4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
XUSUUS GAAR AH OO IN LA XUSO MUDAN

Friday April 25 2014 

By Maxamed Cusman Cumar

Waxaan raadinaayay qoraallo ama sawirro oo aan rabay in aan soo geliyo website-ga www.ambassadorosman.com. Waa wixii aan uruurinaayay waxii ka haray qaarkood. Badi waxay raaceen billiliqsigii ka dhacay dalka intii dagaalada sokeeye socdeen.

Waxaa isheyda jiitay wargeyskii Xiddigta Oktoobar Rubac Qarni jireystay oo soo baxay, Khamiis, 22ka Febraayo 1990. Sidaas markaan u fiiriyay sawir ku dheggan dhex-bartanka bogga 7aad oo nin dhalin yar oo xaggiisa sare ku qoran TACSI.

Markan hoos u raacay sawirka hoostiisa waxaa ku qoran tacsi ay dirayso qoyska Banza Bruno, Xaajiyo Khadiija Rooble iyo Caruurteeda, Maxamed Banza iyo Xaaskiisa Sahra Banza.

Reer Banza Bruno magacooda markaan arkay ayay igu soo dhacday Banza Bruno oo ka mid ahay macallimiintii Taniyaani oo dalka la keenay markii Soomaaliya ka geliyay Wasaayadda Qaramada Midoobay, oo Taliyaani Maamule looga dhigay sannadkii 1950.

Markaan wargeyskaan “Xidigta Oktoobar” oo la qoray Febraayo 1990 oo aan ka aqriyay Abriile 2014, ku dhowaad Rubac Qarni, in Prof. Banza uu yeeshay qoys Soomaali ah – Xaaskiisa Xaajiya ah wiilkiisna Maxamed u bixiyay – waxuu igu beeray ixtiraamkii Macallin-nimada aan u haayay mid kasii weyn.

Way suurtowda in ay jiraan dad ila da’a ah ama iga weyn oo iiga badiya taariikhda Banza Bruno, aniga waxuu igu reebay oo xusuus ah, hees wadani ah uu na baray markuu Macallinka noo ahaa ee 1950dii.

Anigana ilaa markaas sidaan u xifdiyay, lixdan sano ka badan, mararka qaarkood aniga ayaa isu heesa isla markaasna aan la yaabaa Banza Bruno heestaas uu na baray lixdan sano ka hor si ay munaasab ugu tahay xaaladda ka jirta Soomaaliya maanta.

Heesta waxuu ku bilaabay, “Di Somalia siamo i figli della nostra cara terra”. Waxaan nahay carruurta Soomaali ee dalkeenna qiimaha leh. Waxuu raaciyay: “Na Dhaaf, dagaalyahow murugta badan”. “Nabad-watna walba ha ahaado”. “Walaalayaalow dan mideysan u dhaqaaqa idinkoo horey u socdo si mustaqbalka gacantiina u soo galo”.

Luqada lagu tiriyay waa Afka-Taliyaani:

Di Somalia siamo i figli; Della nostra cara terra;

Via da noi la triste guerra; Regni baci in tutti cuor;

Su fratelli, in solo sorto; Marciam rapidi, decisi;

Sempre avanti, avanti fissi; Il futuro conquistar;

Unofficial Translation in English:

For Somalia, we are the children Of our dear motherland

Go away sad war from us Peace prevail in all hearts

Let’us go in a single destiny March rapidly and decisively

Always forward; decisively forward To conquer the future

Runtii waa ku faraxsanahay in heestaan aan soo bandhigo lixdan sano ka bacdi maxaa yeelay waxaan u arkay in maanta uu noqon karo agenda nabad lagu raadin karo.

Anigoo ka faa’deysanaayo fursadaan, waxaan salaamaayaa goyska Banza Bruno, meeshii ay joogaanba anigoo u rajeynaayo caafimaad, cimri dheer iyo horumar.

MAXAMED CUSMAN CUMAR (Danjire)

[email protected]



 





Click here