4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Dib u Heshiin Dhab ah

Cabdiyah Sh. Axmed
Thursday, November 28, 2013

Aniga oo ka anba qaadaya maqaal uu dhowaan qoray Abukar Arman/Abuukar Carmaan, (July 1, 2013), maqaalka oo cinwaankiisu yahay: Dib u heshiisiin Markale laguna daabacay barta Foreign Policy Association (http://foreignpolicyblogs.com/2013/07/01/reconciliationone-more-time/) ayaa waxaa xaqiiqa ah in ayan Soomaalidu wali si buuxda ee daacadnimo ah ayan u wajihin daaweynta daqarrada fooshaxun ee kala gaaray bulshadeeda. Waxaa kale ee an la isla meel dhigin sababihii aasaasiga ahaa ee kiciyey dagaalka sokeeye, xaaladaha khasbay in dagaalku sidan u daba dheeraado iyo waliba tallaabooyinka lagu khasbanyahay in la qaado si loo soo afjaro colaadda, la is aamino, iyo waliba in dhidibada loo aaso tiirarka nabad waarta si dagaal sokeeye ee dambe looga fogaado, dib dambana anan loogu dhicin.

Si ay doodan oga qeybqaataan waxgaradka Soomaaliyeed ee laga yaabo in ayan akhriyin qorinna afka Ingriiska ayaan isku dayayaa in an halkan ku soo koobo qodobbada ugu waaweyn iyo dulucda maqaalka Qoraaga Abuukar Carmaan.

Abuukar waxa uu ku bilaabayaa in ay Soomaalidu saddex xaaladood ku kala sugantahay marka laga hadlayo arrinka dib u heshiisiinta. Qolo rumeysan in dib u heshiisiin la maray oo ay tahay howl dhammaatay; qolo rumeysan in an loo baahneyn mar haddii dowladdi ku meel gaarnimo ka baxday loona aqoonsaday in ay tahay midda kaliya ee matali karta dalka iyo dadka Soomaaliyeed; qeybta saddexaad ayaa rumeysan in uu wakhtigani yahay midka ugu mudan in loo ambo qaado dib u heshiisiin dhab ah ee xalaal ah.

Maadaama labada qolo ee hore ay taageersanyihiin xaladdu sida ay hadda ku sugantahay ayuu qoraagu door biday in uu si buuxda oga faallooda mowqifka qolada ugu dambeysa ee rumeysan in wakhtigani yahay midka ugu habboon ee ay tahay in la bilaabo dib u heshiisiin xor iyo xalaalba ah.

Waxa uu qoraagu dulmar kooban ku sameeyay lix iyo toban shir oo la qabtay labaatankii sano ee aynu soo dhaafnay, laguna qabtay dalka dibaddiisa, dhammaantoodna loogu magacdaray dib u heshiisiin caam ah, shirarkaas oo dhammaan, marka laga reebo kii Carta, ay abaabuleen dowladu shisheeye iyo kooxo dano gaar ah leh ayaa dhammaantood isku dariiq maray kuna dambeeyey awood qeybsi loogu daneynayey kooxaha hubeysan iyo qabaa’illo gaar ah.dhammaanna shirarkaasi waxay noqdeen kuwo lagu guuldaraystay. Waxa uu ka digayaa qoraagu in dib u heshisiinta mustaqbalku ay ka fogaato qaadista wadadaa hore loogu khasaaray.

Dib u heshiisiintu sideedaba ma aha wax lagu durduriyo oo waxay leedahay hab lamaro ee lagu furdaamiyo colaadda laguna xaliyo eedaha iyo waliba dhibaatooyinka ay keeni karaan. Waxaa loo baahanyahay habraac wada hadal dhex mara bulshada, isu tanasul, iyo nabad-doonnimo. Xaaladda Soomaalidu sida ay hadda ku sugantahay laga yaabe in ay waliba u sii baahantahay in la faaruqiyo guryaha khaaaska loo leeyahay iyo dhismayaasha dowladda, raaligalin la isa siiyo, laga shallaayo khaladki la kala galay, toobadkeen iyo waliba magdhowna la isu celiyo.

