4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Adigoon Dooneyn ha u Dacaayad Sameyn

Qore: Dirir Cabdi Goodax
Saturday, August 2, 2014

HORDHAC

Duruufaha reer guuraanimo oo nolosha Soomaalidu horay iyo hadda si weyn ugu tiirsan tahay ayaa ah kuwo xeeriya in qofku aamino, mudnaan gaara siiyo kuna xirnaado qabiilka, xitta haddii loo gudbay nolol magalo iyo maamul dawladeed. Waxaa taas sii dhiirigaliyay markii lagu hungoobay wixii horumar iyo isbedel nololeed laga filaayay habka cusub ee Dawladnimo iyo Dan guud, sida in la helo Cadaalad iyo Xaqsoor horseeda in ummaddu u sinnaato xil iyo xoolo wixii ka dhexeeya (hoos yimaada Maamulka Dawladda).

Hooska haykalka Dawladnimo, ayaa halkii la adeegsan lahaa aragtida ah in lala yimaado dadaal iyo dhabar-adeyg lagu gaaro horumar bulsho-dhaqaale waxaa la doorbiday halku-dhegga ah “Dhari ninkii u dhaw ayaa lafaha kala baxa” iyo

hab-dhaqan la isaga dayday oo dib-u-dhac iyo dulmi bahiye ah, waa: “Musuqmaasuq, eex iyo sedbursi ku saleysan aragti ehelnimo iyo abtirsiimo qabiil”.

DAGAAL SOKEEYE IYO DURUUFIHIIS

Waxaa arrintu “kadar oo dibi dhal” noqotay markii loo haqaltaagay in dhibaatadi jirtay lagu xaliyo xoog iyo qori caaradiis, taas oo loo abaabulay qaab qabiil. Taasina waxa ay dhashay: bubur (naf iyo maal), barakac , balwad, burcadnimo, baagamuudo iyo balaayo ka sii daran. Ayadoo ujeeddadu isku mid tahay (wax weyn ku kala duwaneyn) ayaa, hadba, la bedelayay magaca iyo muuqaalka dagaalka: Dagaal beleed, mid siyaasadeed, mid daneysi, mid diineed iwm.

Waxaa, guud ahaan, la isla ogol yahay in:

1) lagu jiro xilli taarikheed mudan in lagu magacaabo “marxalad fitno” oo aan laga xishooneyn xumaan iyo xadgulub nooca uu doono ha noqdee.

2) marar badan ereyada, musigga iyo naxiyadda dagaalka waxaa laga soo farsameyaa dibadda iyo dawlado kale oo ujeeddo dhaw iyo mid fog ka leh dalkeena.

3) Waxaan sahlaneyn doorka ay dhibatada jirta ku leeyihiin Hay’adaha Samafalka ,

dagaal-ku-tanaadyada (Tujaarul-Xarbi) iyo Warbaahinta madaxa banaan.

4) Waxaa, sidoo kale, dab, baansiin iyo dabeysha hurisa dilka iyo colaadda noqday dhallinyarada balwada iyo shaqo la’aantu la degtay oo doorbiday in ay noloshooda ku maareeyaan qoriga iyo bastooladda, ayagoo fuliya dilka qofka maalintaas farta loogu fiiqo.

DAGAALKA AL-SHABAAB

Shabaab waxa ay ka mid tahay uguna khatarsan tahay mawjadaha iyo aafada colaadeed ee sida tixanaha (isdabajoogga) ah noo soo maray muddada rubuc qarniga ah. Tilmaamaha u gaarka:

1) Waa cadaw aan aag iyo jiho loogu hagaalo lahayn.

2) waa midkii aad dhashay, kula dhashay, kuu dhaxay, dhinacaada jiifta, dhuunigaada cuna, dhimasho u diyaar ah.

3) Waa cadaw adeegsada habka: dhuumaaleysiga iyo ku-dhufo oo ka dhaqaaq.

