4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Soomaaliya oo laga Bilaabay Ka-Tallaalidda Cagaarshowga Nooca B iyo Holaca Xuubka Maskaxda

SOOMAALIYA OO LAGA BILAABAY KA-TALLAALIDDA CAARSHOWGA NOOCA B IYO OOFWAREENKA IYO HOLOCA XUUBKA MASKAXDA: CARUURTA OO UGU DAMBEYN HANTIDAY GUUSHII NABADDA

 W/Q: Khaliif Bile M.D.; Ph.D.
Sunday, May 19, 2013

Madaxda haysa maamulka dawladeed, ururada bulshada, xirfadlayaasha caafimaadka ee dalka gudihiisa ka hawl-gala, qurbajoogta caafimaadka iyo guud ahaan ummadda Soomaliyeed waa ineysan yareysan dhacdadan taariikhiga ah ee ku saabsan hirgelinta tallaalka la magac-baxay Benta-valent(shanta tallaal) oo tallaalka cagaarshowga nooca B iyo Hemofilus Influense (Haemophilus Influenzae) nooca b (Hib) hormuudka u yahiin, lagana bilaabay dalka bishii Abril 2013ka.

Tallaalkani wuxuu xambaarsanyahay shan tallaal oo kala duwan oy ka mid yihiin tallaalka Gawracatada, Kojiyaha, Xiiqdheerta, Cagaarshowga B, iyo tallaal ka hortaga Oofwareenka iyo Holoca Xuubka Maskaxda, wuxune tallaalkani ku soo biiray kana midnoqday Barnaamijka Tallaalka Baahsan ee qaranka ee la magacbaxay “Expanded Programme on Immunization” (EPI).  Saddex tallaal ee kale ayaa barnaamijka EPI caruurta Soomaliyeed si joogta ah ugu fidiyaa, kuwaas oo kala ah: tallalaka Dabaysha, Qaaxada iyo Jadeecada.

Hoyooyinka uurka leh waxay iyaguna heli karaan tallalka kojiyaha oo ka hortaga cudurka Kojiyaha dhallaanka ee dilaaga ah. Tallaaladaasi oo idili waa kuwo si lacag-la’aana ah caruurtu u heli-karto, dalkana aan culeys dhaqaale ku hayn. Lakin waxaynu misana ognahay in cudiradaasi sababaan bugto iyo dhimasho baaxad weyn, taas oo tusaale u ah in hawlgalka tallaalka EPI ee dalka ka socdaa uusan wali heerkii laga filayey gaarin.

Waa maxay saameynta uu leeyahay hirgelinta tallaalka cagaarshowga B?

Hirgelinta tallaalka “Pentavalent” wuxuu suurtagelinayaa in caruurta shan tallaal ee wada socda la siiyo, si looga hortago cuduradaas, ayna tahay in ilmaha dhasha la siiyo tallaalkaas saddex taariikhood ee kala duwan, kuna beegan marka ilmaha da’diisu gaarto bil iyo bar, tallaalidda labaadna markuu gaaro laba bilood iyo bar, kan saddexaadna marka da’diisu gaarto saddex bilood iyo bar.

Tallaalka Pentavalent maadaama uu xambaarsanyahay shan tallaal ee wada socda, waa sahal safrintiisa iyo bixintiisuba oo mar keliya ayaa la durayaa ilmaha, meeshii waayadii hore tallaaladan qaarkood si teel-teel ah loo bixin-jirey.

Haddii heerka faafidda cagaarshowga B ee dalka Soomaaliya la qiyaaso, waxa la oran karaa waa cudur aad u baahsan, oo cudurada kala duwan ee beerka ku dhaca 30% isagu sababteeda leeyahay, waana cudur ugu badnaan beegsada ilmaha da’da yar, lakiin waxyeelladiisu soo baxdo marka qofku weynaado isagoo keenaya beer-holoca daaha, beer-qolfow uu beerku tabar dhigo iyo kansarka beerka, kuwaas oo bugtadoodu beegsanayso marka dadkasi gaaraan da’dii wax-soo-saarka dhaqaale iyo da’dii ay qaadi lahaayeen masuuliyadda xannaaneynta qoysaskooda.