Sida xaqiiqda ah boqollaal kun ayaa dagaalkan sokeeye ku naf weydey, 1 million oo ruux ayaa qaxooti wali ku ah xeryahay Kenya, Etoobiya iyo Yemen; 1.2 million gudaha Soomaaliya ayay ku barakacsanyihiin, saas oo ay tahay ayayna jirin cid illaa hadda wax masu’uuliyad ah qiratay ama xataa bixisay raaligalin guud.

Caqabadaha hortaagan dib u heshiisiin dhab ah ayuu ku tilmaamay danayn la’aanta masu’uuliyiinta, baaxadda iyo qallafsanaanta arrinka oo loo arko mid furfuriddiisu culustahay. Shakhsiyaad ama kooxo iyagu ka qeybqaatay dagaalka sokeeye oo an daneyneyn in si daacad ah loo kala eed sheegto. Qolada saddexaad oo ah kuwa iyagu dhaqaale ahaan daneysta kana faa’iideysta tabardarrada iyo kala daadsanaanta qaranka. Siyaasadeeynta qabiilinimada, iyo waliba waxa uu ku tilmaamay faragalinta shisheeye iyo kuwa gacan saarka la leh oo iyaguna ka faa’iideysta xaaladahaa aynu dusha ku soo xusnay ee kala qeybsanaanta iyo tabar darrida.

Dagaallada ka dhasha daaqa, degaan, iyo waraab ayaa ahaa kuwa Soomaalida dhex mari jiray. Waxaa kale oo dhici jirtay dambiyo kale oo mar mar dhaca ee an la xariirin kuwaa aynu soo xusnay ayna geystaan shakhsiyaad qabiilka ka tirsan. Hadaba xilligi dagaalka sokeeye dambiyada keenayay in qabiilooyinku isku dhacaan waxay ahaayeen kuwa ay geystaan shakhsiyaad.

Guud ahaan qabiilku waxa uu ku hagoogtaa shakhsiga ka tirsan ee dambiga galay kana horistaagaa in shakhsiga sharciga lala tiigsado. Sidaas darteed ayaad moodaa in dhaqanka Soomaalidu ku dhiirigalinayo shakhsigu in uu dambi galo usanna ka fikirin cawaaqibka khaladkiisa balse qabiilku dhabarka u rito khaladki shakhsigu galay. Taasi waxay masu’uuliyadda ka qaadaysaa shakhsiga dhibka geystay waliba marka dambiiluhu ka dhashay qabiil ballaaran. Hadaba marka arrinku yahay ku lollan siyaasadeed "waa ninkii xoog lahaw xabagta gooso". Arrinkan qabiilka siyaasadeysan waxaa aad ugu takhasusay kuna daneysta qurba joogta taas oo kicisa qabiilkooda ayuu qoraagu ku soo gabagabeeyay qodobkan.

Hadaba si wadada loogu xaaro heshiis waara, waa in ayan dowladdu kaligeed masu’uul ka noqon geedi socodka dib u heshiisiinta. Waa in hogaamiyayaasha geedi socodka dib u heshiisiintu uu ka madaxbannaanyahay xukuumadda balse dowladdu tahy xubin ka mid ah ka qeybqaatayaasha. Geedi socodka dib u nabadeynta waa in ay hogaamiyaan isku dhaf indheer garad Soomaaliyeed ee ka soo jeeda dhammaan waaxyaha ummadda Soomaaliyeed sida siyaasiyiinta, culumaa u’ diinka, abwaannada, iyo hal abuurka Soomaaliyeedba.

Ka biskowshaha diifti daqarrada dagaalki sokeeye waxay bilaaban kartaa un marka aynu growsanno daqarrada na soo gaaray guud ahaan iyo gaar gaar ahaanba iskuna afgaranno soo gunaanad iyo ka gudub xilligi collaadda. Waynu garan karaa in arrinkan an si dhakhsa ah looga gudbi karin una baahantahay taxadar, faham iyo in laga gudbo isla qumanaanta qabiilka ku dhisan.

