaamijyada mudnaanta leh
ee ku dhaqanka sharciga iyo hirgelinta qorshahaas,”
- Dhanka
Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda ayaa waxaa laga yiri “Waxaan
bogaadinaynaa horumarka ay Dowladdu ka gaartay maareynta maaliyadda guud
ee Soomaaliya, waxaana ka mid ah horumarka laga gaaray ururinta dakhliga,
xoojinta siyaasadda miisaaniyadda, iyo xakameynta bixinta mushaaraadka,
iyadoo dowladdu adeegsaneyso habka cusub ee Nidaamka Maareynta Xogta
Maaliyadda.” Sidoo kale waxaa lagu yiri “Waxaan soo dhoweynaynaa “Qorshaha
Ku-Meelgaarka ah ee Adeegsiga Nidaamyada Dalka ee Maareynta Maaliyadda
Guud”, waxaana garowsanahay in hadda la sameeyay Sanduuqa Horumarinta iyo
Dibudhiska Soomaaliya.”
- Dhanka
La dagaalanka Musuqmaasuqa waxaa lagu yiri “ Waxaan ammaanaynaa go’aanka
Dowladda Federaalka ee lagu dedejinayo sameynayta Guddiga Madaxabanaan ee
La Dagaallanka Musuqmaasuqa iyo habsami u hawlgalinta nidaamka garsoorka.”
- Ugu
danbeyntii waxaa war-murtiyeedka lagu xusay “Waxaan go’aansanay inaan dib
u eegid ku sameyno wixii horumar ah ee laga gaara arrimaha siyaasadda iyo
amniga muddo lix bilood gudahooda ah.”
Sidaas
daraadeed, aniga waxaa ii baxay in Shirkan uu ahaa kuwii ugu wanaagsanaa ee
Somalia soo mara oo waxaan is leeyahay diyaar garowga ay sameysey ACU in wax
badan ay bedeshay isla markaasna keeneysa in shacabka ay kalsooni ku qabi
karaan Dowladooda. Soo bandhiga la soo bandhiga waxqabadka Dowladda isla
markaasna ay la socdeen shaqooyin iyo warbixino la taaban karo ayaa ah waddada
kaliya ee Dowladdu ay ku kasban karto kalsoonida shacabka. Shaki iigama jiro
dadaallo aan muddo soo wadnay oo qaarkeen ay naftooda u hureen in maanta aan
arkeyno natiijooyin qurux badan oo wanaagsan, noogana wada baahan inaan wada
taageerno. Horey baa waxaa loo yiri “Ishii buktaay ku bidhaanso’ oo mar haddii
waxqabdkii muuqdo caalamkiina uu qirayo sow ma aha inaan u wada dabaaldegno.
Fadlan
ogow qormadan waa mid ku saleysan aragtideyda ee fadlan waxii dhaliil ama fikir
ama tusaale ah diyaar baan u ahay inaan dhageysto ee e-mailka hoose iigala soo
xiriir.
Abdirahman Omar Osman
(Eng. Yarisow)
La-Taliyihii &
Af-Hayeenkii Hore ee Madaxweynaha Somalia, horeyna u noqday Wasiirka
Warfaafinta iyo Wasiirka Lacagta.
[email protected]