Awoodda dagaal ee Al-Shabaab

Dhibaatada iyo colaadda ugu baaxadda weyn ee Al-shabaab waxa ay ku wajahan tahay Caasimadda Xamar, ayadoo ku saleysan fikradda ah “Mas madaxaa laga dilaa”. Hase yeeshee markaad dib u milicsato hawgaladii kala dambeeyay ee ay fuliyeen sida: weerarkii Makamadda Gobolka Banadir,Xarunta UNDP, Xarunta shaqaalaha Turkiga, Barlamaanka iyo Madaxtooyada, waxaa kuu muuqanaya ifafaalo muujinaya in awoodda hawlgal ee Al-Shabaab ay si weyn isku soo dhimeyso. Haddii, ay mar, ku soo hawgali jireen saddex baabuur iyo ilaa 15 ciidan ah, weerarkii ugu dambeeyay ee Madaxtoyada waxa ay tabari ku soo koobtay hawlgal loo adeegsaday hal baabuur iyo saddex qof. Sababtu waa iska cadahay oo waxa ay galeen marxalad tashiil iyo beeqaamin ay sababtay:

1- awood yari ciidan.

2- ayagoo huba in ay sugeyso dhimasho aan laga badbaadeyn.

Guusha Dagaalka Al-Shabaab

Mar haddii aan isla fahamnay nooca dagaal ee Al-Shabaab adeegsato oo si weyn uga duwan midka loo yaqaan “Conventional war” waxa aan la isku diidaneyn in, guud ahaan, doorka Ciidamada Qalabka Sida (CQS) gaar ahaan Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu yahay:

1- xoreeynta dagaanada ku jira gacanta Al-Shabaab.

2- ugaarsiga kuwa ku dhuumaaleysanaya duurka oo caqabad ku ah isu socodka iyo adeegsiga wadooyinka isku xira magaalooyinka.

Balse, marka laga hadlayo la dagaalanka Al-shabaab ee degaan magaalo, waxaa doorka ugu muhimsan qaadanaya Ciidamada wardoonka Sirta (Intelligence

 Service) iyo Dadweynaha oo si hufan oo buuxda u wada shaqeeya. Waa arrin ka tilmaan qaadaneysa oraahda dhaheysa: “War helaaba talo hela” iyo “Ka hortagga ayaa ka fiican daaweynta”.

GABAGABO IYO GUNAANAD

Labo arrimood oo muhimaddooda leh ayaan halkaan ku soo qaanayaa:

1) Midda kowaad: Si dadweynyhu ay doorkooda la dagaalanka Al-Shabaab uga soo dhalaalaan (baxaan) waxaa loo baahan yahay in Dawladdu la timaado Qorshe ku saleysan, waxqabad iyo wacyigalin, soo celiya kalsoonida iyo dhiiranaanta dadweynaha, meeshana ka saara, haddii ay jirto, cabsida ah “Ma badbaadayaa haddii aan wax sheego?”.

2) Midda labaad: Soomaalidu waa dad dhaqan ahaan ku can baxay war-tebinta afka ah “Oral culture”, isla markaan ay u sahlan yahay in wax kasta oo ay maqlaan sii sheegaan ayaga oo aan hubsan in warku yahay mid sugan, jira, dhab ah.

Ayadoo taas la xiriirta, waxaad marar badan maqleysaa dad, ayagoo aan wax ujeedda ah ka lahayn, gudbinaya warar ammaan, dhiirigali iyo borobagaan (iidheh) u ah Al-Shabaab, sida:

b-  Guri kasta qof ayaa u jooga

t-  Wixii aad ka shegto isla markaas ayaa lo tebinayaa.

j-  Magaalooyinka laga saaray ayagaa weli canshuurta ka qaata , kii diidaa gurisa uma hoyan karo.

Iska daa, wadanka guduhiisa ee halkaan aan joogo London ayaa maalin kasta, toos ama telefoon, laguugu sheegayaa hadaladaan iyo kuwo kale oo la mid ah.

Waana sababtaas midda aan ku doortay cinwaanka maqaalka “Adigoon dooneyn ha u dacaayad sameyn – Don’t publicize and glorify Al-Shabab without intending”. Dacaayadda ama Borobagaanku waa qayb muhim ah oo ka mid ah dagaalka, waxa uu saameyn ku yeeshaa niyadda iyo moraalka qofka, iska markaana, waxaa dhab ah in ay adag tahay in goobta dagaalka “qofka iyo hubku” hadafka guusha sugaan, haddii aanay kaabeyn (ku lamaaneyn) moral ama niyad sareysa oo guusha aaminsan. Haddaba, akhristow, soow ma habboona in oraahda aad gudbineysid, saameynteeda garwaaqsan tahay.

Dirir Cabdi Goodax
London, UK
Email: [email protected]



 





Click here