2014-11-27
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Soomaaliya: Siyaasadda Geeska Afrika ee Maanta


Qore: Mahad Kooshin
Wednesday, March 20, 2013

Guud ahaan dalalka dunidu waxay leeyihiin dan ee ma leh saaxiib, asii ay danta daleed qeexayso in dalku uu yagleelo saaxiibbo badan oo joogto ah oo danaha lagu gabraarto. Siyaasadduna waa wixii suurogal ah oo kula gudboon, ma aha wixii aad lexejeclo u qabto ee waa wixii had iyo goor dantu ku jirto, ayada ayaa waddo kuu jeexda ee adigu waddada uma jeexdid. Isla mar ahaantaas na waa hawlaha dawladeed ee la xiriira arrimaha siyaasadeed ee dalalku ay leeyihiin. Dal walba xiriirka uu dal kale la leeyahay waa u siyaasaddiisa gaar ahaaneed ee uu aayihiisa, jiritaankiisa iyo ujeeddooyinkiisa ku furdaamiyo.

Haddaba siyaasadda Soomaaliyeed dhankaas waxaad mooddaa in ay muddo dheer dhantaalnayd oo ay ku dhisaalnayd dan-beel, horraantii burburkii dawladdii dhexe iyo ka dib ba. Ma muuqato dhiirrinaan, garasho iyo dhug loo leeyahay arrimaha adduunweynaha iyo siyaasadaha geyiga Geeska Afrika. Ma muuqato siyaasad xambaarsan danaha guud ee dalka. Waa la dheelliyay intii la liici karay, waa laga maahsanaa isbeddelada dhacayay oo la moogganaa qaab looga miro dhaliyo. Sidaas awgeed Soomaaliya ma yeelan saaxiib joogto ah oo dan siyaasadeed ay la wadaagto. Sidaas darteed siyaasadda Soomaaliyeed waxaa saameeyay jahowareer iyo habow.

Waxaa in muddo ah farogalin ku hayay dalal ay ugu darraayeen Itoobiya iyo Masar. Run ahaantii labadaas dal siyaasadda Soomaaliya dhumuc weyn ayay ku lahaayeen jiritaankeedii. Waxaa labadaas dal dhexaadiyay loollan gahayray oo ku salaysan biyaha webiga Niil. Sidaas awgeed ayay dawladihii is xigay ee Masar ay isku taxalujiyeen in ay Soomaaliya la yeeshaan gacansaar iyo saamayn ay ku fuliyaan danaha Masar. Waxay kaalin weyn Masaaridu ku lahayd dagaalkii ‘77dii ee Soomaaliya ku guuldarraysatay dhan siyaasadeed, militariyeed, dhaqaale iyo sibil ba ee waxyeelladiisii ay teer iyo maanta aloosan tahay.

Farogelintii Itoobiya ku haysay Soomaaliya labaantankii sano ee burburku jiray siyaasad ahaan iskaashigii Masar iyo Soomaaliya ayaa door weyn ku lahaa. Itoobiya waxay ka foojignayd dawlad Soomaaliyeed oo soo celisa xiriirkii militariyeed, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay la lahayd Masar. Kaas oo Itoobiyaanku u arkay khatar ku soo food leh maadaama Masar danayso in ay Itoobiya ku furto furimmo dagaal oo hor leh, gaar ahaan dawlad Soomaaliyeed oo aagga bari colaad kaga soo qaadda. Hankaas siyaasadeed ayuu Soomaaliya ka lahaa madaxweynihii hore ee Masaarida ee Anwar Saadaad markii uu u ololeeyay in Soomaaliya ku biirto ururka Jaammacadda Carabta.

Masaaridu dedaal dheer ayay had iyo goor ugu jirtaan aafaynta Itoobiya. Tusaale ahaan waxaa jira ciidan kumaandoos ah oo ay Masar leedahay oo u tababbaran in ay ka dagaallamaan dhulal hawd iyo dhir miiran ah, taas oo Itoobiya ugu dhigan ciidan loogu talo galay dhulkeeda. Si ay cadaadis Itoobiyaanka u saaraan ayay Masaaridu xiriir dhinacyo badan leh la leedahay dalalka Suudaan iyo Soomaaliya oo labaduba soohdin dheer la wadaaga Itoobiya. Dhawaan waxaa magaalada Qaahira ee xarunta Masar warbaahinta ugu gooddiyay Itoobiya taliye sare oo ka tirsan ciidammada Sucuudi Carabiya, kaas oo si bareer ah oo aan looga baran Sucuudiyiinta ugu hanjabay Itoobiya ku na tilmaamay dal lid ku ah danaha iyo arrimaha dawladaha Carbeed.