In laga tallaalo carrurta cagaarshowga B waa maalgelin qiima weyn leh oo u baahan is-xilqaan qaran iyo taageero siyaasadeed xagga dawladda iyo taageero bulsho si fulinta barnaamijkan loogu guuleysto. Maamulada caafimaadka dalku waa inay la socdaan in Heya’dda Caafimaadka Adduunku (WHO) qeexday 1992-dii ahamiyadda tallaalka cagaarshowga B, taas oo ku cad qaraarka lambarkiisu yahay 45.17 oo ku boorriyey dawladaha adduunka ee heerka baahsanaanta cagaarshowga B uu le’egyahay ama ka badanyahay 8% bulshada, ay ahayd in 1995-tii dhaqan-geliyaan tallaalkan, iyo in dhammaan dalalka adduunka oo idili, heer kasta ha le’ekaato baahsanaanta fiiruska cagaarshowga B, ay ahayd in tallaalka cagaarshowga B ay bilaabaan sannadkii 1997-dii. Go’aankasi wuxu muujinayaa in ay ahayd in tallaakan laga dhaqan-geliyo Soomaaliya 1995-tii  oo maanta laga joogo 18 sano, maadaama dalkani uu ka mid-ahaa dalalka adduunka ee baaxadda fididda fiiruska cagaarshowga B aad u sarreysey.    

Hirgelinta Ka-Tallaalidda Caruurta Soomaaliyeed Cudurada oofwareenka iyo Holoca Xuubka Maskaxda ee Dilaaga ah

Jeermiga Haemophilus Influenzae (Hemofilus Influense) nooca b oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan “Hib” wuxu dhaawacaa xuubka ku daboolan maskada madaxa iyo tan laf-dhabarta, wuxune u keenaa caruurta yar-yar cudurka dilaaga ah ee maskax-holoca. Hib wuxu sidoo kale sabab u yahay oofwareenka ama qaarjeexa halista ah ee caruurta ku dhaca. Tallaalka Hib waa markii u horreysay ee dalka la keenayo isaga oo ka mid ah shanta tallaal ee tallaalka Pentavalent xambaarsanyahay. Tallaalka Hib wuxu caruurta ka difaacaa cuduro dilaa ah oy ka midyihiin oofwareenka/qaarjeexa iyo holoca xuubka maskada. Faaido gaar ah ee la socota tallaalka Hib waa arrinta lagu magacaabo “difaaca dadban” oo tilmaamaysa in haddii caruurta badankooda tallaalkan la siiyo, ay suurta gal tahay in isla markaas tallaalkani ka hakiyo cudurada jeermigani keeno caruurtii tallaalka aan la siin. Sidaas darteed kaalinta caafimaad ee tallalka Hib waa mid waxtar weyn oo la taaban-karo leh.

Tallaaka Pentavalent oo Xambaarsan Shan Tallaal waa guul ka dhalatay nabadda

Dalku waa inuu u dabaaldegaa guushan la gaaray maadaama himilo riyo ahayd isu beddeshay hawlgal dhab ah, oo ka hirgelinta tallaalkani dalka oo dhan la oran karo waa iftiin cad oo tilmaan u ah dib-u-dhisidda nabadda qaranku manta ku hawllanyahay. Caruur badan oo Soomaali ah oo muddo sannado ah ka qatanaa daryeelka caafimaadka asaasiga ah oo tallaalku ka midyahay ayaa maanta fursad u helay daryeelkii ay xaqa-u-lahaayeen, iyagoo tallaalka Pentavalent oo xambaarsan shan tallaal iyo saddex tallaal oo kale guryaha degaankooda loogu geynayo. Taasi waxay muujinaysaa isku-xirnaanshaha dib-u-dhisidda nabadda iyo guulaha la xiriira gaarsiiinta hawlaha tallaalka dhammaan caruurta iyo haweeenka uurka leh iyo ahamiyadda u diyaarinta haweenka foosha ah umulisooyin tababar casri ah qaatay oo adeeg tayo leh bixiya iyo sida daryeeladaasi hoos-ugu-dhigayaan dhimashada caruurta iyo hooyada. Hirgelinta waxbarashada asaasiga ee suurta-gelinaysa ka qaybgalka caruurta Soomaaliyeed oo dhan iyo fulinta xaqa qof kasti ee qaan-gaar ahi u leeyahay inuu si xornimo ah u shaqeysto ulana soo baxo nolol-maalmeedkiisa, waa laba arrimood ee ka unkama xoojinta dib-u-dhisidda nabadda, isla markaasne saameyn toos ah ku leh kobcinta caafimaadka bulshada.

Dhibaatooyinka lala kulmi karo

 Guusha hirgelinta tallaalka Pentavalent ee la gaaray waxay daliil cad u tahay in caqabadihii ka abuurmay iska hor-imaadyadii dalka saameeyey muddada dheer ay si xoog leh hoos ugu dhaceen.  Sidaas darteed maamulayaasha caafimadku waa inaysan dhayalsan masuuliyadda insaaniga ah iyo tan hawlfulinta ah ee ku saleysan maamulidda wacan ee sistemka qaboojinta tallaalada, ka taxaderidda safrintiisa iyo keydintiisa iyo xaqiijinta in talaalkan si joogta ah loo geeyo deegamada caruurtu ku suganyihiin meel kasta oy dalka ka joogaan. Meela badan ee dalka ka mid ah, heerka fulinta ka-tallaalidda caaruurta cudaradan halista ah, wuxu marayaa heer ka hooseeya 50% iyadoo waliba tallaalka la gaarsiiyo gobolada iyo degmooyinka intooda badan.