Waxa uu qoraagu soo jeedinayaa in dowladdu bilowdo olole ballaaran ee si wacan loo agaasimay ee ummadda dib oga dhaadhicinaya midnimadayada iyo qarannimadayada, tirtirtana kala qeybsanaanta iyo kala qoqobnaanta, dibna isugu soohda wadadhlashada iyada oo meesha ka saareysa is aamin li’ida, is nacaybka, iyo kala qeybsanaanta. Shaki kuma jiro in ay adkaan neyso fulinta arrimahan inta xaqa iyo xuquuqda shakhsiga lagu miisaamayo nidaamka foosha xun ee qabiiliga ah ee 4.5

Sidaas darteed ayay lagama maarmaantahay in Baarlamaanku ku tilaabsado dib hagaajinta dastuurka an lagu qanacsanayn, kuna qanciso mawaadinka Soomaaliyeed in xuquuqdiisa sharcigu ilaalinayo.

Dastuurku waa in uu sugaa xuquuqda shakhsiga tirsanaya xadgudbka, ilaaliyana danaha guud ee ummadda. Tani micnaheedu waxa weeye in dastuurku usan noqon mid loo sameeyey ka shaqeynta ama kala guridda arrimaha qabaa’illada dhexmara. Arrimaha noocaan ah waxa ku filan xallintooda xeer Soomaaliga in kastoo xeer Soomaaliga naftiisa dhawaac weyn soo gaaray xilligi colaadda.

Growsashada cabashada dhibanaha iyo u gudbinta weero nasteexo waa arrin ku yar kuna adag dadka ka soo jeeda dhaqanka geeldhaqatada waxaana arrimahaas loo nisbeeyaa dhaciifnimo ama liidasho. Balse, waxaa la isku raacsanyahay in wada hadalka iyo isdhaafisga weeraha wanwanaagsani ay xambaarsanyihiin awood aad u sareysa kana quwad badan yihiin ciidan kasta.

Dareenka Soomaalida dhaawac xun ayaa gaaray balse quus ma aha dibna waa loo dhisi karaa. Balse si dib loogu abuuro dareenka midnimadeenna waxaa lagama maarmaan ah in aynu dib u eegno wanaagga ku aasan diinteenna iyo dhaqankeenna ana kala soo dhex baxno nidaam inoo shaqeyn kara. Diinteenna iyo dhaqankeennu waxay ina farayaan in isu soo dhowaashaha quluubta iyo fikirku ka horeeyaan isla qabsiga carabada.

Bal malee qiimaha ay leedahay sabeenxirka iyo isa saamuxu "waan ka xumahay dhibti an kuu geystay ama idiin geysannay" – amaba "cafi iyo masaamax- waxba kuuma haysto" waa haddii ay weerahaasu yihiin kuwo dhab ah ee qalbiga ka soo go’ay.

Waxaa uu Abukar ku soo gabagabeeyey qoraalkisan ummad ahaan in aynu u baahanahay in aynu heshiino, iscafinno si aynu u daaweyno xanuunnada ina kala gaaray ee qalbiga noo fadhiya, si aynu u bilowno geedi socodka biskooshaha. Waxaannu arrinkan ugu baahannay si aynu dib ugu abuurro xiriiradi burburay ee bulshadeenna, aynu dib u dhisno ummad ahaantayada dhaawacan, aynuna dib u soo nooleyno qarannimadayada. Waa in rajadayadu noqoto dhibaatadi ka gudubnay, mustaqbalkana dhammaanteen wanaag ayaa inagu sugaya.

Ugu dambeyn waxa uu Abukar qirtay in uu garowsanyahay in usan jiri karin hab raac dib u heshiisiineed ee dabooli kara baahidayada dhan walba, waxase uu rajeynayaa in qoraalkiisani furfuro wada hadal iyo lafagur saraaxad leh ee lagu baadi goobayo hab raac nabadeed ee tifaf tiran ee inoo qalma ee daaweyn kara bulshadayada dhaawacan. Maadaama aynu badideen garowsanay in jiritaankayaga ummad ahaan uu khatar ku jiro taas oo cadowgayaguna nala doonayo naguna fiirsanayo, miyayna habboonayn in aynu isu garabsano jiritaankayaga guud? Miyeysan ahayn in aynu gorfeyno sidi aynu isu soo dhoweyn lahayn isuguna tanasuli lahayn, khaasatan kuwayga dulman si ay u dareemaan in ay yihiin wadaniyiin xuquuq buuxda leh? Miyeysan ahayn in an baranno in aynu kala saarro shakhsiga dambiilaha ah iyo dambiga magac qabiil lagu galay?