Geesta kale dawladda Itoobiya waxay ku hawlan tahay taageero ay ka kasbato reer Galbeedka oo ay u muujiso in ay tahay dal qaddiim ah oo Kiristaan ah oo sabool ah oo ay ku oodan yihiin dalal ay ka jiraan Islaamiisteyaal xagjir ah oo yididdiilo weyn u leh in ay tirtiraan jasiirad Kiristaan ah oo dhexdooda ku taal. Itoobiyaanku waa dadka ugu waddanisan Afrika waxaa na ka jira barnaamijyo taban oo dadweynaha iyo ciidammada lagu baraarujiyo oo ku saabsan dagaalka qabow ee biyaha webiga Niil. Biyaha webiga Niil boqolkiiba sagaashan waxay ka soo gororaan buuraha Itoobiya. Biyuhu Masar waa u nolol oo la’aantood waa baa’ba. Dagaalka qabow ee labada dal wuxuu soo jiray teer iyo 1929dii markii la saxeexay Heshiiskii Niil.

Haddaba dagaalkaas qabow Soomaaliya dheef ugu ma jirto dhan walba, waxaa habboon in dalku gaar ka ahaado siyaasadaha isdiiddan iyo danaha qallafsan ee dalalku ay leeyihiin. Ogsoonaanta iyo u hoggaansanaanta xaqiiqdaasu waa in ay siyaasiyiinta Soomaaliyeed u lahaato taxaddar weyn oo aan yarayn. Isla mar ahaantaas waa in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay danaha dalka iyo dadka u baadigoobaan qaabka ay siyaasiyiinta dalalka kale ugu heeggan yihiin oo waxtarkooda lagu cabbiro heerarkaas.

Dhawaan ayay ahayd markii Masar ay Muqdisho u soo dirtay wasiirka arrimaha dibedda oo ay ku dhawaaqday iskaashi dheellitiran. Heshiiskaasu waxa uu durba walbahaar ku abuuray madaxda dawladda Itoobiya, waxaa xigay in ciidammadii Itoobiya ee saacidayay ciidammada dawladda Soomaaliyeed ee ku sugan gobollada Bay iyo Bakool dib-u-gurasho ku dhaqaaqay, sidaas awgeedna ay Shabaab qabsatay Xudur.

Danta siyaasadeed ee uu dal leeyahay waxaa ugu horraysa sugidda soohdimaha iyo xiriirka deriska, taas oo ka horraysa xiriirrada dal ama dalal fog lala yeesho, gaar ahaan marka uu loollan iyo dagaal qabow ka dhexeeyo dal dhaw iyo mid fog. Xodxodashada Masaaridu waa mid dan daleed lagu gabraarto oo aan u roonayn Soomaaliya iyo guud ahaan Geesta Afrika. Mar waa colaad hor leh, mar waa Carabysi iyo saamayn, mar na waa siyaasad gurracan.

Masuuliyiinta Muqdisho waa in ay u dhugyeeshaan tagtadii shalay, waa in ay ka foojignaadaan ujeeddooyinka gurracan iyo dalalka durba meelo fog uga gacan haatiyay oo aan dhib hor leh loo loogin bulshada daashay. Khaas ahaan kuwii shalay ku dhaayaday ba’ii iyo hooggii ummaddu dhexmaquurtay oo ay weli ka soo kabanin. Ma jiraan gacaltooyo iyo gacanqabad ay Masaaridu iyo ururka Jaammacadda Carabtu Soomaaliya tareen oo la taaban karo muddadii burburka, haatan oo ay Soomaaliya cagaheeda ku istaagaysana ma muuqdaan kuwo hor leh, waxaa un muuqata fursad ay dareemeen oo burinayaan, taas oo waxyeello mooyaane faa’iidooyin aan u holladayn dalka iyo dadka.

Mahad Kooshin
Mahadkooshin@hotmail.com


Post your comments