 Dhibaato kale waxay tahay iyada oo meelo badan ee dalka ka mid ah aan wali tallaalka la gaarsiin karin nabad-gelyo xumo awgeed, sidaa darted waxa loo  baahanyahay in nabad-gelyada kooxaha tallaalka wada la ilaaliyo. Saddexda heya’dood ee dalku kala kaashado arrimaha tallaalka oo kala ah WHO, Hey’adda Qaramada Midoobay ee Caruurta (UNICEF) iyo Bahda Guud ee Tallaalada iyo ka-difaaca cudurada: The Global Alliance for vaccines and Immunizations (GAVI) iyo hey’ado iyo dawlado kale ee caawiya dalka ay ku sharfanyihiin taageerada ay ka geysteen sidii tallaalka Pentavalent dalka looga dhaqan-gelin lahaa, kuwaas oo maamulayaasha caafimaadka dalka ka filanaya iney si fiican ula shaqeeyaan hey’daha kale ee maamulka dawladda, ururada bulshada iyo dadweynaha guud-ahaan, si loo gaarsiiyo tallaalkan caruurta loogu tala-galay.

Si loo helo hoggaamin wanaagsan, waa in hey’adaha caafimaadka dalku ay isu taagaan xilkaas, isla markaasna qaadaan masuuliyad buuxda sidii loo higsan lahaa loona gaari lahaa bar-tilmaameedka ay  WHO dawladaha adduunka oo dhan ugu baaqday ahna in heerka tallaalka dal kasta la gaarsiiyo 90%, degmada dalka ugu liidatana herka tallaalkeeda caruurtu aanu ka yarayn 80%, natiijooyinkaasne la rabey in la gaaro sannadkii 2010. Marka la eego heerka hooseeya ee tallaalka caruurta Soomaaliyeed ku suganyahay manta, himiladan WHO tilmaantay waxay u egyahay yool aan la gaari-karin, lakin misana waa in la qiraa in yoolkani gaariddiisu tahay midda ugu habboon ee xuquuqda caruurta loo dhammeys-tiri karo.      

Gabagabo/Gunaanad

Hirgelinta tallaalka cagaarshowga B iyo tallaalka Hib iyo ku lammaanintooda tallaalada kale ee sida joogtada ah uga socda dalka, waxay ka baajisay malaayiin caruur Soomaaliyeed ah kharshka tallaalkan oo caqabad weyn ku noqon-lahaa, isla markasne abuurtay fursad lagu xoojiyo daryeelka nolosha caruurta. Guushaasi waa mirihii ka dhashay nabadda, oo in la sii xoojiyo loo baahanyhay.

Haddaba waxa loo baahanyahay in he’yadaha maamulka cafimaadku kaashadaan ururada bulshada iyo shicib-weynaha ku nool degaamada kala duwan si ay u abuuraan una joogteeyaan hawlgallo ballaaran ee saameeya tallaalada caruurta ee ka fula barnaamijka EPI. Ka-hirgelinta tallaalka cagaarshowga B dalka Soomaaliya, wuxuu keenayaa in jiilalka manta dhasha iyo kuwa mustaqbalka dhalandoona ka badbaadi doonaan cudurada ka yimaada fiiruska cagaarsgowga B, sida cagaarshowga beerka ee deg-degga ah iyo kan daaha, qolfowga beerka iyo kansarka beerka. Sidoo kale tallaalkan Pentavalent wuxu caruurta ka badbaadinayaa afar cudur oo kale ee tallaaladu dabar-gooyaan. Sidaas darted waa in ummadda iyo he’adaha caafimaadku dhammaan u arkaan ka-tallaalidda cagaarshowga B inuu yahay barnaamij nabadeed ee loo baahanyahay in la siiyo shaqaalaha caafimaadka taagero kasta ee suurta gal ah si ay tallaalkan u gaarsiiyaan caruurta loogu tala-galay oo dhan, degma kasta oo dalka ka mid ah, oo caafimaadku noqdo calan-sidaha dhambaalka nabadda. Xayeysiinta aragtida ku saleysan in caafimaadku yahay kaabad ama buundo nabadeed waxay dar-dar gelinaysaa ka-fulinta daryeelka caafimaadka asaasiga ah dalkoo dhan, taas oo laf-ahaanteedu xoojinayso nabadda, hawlahaas oo dhammaantood ku hirgeli kara markii la adegsado tabo qaran ee ku wajahan horumarinta caafimaadka iyo xoojinta u-sinnaanta adeegyada bulshada.  


Khalif Bile M.D.; Ph.D.
[email protected]



 





Click here