Marka an halkaa oga baxo dul marki qoraalki Abuukar Carmaan, annaga oo isla markaana maskaxda ku hayna arrimaha qoraagani ka hadlay ayaa waxa ay tahay in an is weydiino, maxaynu u wajihi la’nahay in aynu growsano khaladka iyo khasaaraha ina soo gaaray si aynu oga tabaabusheysano in tani ayan dib inoogu dhicin?

Miyeysan ahayn xil ina wada saaran in aynu u duubanno sidi aynu oga bixi lahayn qiima darrada, iyo khatarta aynu ku sugannahay haddii aynu Soomaali nahay meel walba ee aynu joognaba?

Kala cararka iyo sii kala fogeynta ummadu waxay markhaati u tahay in aynu wali ku adkeysanayno in khaladku sii socdo. Wanaagga oo la doono, cafiska, nabadda, weerta wanaagsan dhammaan waa astaamaha lagu yaqaan qofka caaqilka ah. Towbadkeenka iyo ka shalaytada khaladku ceeb ma aha ee waa geesinimo, waxgaradnimo, waxayna xambaarsantahay qiimo gaar ah, diinteenuna aad ayay u ammaantay. Qirashada khalad kaa dhacay, cafis weydiisashada iyo ka shalayntu waxay kaa dul qaadeysaa culays fara badan ee adduun iyo aakhiraba leh, waxayna kuu sahleysaa in ad bog cusub noloshaada u furto.

Aniga waxay ila tahay in shakhsi walba (ma aha qabiil walba) uu dib u xisaabtamo oo uu is weydiiyo muxuu ahaa doorki an ku yeeshay aafada Soomaaliya ku habsatay? Is weydii in ad qof an dambi kaa galin dishay ama dhaawacday; is weydii in ad xoolo dadweyne ama xoolo khaas loo lahaa ad dhunsatay. Is weydii in ad ku xad gudubtay, sharafteedana meel oga dhacday qof haween ah ee an is difaaci karin. Ma ka fikirtay in ad qeyb ka ahayd howlo dagaal oo ummad nabad u degan lagu sal kaciyey? Ma ka fikirtay in inta ad nooshahay ad fursad qaali ah haysato oo wixi kaa khaldamay ad ku hagaajin karto?

Ugu damabeyn, odayaasha fursadda qaaliga ah maanta haysta, ee daafaha kala duwan ee dalka iyagu ka taliya waxaan ka codsanayaa in ay ka fikiraan meesha ay dalkan iyo dadkiisa doonayaan in ay oga tagaan? Maxaa ka wacan, kana qurxoon, kana wanaagsan in ad noqoto kii ummaddaa kala taala isu keenay, magacaa dhumay badbaadshay, colaadaa baahday nabadeyn ku badalay, mustaqbalka jiilka dambena ka ilaashay in usan dib u marin xaalad tan la mid ah. Soomaalidu maanta waxa ay u oomantahay halyey aragti fog leh, karti, maskax iyo dadnimana leh, dambi an hore ummadda oga gelin, xoolo dadweynana an ku takrifalin. Halyeygaas oo ka sareeya kuna hodmin aragtida liidata ee meesha dhow ee "qabiileynta iyo qeybsanaanta" ah wax ka aragta.

Ma laga yaabaa in ad kaas noqoto? Ma laga yaabaa in ad noqoto kii ama kuwi daba qabtay dalki Soomaaliya iyo Soomaaliba, ma leedahay astaamo hogaamiye qaran?

Waxaan rajeynayaa qoraalada noocaan ahi in furfuran soo saaraan isuna keenaan wanaagga ku duugan ummadda Soomaaliyeed.albaabadana u furaan in ay wada hadlaan inta jecel wanaagga, kana fakara sidi looga bixi lahaa xaaladdan liidata ee aynu ku suganahay.


Wadahadal walaaltinimo!
Cabdiyah Sh. Axmed
[email protected]



 





Click here